ARTICLES

HADAAN MASIIBADAN WAX LAGA QABAN, MEYD BAA IMAAN, MALAAYIINU DAAWATO!!!

ASCWW, ugu horeyn subax wanaagsan walaalaheyga Soomaliyeed meel kasta ood joogtaanba, waxaan sakayto halkaan idinku soo gudbinayaa sidii caadadeeyduahayba oon si cad idin soo gaarsiinayaa bayaankaan oon ku dhaliilaayo kuna cambaareynaayo si guud doodaha taleefishanada Soomalida ka baxa qaarkood oo isu badalay SHAQAAQOOYIN HUBEYSAN!!!
Warbaahintu sida maamulka dowladda, kan cadaallada iyo dhamaanba laamaha sharcigu xil u saaran yahay ayaa xil u saaran yahay iyadana, kaa saari meyso dood beey ahayd, waa xorriyatul qowl iyo marmarsiinyooyin raqiis ah haddii waxaad ummada u soo bandhigeyso ay noqdaan kuwa dadka sii kala geeya, dagaal iyo colaad hor leh abuura, islaanimada iyo diinta muslimka ee daahirka ahna xadgudub ku ah.
Ma ahan, mar iyo laba inta jeer oo doodo la isugu gacan qaado ama lagu dhowaado in la isku dilo ay taleefishanadeena ka baxaan.
Waxaan xog’ogaal u ahay in xitaa aneey jirin qaab quman oo lagu doorto dadka doodaha ha qeybalaya oo LIVE loo soo fariisinayo Taleefishannadeena Soomaliyeed, dadkaas lama soo baaro maskaxdooda horta in eey waalan yihiin iyo in kale, lamana soo hubiyo in eey ka mid yihiin kuwii ummada laayey ee MURDERER’S ka ahaa iyo in kale, waxaa intaas ka daran, sida ay u yimadaan ayaa loogu hoggaamiyaa oo loo fariisiyaa Istuuyiyayaasha ee lama sii baaro mana qabaan taleefishanadu qaab baritaan qofka la sii mariyo, si loo ogaado in eey midiyo, bistoolooyin iyo hub kale hoosta ku sitaan iyo in kale.
Aqliga dhan ee meesha noo yaalla waa uun DOOD BAAN QABANAYAA, IYO QODOBKAAS BAA LAGA DOODAYAA EE YAA AFKU QOYAN YAHAY OO KA HADLI KARA, marmarna, hade waa marmarna SI KAS AH AYAA LOO SOO XULAA MIDBA KAN UU KA DAMBI IYO GALAAFASHO BADAN YAHAY, wax kale oon ka fekernaana ma lehan aan ka ahayn barnaamij kulul uu ahaa, barnaamij faraha loogu gubtoow ahaa, halkaasna waxaa wariyihii ka shaqeeyey doodaas mashaqada badan ku qaataa cinwaanka ah: WARIYAHA SANADKA, milkiilaha TVgana wuxuu u isu arkaa in uu TV-giisa ka baxay: BARNAAMIJKA SANADKA!!! hadaba is weeydiiyoo ma waxaad sameysay? dhib mise dheef? ma ummaddii aad dhegaha iyo indhaha u ahayd ayaad tub toosan ku hagtay? mise dulligii ku dhex jiray ee looga maaro la’aa dadkaaga 22 sannadood ayaad sii kordhisay?? ma qabyaaladdii dadkaaga kala dishay ayaad sii buun-buunisay? mise waxaad u guntatas sidaad dadkaaga ku xasillin lahayd adoo xirfadaada u maraaya? maxaa kuu diiday in aad ka hadasho oo doodo ka sameyso qodobo badan oo dadkaaga iyo dalkaaga wax tar u leh? maxaase kuu diiday in aan shiiso belada iyo bira-isu-tumashada. SHAME ON US!!! hadaanu nahay saxaafadda, ceeb caleeg!!! marka dambana hadaan sidaan ku socono wax laga qaban, waxaa laga dhex qadayaa meyd studiyayaasha LIVE ka ah iyadoo malaayiinteena kalena daawanayaan!!!

Categories: ARTICLES

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.