Nin askari ah oo ka mid ahaa afar qof oo nin Somali ahi midi ku dhaawacay, dhowaan ayaa sheegay in uu geeriyoon lahaa, hadaaneey muslimiinta masaajidka ku dukaneysay u gargaareen.
PC Adam Koch iyo sadex qof oo kale ayaa waxaa midi ku weeraray meel masaajid dhexdiis ah, nin dhalashadiisu tahay Soomali, shilkan oo ka dhacay Washwood Heath Road in Ward End ee casimada labaad ee wadanka Ingriiska ee Bermingham,.
PC Koch oo isagu midida la geliyey dhowr jeer hadana dhaqaatiirtu qaliin ku sameeyeen, ayaa sheegay in ninku la damacsanaa in uu sii midiyeeyo, balse ay dadkii kale ee masjidka ku dukanayey ka qabteen goor hore, wuxuu intaasi u daran hadaaney dhici lahayn taasi in ay u badneyn in uu dhinto.
Sedex qof oo kale oo iyana uu dhaawacay ninka midida sitay ayaa isbitaalka lagu daweynayaa.
Shilkani wuxuu dhacay habeenimadii Sabtidii, hase yeeshee booliska arintaan ku howlan ayaa sheegay in anuu dambiga dhacay ahayn mid la xiriira naceyb (Hate Crime), welise waxaa socda baritaan.
Marqatiyaal ayaa u sheegay booliska in ay maqleen wax yar ka hor marka ninku bilaabay weerar-midiyeedka, muran iyo qaylo ka aloosan gudaha masjidka, taasoo ay ku timaameen in eey ula muuqatay in ay ku saabsan tahay qaab maamulka masjidka.
barayaasha ayaa sheegaya in ninka dhibka geystay lagu wado baritaan dhinaca dhimirka ah.
Prepered by: Amina Mussa Wehelie, a Journalist in Luton, Beds, UK
photo Credit: BBC NEWS.