POEMS

HOOYO WAA KARAANTIIL!!!! ( GEERAAR CUSUB) WQ: Amina Mussa Wehelie

  1. HOOYO WAA KARAANTIIL!!! (GEERAAR CUSUB) Ka dib markii wadankeena Soomaliya xor ahaa 52 sano waxaa raggeenii aan aaminay ilaahii ina abuurtayna nooga dhigay WALIGA, ay nagu hogaamiyeen hoggaan dheer oo bahalo galeen ah, waxeey na badeen kuwii masuuliyadeenna eebbe u dhiibay, nalooguna sheegay in aan u hoggaansano , baa’ba iyo burbur hor leh, iska daa wax kalee waxeey nagu dayaceen caruurtii eeb…

    be naga dhex beeray, 50 iyo dhowr sanno ka dib, ayaa la yiri saami intii hore dhaama dumarku ha ku yeeshaano siyaasadda wadankooda, ka dib markii la arkay in wax iyaga dhaama oo u gacal ah wadankaan aneey jirin, tijaabana ay dunidu ugu filnaatay wixii abaaro iyo colaado la soo maray iyo sidii haweeyna soomaaliyeed ugu guntadeen wax ka qabashada dhibaatada joogtada nagu noqotay, una badneyd mid dad same ahayd.
    Tani waxeey kuu kicisay, oo qanijiradda buurtay kulli wixii marmarsiiyo watay oo dhan, mid diimeed, mid dhaqan, mid cunsurinimmo, mid yasid, IWM, lakiin intaaba waxaa kaga daraaday oo u hirgeli weyday sida ay iminka ku socoto, ka dib markii ay wadadda u istaageen haweenkii u qalmay in eey baarlamaanka cusub ka mid noqodaan, burcad hor leh oo nooc kastaba leh, oday, siyaasi hore, kaaba-qabiil, barfasoor-bidaartu cadaatay shalayna miisaska ajaaniibta dushooda dadkiisa ku caayi jiray, isagoo is tus-tus iyo is muujin kaga heybad doonaaya shisheeyihii u soo wacday, qaar kale oo radkoodii la hayo buug fiicanina anuu u qorneyn oo tariikhdoodu muqdi tahay, oo kulligood lacagtii ay shalayto xaasaskooda iyo caruurtooda ka hagradeen, hadda kursigii ku baayacaya. War ileen balaayo la arag’ haweenkii waxtarka lahaa ee u qalmay in eey mudanaayaal baarlaamaan noqdaana kadinka taagay, hadda xogta u dambeysa waxeey sheegeysaa in 14% ay dumar yihiin baarlamaanka cusub ( hadaan saacada soo socda wax laga badalin) halkii ay ahayd in 30% noqdaan.
    Waxaan meesha ka marneyn in ay baarlaamaanka hadda ku jiraan rag wanaagsan oo u qalma in eey ka mid noqdaan, in kalena waa ku jiraan iyo kuwii shalayto dadkeena laayey, oo maantana si kale wax ku doonaaya.
    Hadaba geeraarka soo socda oo ah mid gaaban balse macnaha koobaaya waxaan ugu talagay xaladda hadda iyo sida dumarka loola dhaqmay, dorraad, shalay iyo maantaba.
    Waxaan I bixiyey: ( HOOYO WAA KARAANTIIL) Inta kursigu beec yahay,
    Kaw-kawsigu xaq dhowr yahay,
    kala yaacu dhaqan yahay,
    doolarkuna kaniin yahay,
    Oday iyo kurweynuhu,
    Kadab go’e siyaasi ah,
    Kulli wada kallahayaan,
    Sideey kiish aan buuxsamin,
    U soo kala kiseeys-taan,
    Hooyo waa karaantiil. Kii dorraad I kadab tiray,
    Kurka hoogga ii suray,
    Kuleykana I saariyey,
    Kawaanada I seexiyey,
    Shalaytana kafiifadii,
    Korintii caruurtii,
    Igu dayacay kaligeey,
    Hadduu maanta kadinkiyo,
    Is hor taagay koodii,
    Kistaan qeybta u lahaa,
    Waxaan ahay karaantiil.Fojignaan: Warbaahintu waa u fasaxan tahay daabicidda iyo faafinta qoraalkan iyo maansada la socotaba.

Advertisements

Categories: POEMS

1 reply »

  1. Runtii waa wax laga xumado in hawenka xuquuqda maanta laxaqiro lkn insha allah mar ayay bananka imaan doonta

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.