London; UK
By: Amina Mussa Wehelie.
Maxkamad ku talaal wadankan Igrisiiku,ayaa ku xukuntay xabsi daa’in Zakariya Maxamed, oo ah nin soomali ah oo wadankaan Britian ku jooga magangelyo , oo 57 jeer toorey ku dhuftay Amina Maxamed, oo ay xiriir lahaayeen guri qur ahna ku wada noolaayeen muddo sanad ah.
Sakariye ayaa dilka Amina u adegsaday tooreeyo iyo quraarad jabtay, wuxuuna ku dilay guriggii ay ku wada noolaayeen oo ku yaalal koofurta London.
Horey ayuu Zakariye Maxamed oo ah ninka soomaliga ah ee gabadhan dilay dhowr jeer u jirdilay Amina Adan, balse mar kastaba dib ayeey isugu noqon jireen si xirirkoodu halkiisa uga sii socdo.
Dilka ayaa lagu tilmaamay in uu u dhacay si naxdin leh, sida laga soo wariyey booliska iyo dadka kale oo u war haya arrintan, oo sheegay in Sakariye uu guriga tagay isagoo sarqaan ah, ka dibna ay is afdhaafeen Amina, markaas ka dibna uu inta tinta qabtay, jiidniin uga soo dhaadhiciyey jaranjaradda guriga, laad iyo feerna isugu daray ilaa eey ka miyir beesho, intaas ka dibna uu tooreyda iyo quraarada gel-geliyey 57 todoba jeer iyadoo miyir la’.
Wararka dhinaca booliska laga helay ayaa intaas ku daraya in uu xitaa markii ay boolisku yimadeen isku ayey in uu dagaal kala hortago, balse markii dambe ay boolisku ku xakameeyeen, bistooladaha nooca korontada ee LESAR GUN loo yaqaano.
Sakariye ayaa goorta uu fal dambiyeedkan ku kacayo wuxuu ku joogay dibadda xabsi-qafiifin looga sameeyey dambiyo uu horey u galay oo ah gacan u gacan qaadidda gabadha ay saxiibka yihiin, halka uu u ballansanaa casharo dhinaca shaqaaqaayinka qoyska ka dhex dhaco ku saabsan, oo horey loogu diray, balse intaan la gaarin xilligoodii ayuu dambigan cusub galay, gabadhiina qudha ka jaray.
Gabadha la dilay, Amina Adan ayaa lagu sheegay in ay ahayd qof shaqeysata aadna u dadaal badan misna si weyn looga yaqaanay TVga Al jaziira xaruuntiisa London oo ay ka ahayd sarkaalad dhinaca waaxad shaqaalaha ka howlgasha.
Categories: Uncategorized
Asc salaan kadib waxaan halkan ku salaamayee Amina weheliye Dahaafiyad Aad qiimo ugu leh uUmada Somaliyeed
Aac salaan kadib waxaan halkan ku salameyaa Amina weheliye Oo Ah Suhufayad Aad Qiimo Ugu leh Dad weyna ah Somaliyeed- lkn waxaan halkan kuugu weydineyaa su’aal Badan Oo fudada GABAR BAN JACELAA mudo dhan sideed sano saas ay tahay na wan ku Guldaraystay JACEYLKEYGA marka walaale GABADHAAS SOO MA AHAN AXDILAY MISE WAXAA LADHIHI KARAA DARUF AYAA JIRI KARTA? LKN DAD WAX JACEYL AMA LA JACEYL YAHAY WAXAAN UGU DIGI LAHAA GABADHAY JACELANAYAAN WAA INEY ISKA EEGAN MIDAAS AYAA IGA DIG NIIN AH ANIGA AMINAY ADNA WAR BAN KA SUGAYAA INSHA ALLAAAH