Dhowr guri ayaa laga saaray dadkii ku noolaa ka dib markii masaajid u dhow laga helay kabjad isku jiran oo laga shakiyey in eey tahay wax loogu talagay in eey qarxaan.
Masjidka oo ku yaalla Walsall, gobolka West Midlands ee wadankan Igiriiska, ayaa loogu yeeray booliska sacaddu markeey ahayd xalayto 10.45 mirir, ka dib markii lagu arkay, qeybta ugu hooseysa ee dhismaha masjidka, walax lagu sheegay in qof meesha dhigay.
Saraakiisha ayaa masaajidka ooday oo ka dhigay in aan la geli karin, sakayna waxaa la geeyeey qeybaha sida gaarka ah ugu tababaran, bambaanooyinka iyo walxaha qarxa.
39 guri oo u dhow maaajidka Aisha ayaa ku hoyday goobo ku meel gaar ah, halka qaarkoodna loo geeyey dad ay ehelo iyo saxiibo yihiin.
Afhayeen u hadlay booliska West Midlands ayaa sheegay in dadka qaarka aan heli karin dad iyo ehel toona ay la sii joogaan, hoteelo ay seexdaana aan iska bixin karin, in la geeyey golaha degaanka ee Walsall ( Xaruunta dowladda hoose ee Walsall).
Saraakiisha ayaa weli ku howlan sideey ku ogaan lahaayeen xogta rasmiga ah ee ka dambeysay walaxdaan qaraxa looga shakiyey iyo qofka masjidka la soo doontay, waxeyna boolisku aad isugu dadayaan in dhacdadaani inteey socoto baristeedu aan qalqal ku imaan, isu socodka iyo adeegga magaalada.
Isha warkan laga soo xigtay: Daily Mail.
Amina Wehelie: Journalist in Luton, Beds, UK
Categories: NEWS
Waxaa layaab leh in dad muslimiin ah ay masaajid ku aasan miino dad gaala ah na aykabixiyaan war isku xishooda oo masajidyada kadaaya dhibka