TALO WAA TII ILAAH,
ADDUUNYO WAA TALAN TAALI,
NINA TII HELI MAAYEE,
MARKEEY TOOSIBA WEEYDO,
TALLANBAABWI HALLOWDO,
ADIGU TAADA KU TOOS,
TOWBEEYSOO KU ARUUR,
ILAAHEY TALA SAARO,
QALDAADKANA TOOSI,
INTII ISHAADU TUSTAANA,
TUBTA TOOSAN KU AADDI,
HA TAHLUUKIN NAFTAADA,
TABANTAABO LA DOON,
TUB KASTOO AD MARTAANA,
TAXADIRKAAGA LAHOOW,
TOWBADA U DHOWOOW,
HADAAD TOOSIN KAREYSO,
U TUROO ISKU TOOSI,
DADKA TOODA U SHEEG,
ADIGUNA TAADA KA RAACO ,
IYAGA TOODA U DAA,
TAROROGEEYSKU MA FIICNE,
SHARAFTAADA HA TUURIN,
QADARINTA HA TALLAABIN,
MID AAN TOOQ GARANEYNIN,
HA U TUURIN DANTAADEE,
ISAGA TIISA U DAA,
ADIGUNA TAADA KA RAACO,
ADDUUNYEEYKA TABTAAS AH,
SI KASTOOD ISKU TIISHO,
MA SOO TAABAN KAREYSIDE,
WAXBA HEEYS TAHLUUKEYN,
DAMBINA HOOW TANNAFEYN,
TAN AAD MAANTA AG-JOOGTID,
TU KALAA KA DAMBEYSA,
ANIGAA U TUN ROON IYO,
TOLKEEYGAA U WANAAGSAN,
MEELNA AAD KU TAGEYNINE,
BAL TARTIIBSO WALAAL,
HALKII EEY TABARTAADIYO,
TUURTAADU KU GEEYSAAD,
OOLIYOOD TUTUBNAANE,
AYARKAA BAL TALLAABSO,
ANAA KAA TURUQWEYN IYO,
ANAA KAABA TANAADSAN,
KUWII HOREE IS TUSEENBAA,
WAXBA TOOD HELI WAAYEY,
KIBIRKU WAX MA TIIRSHEE,
AQLIGAA WAX TANAADSHEE,
TOWBAADAA UUN HA SEEGIN.
Masha Allah Abwaanad ayaa tahay Ilaahey hanaga dhigo kuwo ku waano qaato Geerarkada wanagsan insha Allah
masha allah waa erayo xikmad leh, Aamino afkaada caano lagu qabay
Woow amino jiroo joog waligaa ha dhiman dharar kasta dhalinyaranimo kuso toos taadana ilahay hadhowro afkaga caano iyo samsam lagu dhaash gabey in badan loo baahi qabaa maankaga kasoo duxay aminoy waheliye jiro joog
maanshalah gabar abwaan ah aad iyo aad ayaan ugu baahnayn waayo ragu wax uun ayey isku dirayaan marka halkaas ka wada aamin
dadka aqliga u saaxiibka ah ama dadaalaya waa in taageerno sida amino
thanks
Maansha Allah , Maansha Allah . AAd ayaan Amina kuu salaamayaa , aad ayaanan ugu faraxsanay sida fiican ee aad waayaha ugu jawaabtay, iyo waliba sida aad Abwaanad ugu sii durkayso. kolay anigu waxaan kuu yaqaanaa “Hormoodka dumarka soomaaliyeed” guul ayaan kaaaga rajaynayaa ifka iyo Aakhiradaba.
Wlh wa wonderful words walal mahadsanid
Thanks aamina waa gabay melwalba tabanaya xag diin &xag siyasad kuwi ku camal qado allah naga dhigo aamin amin amiin
Waw wa gabar cajib ah ilahay ha no daysto jir o jog intu ilah kugu talao galo by
Waa geerar qiiro leh masha Allah dareenka bulshadana waa geerar soo jeedanaya oo kicinayaaya
she is arole model gabdhaha somaliyeedoow ku dayda aamino, runta hakaxishoonina ilaah kacabsado oo somaliyey aamino kudayda
waa geer aad u wanagsan ilahay ha ku deesto aamino
masha alh amino abwaanada an masraxa ka degin tnx amino
masha aalah waan ka helay aamino
masha alllaah amin muse wahliye wariy maclin abwaan daacadnimada ku duugan alloow doofiiqada udaaa
masha allah amino jizakalahu qeyran walashey
Maansha ALLAH