Uncategorized

SANAD-GUURO WANAAGSAN: ( GABAY CUSUB) OO LOO SAMEEYEY CALANKA

WAXAA ALLIFTAY GABAYGAN AMINA MUSSA WEHELIE, MAANTA OO TARIIKHDU TAHAY 26KA JUNE, 2012-KA, AHNA MAANTA XORRIYADDA SOOMALIYA, ISLA MARKAASNA AH SANADGUURADII 52AAD EE KA SOO WAREEGTAY, MARKII UGU HOREYSAY OO CALAN SOOMALIYEED LAGA TAAGO CIID SOOMALIYEED, GABAYGAN WAXAA LOOGU TALAGAY MAALMAHA XORRIYADDA SOOMALIYA.

  SANAD-GUURO WANAAGSAN:

Sarreeyoow calankaygoow,

samaantii nafsadeeydoow,

 summadii qarankeygoow,

sumcaddii wadankeeygoow,

sareeyoow ma nusqaamoow,

sanad guuro wanaagsaneeeeeee.

 

Shalaymarkaan ku sartaagniyoo,

Sidaan maaanta u naaliyoo,

Sumcad-darrada na heysiyo,

Sharafteena sagsaagaa,

Markii aan sawirkaagiyo,

Suuradaada arkaabaa,

Sidaasaan ku sabraaye,

Sareeyoow ma nusqaamoow,

Sanadguuro wagaansaneeeeee.

 

Sharafoow sadrigeeygaad,

Sidii aayad ku taallooo,

Samada kii u keeyoow,

Subax waa kugu toosaa,

Habeen waa  kugu seexdaa,

Samawadoow shafartaadaan,

Sidii shaar huwadaayee,

Sanad guuro wanagsaneeeeeee.

 

 

Waxaad soo martay oo dhan,

Siliciiyo dhibtiiyoo,

Si fiican baan u xasuustaa,

Marna kaa samri maayee,

Aad baan kuula socdaayee,

Sareeyoow ma nusqaamoow,

Sanad guuro wagaansaneeeeeeeeeee.

 

Doqontii ad sadkoodiyo,

Surubtoodi aheydbaa,

Abaalkaagii sadbuurshee,

Adigu waad saxantahayoo,

Dambi maadan sameynee,

Sareeyoow ma nusqaamoow,

Sanadguuro wanaagsaneeeeee.

 

 

Sansaantaan arkaayaayee,

Saxan-saxaaa cartameysee,

Sadaashaadu hagaagiyee,

Dhibtu waa naga suuliyoo,

Markasaan sagxadii iyo,

Surufkeey ku dhigeenbaan,

Ka soo saari samaaloow,

Sareeyoow ma nusqaamoow,

Sanadguuro wanaagsaneeeeeeeeeeeee.

 

Aqli soohanayaashii,

Sharftaada silleeyaa,

Qaarna waaba safreenoo,

Aqriyee sad u doonteen,

Qaarba waaba sidiiyoo,

Weli waana sillon yihiin,

Dagaal beey salladaanoo,

Suggtaas beey na hayaanee,

Saxariir ma turaanoo,

Sariigtiina ha sheeginee,

Goordhow baase samaaloow,

Surunkoodu ku yeeriyoo,

Eebaa naga saariye,

Sareeyoow ma nusqaamoow,

Sanadguuro wanaagsaneeeeeeeeeeeee.

 

Sareeyoow sharaflooboow,

Waxaan saacadda joogtiyo,

Sanbabkeeyga dushiisa,

Iiga yaal sawirkaagoo,

Waxaan aan sahwiyaa,

Anigoo ku salaamoo,

Seerma weeydada roobkiyoo,

Samahaa ay da’eysoo,

Dadkaygaasna sagaaska,

Sigadu ay ka duushoo,

Qosol saafka ka qaadoo,

Farxad aan ku sur-naayee,

Sareeyoow ma nusqaamoow,

Sanad-guuro wanaagsaneeeeeeeeee.

 

Anigoo ah saqiir yar,

Gosha hooyadeey saaranbaa,

Ku salaami jiraayoo,

Samada ku  babinaayee,

Saakay waaniga soohanoo,

Ooyin-tuun salab haayoo,

Intaasaa surmadeydiyoo,

Awoodeydu sintaayee,

Waxba kaama sar-reebanee,

Sareeyoow ma nusqaamoow,

Sanad guuro wanaagsaneeeeee.

