Waxaa qortay: Amina Mussa Wehelie.
Dad yahoow dabuubgalay, oo fikir la deekeeyey,
maskaxdeeyduna dareen beey sidaa, aan la dacaroone,
damiirxumada waxa noogu wacan, baan la daamuraye,
yaab baan daamankiyo, dacalka heystaaye,
Isku duubni baa dunida oo dhan, laga dabqaataaye,
daggallada ahliga ah ma jiro, cidaan ku soo daalin,
aqligaase mar dambe soo duxoo, daris walaaleeya,
markaasaa dib loo wada saxaa, duumadii hore,
xoolaha waa la duwi yaqaan, si ay u daaqaane,
bal sidee baa loo duwaa, duul aan dubaaqeynin,
damiirkuna uu maran yahoo, aqligu daasoobay!!!
labaatan gu’ baan dagaal, dabada heynaaye,
dumarkiyo caruurtii waanagaa, dubannay oo riiqnay,
waxaan nabi la soo daahirin amaan, diinta lagu sheegin,
waa nagaa duhur cad qaadanoo, soo daliishanaye,
diiwanna uma heyno iyo, kutubba deegaaran,
dam dam mooyee ma jirto, niyad duxeeysaaye,
dubba weyn anigaa sitee maqal, daaca qurunkeeyga,
haddii kalena waan ku dili, oo waana ku dabargooyne,
intasaa noo dariiq noqotay, oon la dibirteyne.
Xoolaha waa la duwi yaqaan, si eey u daaqaane,
bal sidee baa loo duwaa, duulaan dubaaqeynin,
damiirkuna uu maran yahoo, aqligu daasoobay!!!!
dadkani waxeey ku daalaan waxaan, dani ka raaceyne,
daroogiyo waxeey gadahayaan, dacar sunteediiye,
dadnimadoodii beey qaad iyo, wax xun ku doorsheenee,
gafuur duug ah, ilka digir leh iyo gowse darab shiid ah,
ayaa quruxdii dhammaan laga dayoo, loo xarshaash degaye,
xoolaha waa la duwi yaqaan, sideey u daaqaane,
sidee baa loo duwaa duulaan dubaaqeynin,
damiirkuna uu maran yahoo aqligu daasoobay!!!!
mnsha allah mansha allah
aamina muse weheliye qalbigaaga saafida ah fikirkaaga saliimka ah Eebe hakula garab galo Amin Amin
alla haku anfaco hana fahansiiyo qalbigooda haku duxiyo walalahayga koofur
masa allah aamina cadeey cadi matihide alaha ku dhowro my walaasheena qaaliga ah qoraa sare wad dadaashay wlhi in badan