Markaan in muddo ah oo dhowr sanadood ah hal abuurayey maanso noocyadeedu kala duwan yihiin, una badan geeraaro, gabayo, heeso, ayaan go’aansaday in aan markaan meel isugu geeyo maadama ay bateen.
Ma ahi abwaan talax tagay, balse waxaan daba joogaa maahmaahdii ahayd WAARI MEYSIDE WAR HA KAA HARO, iyo tan kale oo ah MAANSO CIIL BAA LEH, MUUSOOWNA GEERI, magaca aan bugga u doortayna waa: MAANSADII CIILKA maadama badanaa suugaanteydu ka hadleyso dhibaatada aan mudanay 22 sano oon burbur iyo dhibaato faraqa kula jirno.
Xirfadeydu waa suxufi qaasatan dhinaca war tabinta in kastoo ay jiraan xirfado kale oo dadku anuu ii aqoonin oon leeyahay, qaarkoodna kuba soo shaqeeyey, waxaanse u batay dhanka warbaahinta, hadda waxaan lugta kula jiraa in aan buugaas soo saaro, howsha uu u baahan yahayna waa uun qaabeyn , qurxin , agaasimid iyo soo saaris, maadama ay maansadu durba qoran tahay.
Waxaan hadaba ku wargelinayaa tageerayaasheydu in ay dhowaan aqrisan doonaan maansadeyda oo buug qur ah ku urursan oo isugu jirta, qaar ay horey u dhageysteen ama u aqristeen iyo kuwo aaneey weli arkin ama hor leh.
Insha allaahu dhowaan ayaan soo gudbin doonaa faahfaahinta goobaha laga heli karo, xagga internet-ka iyo xagga dukaamadda cayimanba.
Waxaan kaloo go’aansaday in aan iyadoo maqal ahna duubo oo CDs ku diyaariyo sida dadka aan waxba aqriyi karin, ama waayeelka ah amaba cuuryaanka ah een waxba arki karin u dhageystaan.
Insha allaah waan iska war heyn doonaa.
Amina Musse Wehelie
UK.
Categories: Uncategorized
masha allaah hambalyo Abaayo Amina!
masha allah, ma sugi karno illaa aan ka aragno buugaada qiimaha badan
Waxaan ka codsanaynaa inaad so dadajiso, si an dhaqso u helno ha abuurki amina muse, salaama amina
Amina amaan wadkadhantahay lkn duco kama dhamid wan kugu duceynaya adunkana sharaf aqiro jano
masha allaaaaaaaaaaaaaaaaaaah, amina allah yaxfadak