 

Anigaase sodkaagiyo,

Cod sare ku dhawaaqiyoo,

Dignaan aad u sareysaan,

U dirayaa ma sariigtadee,

Heedhe waad na sirtoonoo,

Sur-gaayaad nagu waasheen,

Sareeyoow calankeenana,

Silic baad ba badeenoo,

Suluq baad naga siiseen,

Wixii saahid na siiyeyee,

Sidaas uun nagu dhaafoo,

Hanoo keenina suurtoo,

mid hor loo an sugnaa iyo,

Sir dambeetiyo hoogna,

Idinka siisanba meynee,

Sareeyahaanu rabnaayoo,

Isagaanu sallaamiyoo,

Wadajirkeen ku sargooynoo,

Suuradeenu ku nuuriyee,

Naga daaya sirbaaxiyo,

Sixirkaad na badeenee,

Sahidkaanu baryeeynaa,

Inuu na siiyo wanaagoo,

Markaleeto surusuurtiyo,

Safaf dheer an galnaayoo,

Ciidan iyo sacabooleey,

Ubadkoo saf ku taagaanoo,

Ardaydeena salaantiyo,

Iskuulaadka an saarnoo,

Samaaloow ku  sallaanoo,

Samada kuu babinaayoo,

Sidaasaanu rabnaayee,

Sadrigeen ku nagaaniyoo,

Iimaankeen ku saxmaayee,

Sareeyoow ma nusqaamoow,

Sanadguuro wanaagsaneeeeee.

 

Foojignaan:  fadlan aqriste gabaygan waxaan geliyey dadaal badan, waad faafin kartaa, saxaafaduna waa u fasaxan tahay, balse xus magaca gabayga iyo kan qoraha ( Mu’alifka curiyey).

 

Waad ku mahadsan tahay in aad aqrisay gabaygan iyo in aad soo booqatay bogeyganba, ii soo laabo mar kale insha allaah.

 

Amina Mussa Wehelie.

 

Advertisements

Categories: Uncategorized

42 replies »

  1. waa heer sare macaan afkaaga caana lagu qabay, mar kaste haweenka wanaag bay soo bandhigaan iyo wadana nimo raguna inta xun hadaan la xisaaabtamo ileen iyagaa awooda leh baryahane ,heedheh dumar saan camal u dhiibta xilka xooginii waa dhumaye , inta fiicana raali ahaada idinka iska qaban wayay kuwa xume, markaan anaga hanaloo daayo shekada .wadanka tnx

      • masha allah masha alla, masha allah wadaniyada somaliyed amino lajecel ilahow kaa dhowr wixi ku dhibaayo wadku mahadsantahy mcntoy gabaygaga quruxda iyo qiirada badan juhdiga aadku bixisayna allah ka abaal mariyo runti waqtigi logu talagalay ayad aliftay isha iyo sharta allah ka dhowro cadey markale thnks alot my abaayooo.. Waxankugu dhirogalina ina dadalkaga kasii wado halkan aadan ka caajisin ok من‏ ‏جدا‏ ‏وجد‏ ‏‎ ‎means, dadaala wuu gaaraa ok gd byyyyy

  2. maashaa shaa allaaah walaashiis aamin waad ku mahadsantahay juhdiga aad galisay iya sida aad ugu qiirootay qalankeeyna qqiimaha leh in aad wadaniyad tahay shaki kuma joro abaayo mhadsanid meeshaadana kasii wad inshaa allaah

  3. AMINA MUUSE WEHELIYE THNKS ABAYO WAXTAHAY WADANIDHABA IFKA KUWAR AKHRINAJANADA AMINA FACEDKAROON GABEYGAGA WAA MID MURTIXANBARSAN WAA MAHADSATAHY SIS

  4. asc walaal Aamina Muuse Wehliye ama maamo aan ku dhoho aad ayaan kuu salamayaa kuuguna mahadcelinayaa waana markii u horeysa aan helo fursad aan kuugu mahadceliyo hadal badan haan ma buuxshee waxaan ku leeyahay:
    waligaa ku taagnoow
    wadadaas wanaage waqt dheerba heysee warka wacana soo tabi Weynana hakula jiro (ALLAH MACAAK} aamin aamin, aad ayaan kuu salamayaa mar kale maama nagu qaali ah Amina Muse Wehliye

  5. Amina Muse qof ku dayasho mudan ayaad tahay oo wadaniyad ah walaal wallahi waan kula dhacsanahay, hadaan dad badan oo sidaadoo kale ah heli lahayn waan liibaani lahayn. Alle ajar hakaa siiyo sida aad ummadda ugu adeegtid. Aniga waxaan kuu bixiyay Amina Somalijecel. Gabaygaagana waa mid murti ku fadhiya. NABAD KU WAAR AAMIIN

