Uncategorized

Sanadguuradda Labaad ee Ololaha Hangasha oo soo dhow

Waxey ahayd 1dii bishii Agoust ee sanadkii 2010ka markii aan go’aansaday in aan ASAY QARAN ( MARA CAD) qaado, si aan dadkeyga soomaliyeed iyo dunida inteeda kaleba ugu baraarujiyo, in wadankeygu nabadgelyo u baahan yahay, si dhibaatada ah uga baxaan dadkeygu, halkudhigeyguna wuxuu ahaa INTA NABADI DHALANEYSO, AMA AAN KA DHIMANAAYO DHIGI MAAYO ASAAYDA!!!Image

Xilligaas xaladu sida ay hadda tahay waa ka duwaneyd, ifafaalaha hadda soo muuqdana ma jirin, wax badan ayaa is badalay tan iyo waqtigaas, nabadgelyada ayaa soo wagaasanaatay meelo badan oo ka mid ah wadanka, qaasatan caasimadda, MUQDISHO, waxaa iyadana is badalay dunida iyo sida ay u aragto Soomaliya iyo weliba in addunku wacyi qur ah ka qataan kala taagga ku jira dalkeyga iyo dadkeyga.

Waxaase jira wax aaneey dadku weli fahasanayn, oo ah in aanan asayda qaran u sidin oo kali ah MUQDISHO, balse aan u sido wadanka oo dhan, tusaale haddii casimadu hagaagto balse qeyb kale oo ka mid ah dalkeyga SOOMALIYA weli ay nabadgelyo xumo ka jirto waxaan u bahanahay in aan weli sii wado FARIINTA NABADDA.

Raisuwlasaaraha xilligaan ee dowladda ku-meel gaarka ah ee Soomaliya, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa mar aan kula kulmay Istanbul sanadkan ayaa igula kaftamay in bisha Agoust ee sanadkaan la iga dhigo doono ASAAYDA qaran, balse waxaan ku iri : (Waa haddii ay dhacdo sidaan ku dhigi lahaa) hadaba, hadda waxaa su’aashu tahay ma dhaceysaa sidaasi???

Ma filaayo in howluhu dhowdhow yihiin, balse waxaan ku rajo weynahay in maalin uun wadankeyga oo dhami hagaagi doono, nabadgelyo taam ahna ay heli doonaan dadkeyga dhamaantiis, anigana wax karkarbo ah iguma heyso nafteydu, waxaanse iga go’an in aan hamigeyga ka miro dhaliyo, inteey doonto ha igu qaadatee .

maradeyda cadi waa FARIIN NABADEED ( MASSAGE OF PEACE) cidii maqleysa ayaana dhageysaneysa, wax badanna waan u huray oo qof kasta aanuu garan karin.

Waxaan labadaas sanno een sido ASAAYDA QARAN aniga nafteyda ugu kordhay wax badan oo horey aanan uga fekeri jirin, waxaana ilaaheyga weyn ka rajeynayaa in uu dadkeyga oo dhan niyadooda is jeceleeysiiyo, kuna midoobaan wanaagga.

Waxaan mar kale fariin intaan ka faahfaahsan idiin soo qori doonaa, sanadguuradda labaad marka ay ii buuxsanto, oo ku beegan 1da bisha soo socota ee Agoust, inta ka horeysa waxaan dadkeyga soomaliyeed uga tagayaa nabad qaban iyo barwaaqo in eey ku caweeyaan.

INTA NABADI DHALANEYSO, AMA AAN KA DHIMANAAYO, DHIGI MAAYO ASAAYDA.

Amina Mussa Wehelie.

Categories: Uncategorized

2 replies »

  1. Insha_allah maama waan heli doonaa nabad waarta mama adna waxaad noqon doontaa kuwa ey ka shekeyan jiilka danbe haduu ale idmo taariiqdana baad dahabi ah ayad ka gali doontaa mama saad umadada u jeceshahay illah ayaa kuu jecel illahey haku xifdiyo mama

  2. amina marka hore salaan salaan ka dib waxaan ku odhan laha sid ilaa inta a dawlaad sooliyeed lahelaayo walaal

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.