POEMS

MAAN-DAAR (Geeraar cusub)

Image

 

 

MAAN-DAAR ( GEERAAR CUSUB) 

Waxaa qortay:  Amina Mussa Wehelie.

 

Mid anoo heli kara,

maxaa mid kale ii dhiibay?

 

midnimo anoo heli kara,

maxaa muruqa ii laabay?

 

anoo wanaagii muhan kara,

maxaa xumaha ii miisay?

 

madmadoow anoo dhaqi kara,

maxaa usakaga ii miiray?

 

qalbi waa muraayade,

anoo mirirka ka dhowraaya,

inaan xumaan maleegiyo,

maxaa mashaqo ii dhiibtay?

 

miintaarka waalida,

maxaa maanka ugu dheeli?

 

miyir qab anoo heli kara,

maxaa mirir ii tooxaya?

 

marin lagu toosi karo,

anoo muuqa ka arkaaya,

luuq-luuq mahuudan,

iyo maxaa miirta i abaarshay?

 

muslim anigoo ahoo,

miin quraan helaya,

inaan masiixi raaciyo,

maxaa naarta i maquurshay?

 

Maryan inaan colaadiyo,

oon Muuse dabar-gooyo,

maxaa dacarta ii mariyey,

mici walaalkeey ah?

 

In aan nabadda maaweeliyoo,

meel fog la abaaro,

iyo in aan xumaha muurmuurto,

kee mabda’ ahoo toosan?

 

anigoo macaan oran kara,

maxaa muranka ii dooray?

 

anoo meel dhigan kara wanaag,

iyo marag cadaan keed leh,

tariikh madoow iyo,

maxaa mixnada ii saarshay?

 

foojignaan:  Xuquuqda Geeraarkani waxeey u dhowran tahay qoraha/mu’allifka sameeyey ee magaciisu kor ku xusan yahay, lama guurin karo lamana daabaci karo iyadoon ogolaansho toos ah laga heysan.

Advertisements

Categories: POEMS

10 replies »

  1. Amina Muse qof ku dayasho mudan ayaad tahay oo wadaniyad ah Adeer wallahi waan kula dhacsanahay, hadaan dad badan oo sidaadoo kale ah heli lahayn wadankena Xitaa Dhibatada waa ka bixi lahay. Alah haku dhawro . Aniga waxaan kuu bixiyay Amina fariid, Amina Fiican. . Khayr & Caafimad ayaan Allah subxana watacala kaga rajeynaya

  2. asc xabibtilqaliyah amino ilaahey kheyr badan haku siiyo mcntoy masha allah wankaga mahadcelina marwalibo juhdiga aadku bixiso gabayada ayku dhehantahay wadaniyada dadaalka sii wad abaayo somali waxan ilahey aga rajena si dhaqsi ah inay nabad ku noqoto plz,waxankalo jeclanlehen ina noo sameso melo special aho lagala soo xiriro sida facebok iwm because hada nahay shacabki somaliyed aadban ku jecelnahay run ahanti ilaaheyna haka abaalmariyo howsha aad bulshada uheyso waxana ku leeyahay HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO MELKASTO JOGTO IGULA CIID FARXADA 1DA JULY AMINA BYEEE

  3. mama mcn wligaa ku nolow farxad wana ku faraxsanahy inaan geraarkaga mcnkaga badan inaa sii fcn u aqristay mama aamina ifka hibo ku nolow aqirana halkii roon raba oge mama by by

  4. Amina Mussa Wehelie waad kumahad san tahay wligaa ku nolow farxad wana ku faraxsanahy geeraar ka mcn mahadsanii 100/100

  5. Masha alah aamiino waan ku salamey salan kadib waxaa ilahey kuugu bareyaa cumri dheer iyo cafimad ale haku siyo walshy mcn runti gabar caqli badan ayaa tahay ale haku dhooro

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.