  6. waad ku mahad santahay aamino abaayo maskax aad uwanagsan ayad ledahay waxadna tahay wadaniyad dalkeda iyo calankeda aad ujacel waxan kuleyahay nolow cadawgadan ilah hakaqabto cimri dheer iyo caafimad buuxan illah hakusiiyo aaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiin

  7. Qof Soomaali ah oo kaa waddan jecel ayaa jira ma qabin, balse Aamina Muuse Weheliye walaashey gacan ayaan kuu taagay oo waan kaa dambeeyaaye Allah haku dhowro.
    Waxaan ka idhi tixdaadii i dhaqaajisay sidan:
    Deeqa Muuse Weheliye, dersigaaga wacan baa, dubkeygii dhaqaajoo, afkeygii daboollaa, daf-daf siiyay maansada, deel-qaaf koley tahay, hoos umaan deymoonine, dal-jir iyo waxaad tahay, ruux damqasho badan iyo,dadnimaba u dhalatoo, Allaa kuugu deeqaye, carrab dalab lahayn baan, dabuubtay ku leeyoo, dayax nuuray baad tahay, oo jecel dalkeedoo, dambarkiisa muuqdoo, daruur nabad ku hoortee, taariikhda duuq maleh, diiwaanka qoran baan, anna kugu daraayaa, waana kuu duceynaye, dooggaaba soo dhowe, darartiisa maalnee, haka daalin maansada.

  8. Asalaamu caleykum wr wb walasheey Aamina muuse wehliye soomalida waxeey tiraahdaa waloo dhashaaa wadani waad u dhalatay wadaniyadan ku gaaarsiisay inaad gabaygaan quruxda iyo qaayaha badan maskaxaada curiso Afkaaga Marab lagu qabay walasheey calankaan casirkii wuu calaacalaa cishihiina waa iska oooyaaa nimaan qiimahiisa ogeyn baaa Rabtaaas cidlaaa dhigay abaayeey Casiis weyne waxaan ka baryaaa cidii calankaan carfoon ciida ka qaado,,,,mahad hakaa gaarto Walasheeey,

  9. Waa gabay aad u fiican, taariikhda ayuu geli doonaa, waan wada aqriyay aad ayaana uga helay miraha, anigoo macaansanaayo ayaan gabagabadii soo gaaray. Mahadsanid Aamina.

  10. Aamina muse aad ayad umahadsantahay walashey dareenkeyga aad bu iskubadalay intan aqrinayey gabygada

  11. amiina waxa gabay katiriyaay macan oo qiro wadaninimo ku jirto abwaank wayaan ee tima cadee oo leh sareeyow ma nusqaamow sidu yahay aneegnee kan siib kan saar.lakin ma laga yaabaa in abwanka isnaa leeh erayadaa heestaa tidhahadaa somaliyeey toos.toosoo isku tirsadaa inuu habartamayaay wayo dadko is ogool ayuu tiriyaay leeyahay ilmad iga quubanaysaa…….!

  12. asc wr wbr masha allah masha allah amino wadaniyada somaliyed ilahey haka dhowro wixi ku dhibayo abayo mahadsanid run ahantii waqtigi logu talagalay ayad alifyay gabaygan wana gabay qurx iyo qiiro badan markale aadbad umahadsantahay my walashey qali ah mcnt ilahey haka abaal mariyo juhdiga ku bixisay daadalkagana meshan kasi wad ayan ku dhihilaha من‏ ‏جدا‏ ‏وجدا‏ ‏‎ ‎MEANS, dadaala wu gaaraa allah yaxfadiki rabbii baarik fiikii… Asc wr wb..

  13. asalaamu calayk aaminaay ,adiga iyo asxaabtaada ,waxaanna idiin rajaynayaa guul iyo farxad inshaa allaah,kadib magacaygu waa xaliimo ali (xaliimo nasto)hadana looyaqaan shamso ,intaas kadib,waxaan uhibaynayaa,tix gabay ah ,aamina muuse weheliy oo aan anigu u,aqaan aamino wanaag,bismilaahi, AAMINAAY,GACALOOY, GOBAADEET,INANTEENAAY
    GAARIDII WADANKAAY,GEESIYADII,HABLAHAAY,
    WAXA,AAN,LAGUHAADOON,GAM,IWAAYAY,HABEENO
    GEFKII,UUKU DHAWAAQAY,GARAAD LAAWE,KU CAAYAY
    EE,ISAGAA,GUBANOO,GAABISOON,WAX,OGAYNE
    KAGAABSOO,HA,GUHAADIN,ADYGUUSHU KURAACDAYE

