POEMS

BANGI HADAAN LAHAAN LAA ( GEERAAR CUSUB) WAXAA QORTAY: Amina Mussa Wehelie

BANGI HADAAN LAHAAN LAA!!! WAA GEERAAR CUSUB OO LOO HIBEEYEY DADKA DUNIDA KU NOOL EE FUQURADA AH GAAR AHAAN DADKEENA SOOMALIYEED, ISAGOO INGLISH VERSION AH WUXUU KU SOO BAXAYAA DHOWAAN BOGAG CAALAMI AH, KANNA WAA QEYBTII GEERAARKA EE SOOMALI AH, KA BOGASHO WACAN.

BY: AMINA MUSSA WEHELIE

BANGI HADAAN LAHAAN LAA,
WAX UUN BAAN BADALI LAA,
BADDA UBUCDA WEYNBAAN,
INTAAN CIID KA BUUXIYO,
QOLAAL BAAXAD WEYN BAAN,
BU’DA UGA DHISI LAA,
KUWA HOYGA BEELEE,
TIRO BARAAR DARAASIIS,
DHULKU UU KA BUUXSAMAY,
AYAAN BEYDAD WAASACA,
BILAASH AAN KU DAJIN LAA,
LACAGAHA BAXNAANADA,
ADEEGYADA BULSHADA IYO,
BARAXEYTA NOLOSHANA,
BIIL BAAN U BIXIN LAA,
CARUURAHA BUKAANAYANA,
DHAQAATIIRTA BAARTEE,
BURJI SAYNIS YAHANNADA,
TAQASUSKA U BEYDHAAN,
BAR KU LEEXDA DHIHI LAA,
INTA BAAHANEE MARAN,
EE BERRI KU ROONKA AH,
BEERAAN U QODI LAA,
BADARK IYO QUDAARTAAN,
BARAKEYSTA DHIHI LAA,
INTA BIYO KU ROONKA AH,
BADAHIYO WABIYADAAN,
BEESA WEYN U GELIN LAA,
MARAAKIIB AY BUUXSHAAN,
SEEY U BEECSHIREYSTAANA,
BAALKA WOOWGU XIRI LAA,
BARASHADA ISKUULLADA,
BARATANKA CIYAARAHA,
BOWDYAHA WAX KORIYAAN,
KULLI SOO BANDHIGI LAA,
CARUURTEENA BAADKIYO,
BIYAHABA AN SIIN LAA,
WAX KASTOOY U BAAHDAAN,
KULLI WAAN KU BILI LAA.

FOOJIGNAAN: SAXAAFADDU WAA U FASAXAN TAHAY, KOL HADEEY XUSEYSO XUQUUQDA QORAHA/MU’ALIFKA.

MAHADSANIDIIN.

Advertisements

Categories: POEMS

2 replies »

  1. Masha’Allah, Mama Amina waxaa mudan in laga faa iidaysto xikmadaada. Aadna waad ugu mahadsantahay inaad noo soo bandhigto maansadaadan iyo kuwa kale ee aan akhristayba. Waxaan ahay qudhaydu dadka ay ugu baxdo, maansooyinka iyo farshaxannimada ereyga.

  2. Aamina mcnto ugu horayn iga hoo igana hano salaan baaxad wayn xigmadadana alaha kuu siyaadsho kolay anigu taagerahaga ban ahay

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.