Uncategorized

Ololaha Hangasha ( ASAAYDA) ee Amina Muuse Weheliye oo maanta laba sano jirsaday!!!

1. waxaa aan asaayda sartay kuna dhawaaqay ololaha hangasha 1-dii Agoosto 2010-ka.

2. Wax badan ayaa qabsoomay, gudaha iyo dibadaba, ololaha oo ah sidiisaba olole nabadeed oo dadka nabada iyo wadaniyadda lagu baraarujinayo iyadoo loo maraayo warbaahinta tan iyo maalintaas waxaan wax kasta oon sameynayo xitaa shaqadeyda caadiga ah aan ku saleeyey hadafka iyo ujeedooyinka ololaha, waxaan aasaasay barnaamij ololaha hoos yimaada oo la yiraado bandhigga Amina iyo Nala Fiidso labadaba.

3. Haween badan oo badankood u nool Muqdisho ayaa ila saartay asaayda welina ila wada taasoo muujinaysa inuu barnaamijku taaba galay.

4. Xafalado uma sameeyo ololaha iyo sanadguurooyinkiisa waxaana u arkaa in aaney habooneyn in qarash lagu bixiyo xus uun, lakiin waxaan ku xusnaa warbaahinta dhexdeeda,

5. Waxan soo socda furista iskuulo lagu barto wadaniyadda, dhaqanka  iyo luuqadda soomaliga oon lagu caawinaayo dhalinyarrada, iskuulka ugu horeeya waxaa dhowaan laga furayaa Muqdisho, iyadoo la kaashanaayo jaamacadaha waaweyn.

6. Qurbaha wax weyn ayaa laga qabtay wadamo koobana waxaan ku leenahay wakiilo, ma ahan olole joogsanaayo goor dhow, dadku waxey ku daaleen in ay i weydiiyaan goormee asaayda dhigeysaa, xitaa waxaa i weydiiyay siyaasiyiin waaweyn oo dalka maamul iyo xilal sare ka haya, waxaase ii muuqata in aan weli la gaarin hadafkii aan markii hore u qaaday, umma qaadin oo qur ah in Muqdisho hagaagto ama gobol gaar ah hagaago, waxaanse u qaaday  in dadkeygu kulligood ay nabad helaan kuna barbaarujiyo in nabad la helo la’aanteed aanay nolol jiraynin, ololaha hangasha waa soconayaa mana istaagayo ilaa tuulada ugu dambeysa ee Soomaaliya ay nabad hesho dadkeyguna isku duubni ,midnimo iyo xasillooni helaan.

7. Waxaan asaayda saartay 10 sano markii aan qurbaha ku noolaa oon ka shaqeynaayey warbaahinta  maalin kastana aan ku soo toosaayey dhimashada dadkeyga, iyo baab’ooda, waxeeyna ila noqotay in aanan ka sii aamusi Karin dhibta wadankeyga oo magaceyga iyo xirfadeyda u adeegsado sidaan uga shaqeyn lahaa inay dadkeygu helaan nabad waarta iyo dowladnimo.
Waxaa ololaha la socda waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin hal abuurka maanso ee kala duwan iyo qoraaladda kala duwan ee bulshada lagu toosinayo. Wadankan Britian waa laga aqoonsaday dolwaduna waa ka war qabtaa, waxaana toos la igala tashadaa arrimaha Soomalida wadankan ku nool gaar ahaan kuwa dhalinyaradda iyo qoysaska.

Amina Mussa Wehelie

Aminawehelie@yahoo.co.uk

asahra2012@gmail.com

Advertisements

Categories: Uncategorized

3 replies »

  1. Aaad iyo aad ayaad umahadsantahay walaasheey aamina muuse wehliye maadamaa aatahy mama wadaniyad ah adigoo kale waa wax yar dadkoo idil haday uwada garan lahaayeen sidan wayba fiicnaan laheeed
    kugu dhimay kaa dhimay soomali miyaysan garan waa ayad sacaad waliba nafta isi seejinayseee amina noolooow habo macaaan midii lagu daysadfo noqo

  2. Maamo Aamino muse wehelie allaha ku dhowr maama wlh waxa aad shacaybka u haysid waa arin aad u weyn aana la iloowi karin maama mar walbo waxan ku lee nahay guuleyso guuleyso

  3. amina wad mahadsan tahya eedo wan kula qadi lahaa wanna isku dayya ehelka dhib iga timid dareed ayan u wadi wayay iyado la leeyahay hana habarin mmaro cad mmaxa ku xidhaya iyo wax la mid ah iyo waliba mesha an ku nolahay o ay igu suura galo wayday

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.