  14. maansha allaah tabaaraka laah illaahey, haku dhowro dhibna haynaga haayo dhibatada dalkeenana iyo dhakafaarka aduun eebahey hana dhaafsho.,

    aminaay amarkaan xag alloow ka imaaday waa asiibo aduune eebahey hana dhaafsho,
    aminaay amuur kasto waanu arragnay umul la xoogay, awliyo la dhacay agoon faro badan. dumar asaay saaran, iyo aadane waxba anana galabsanoo eber laga siiyaya,
    mid indhah soo duubtayoo aadanba u jeedin, iyo mid asagiiba ajaaniib ilaalisoo ku oranayo anaa kuu amro, oo rabbo awood iyo AK47 inuu arrligeena ku maquusho oo umadiina la yaabtay,

    ma arag mana maqal uunka intaan joogay ee aminaay amarkaan xagga alle uu ka imaadaye eebe hana dhaafsho,

    amina walaal wadaniyad ayaa tahaye weyneheey haku caawiyo,
    wal bahaarka wadankenan weyne haynaga qaado

  15. Calayk ayeeyo afkaaga waxaad jeceshahay lagu qabay. Waa dareemi karnaa jaceelka aad u qabto calan quruxda badan ee ee ilaah nagu maneestay lkn waxaan Maanta aad uga xumahay in dadka qaarkiis inaysan fahan saneen sharafta iyo karaamada uu leeyahay. .. tnx gabaygaaga qiimaha badan. …

  16. ASALAM ALEYKUM,

    mashallah, well done mama AMIN!!! walahi waa iga ooysiisay markii aan daawanayay gabayga. THANK YOU SO MUCH, IT’S AMAZING TO SEE SUCH A PERSON WHO FEEL THIS WAY ABOUT OUR COUNTRY. INSHALLAH WE WILL LIVE PEACE IN SOMALIA SOON. Dar ilahey ayaan kuu jeclahay mama Amina

  17. ASC AAMINA MUUSE WAA KU SALAMAY WALASHEY WLH WAAN DHAGEYSANAYEY GABAYGAAN MARKAA TIRINESEY WAA OYEY WAAYOO WAA EREYO TAABANAYO QALBIGA OO WADANIYAD IYO QIIRO LEH<< SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW SANADGUURO WANAAGSAN

  18. Thanks WADANIGA DHABTA AH, wxd gudan haysaa waajibaad ku saaran, dhamaanteenana wuu na wada saaranyahay, haddii aan ku amaani lahaana maba garanayo wxa aan kugu amaano.[shaqo wacan] Midda kale wxn codsanlahaa inaan kuu doorano hogaamiye ruuxi ah oo aad noo sameeyso Bog facebook oo ka kooban boqlaal kun soomaali ah, kaasoo aan u isticmaali karno shaqo badan isla markaana ku saleeysan hormarka shacbi weynaha somaaliyeed. Tusaale ahaan banaabaxyo waaweyn kuwaasoo aan udhigno si nabad gelyo ah dalka iyo dibadiisa inataba, taburucaad marka ay timaado awaaro, Dhisid ururo dhalanyaro dalka iyo dibadiisa IWM.

  19. Amino Muse waan ogaa inaad Muwaadin dareen & danqasho leh aad tahay, Adeer waxaan kugu hambalyenaya Gabaygan Xaadeena istajiyey Amina kasii wad meshas mansha Allah ilahey haku dhawro Adiga & Ehelkaga we love you Adeer.

  20. Mashaa Alaah waxaasaa kaa wadniyada inaa tahay gabar ku dhalatey Soomaalinimo kuna soo barbaartey marag baan ka ahay.

    • Waxan ku faraxsanahay maamo amino muse wehelie maamo waxad mamo tahay dhaman dadka somaliyed adiga oo kaliya ayana manta u istagay inad tiriso gabaygan qiirada leh masha’alah maamo amina muse wehelie

  21. abaayo macaanto aamino marar ka qaar arag tidaad aan ku faraaxaa mar kaad iga soo hor muuqatid waxaan dareemaa kal gacal dhabah waxan iiga kaa muqat wadani nimo iyosoomaali jeceyel

  22. Asc mash,allh walal aamina aad ayad umahad santahy waxana kugu jclahy ilahey dardis iyo sida aad wadaniyad utahy abaayo mcn waxan ku leyahy Ilove you for ave

  23. Amina waa Muwaadinad aad u qiimo badan, mudana in waxbadan lagaga daydo lana dhiiri galiyo si ay u sii libin laaboto dadaal keeda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.