VIDEO

Suxufiga Qaranka

Image

Markii xaaladaha wadanka ka jira keeneen, in qof kastaaba uu xayndaabkiisa dhaafi kari waayo, kuna ekaado degaanka uu u dhashay ama ka dhashay, naf iyo nololi-na ay baday in uu dhex jooqaaqo jufadiisa oo kali ah, cid kalena tahli kari waayo in uu dhex galo, la noolaado, la dhaqmo,  waxeey keentay in aqoontii guud ee bulshada laga dhex baran lahaa soo gaabato soona uruurto.

Intaasi markeey dhacdo fursada aad wax lagu baran karaa waa iska yar tahay, iskuulna haddii uu jiraba waxaad ka barataaba waa wixii manhaj laagaga dhigay, waxaana marqaati ka nahay in xitaa kala qoqobka bulsho ee kala shakiga iyo amaan-xumadu keentay  ay sababtay in manhajka  skuulada eey qolaba inta meel la fariisatay waxeey doonto ku qoratay, Qaramada Midoobey oon iyana dhihin maxaa la qoraayana ay lacago ku shubtay, heyadahaan ooy dad ajnabi ah maamulaan iyaguna qudhoodu shaqo doon ah oo aan ehel u ahayn dadkaan Soomaliyeed ee caruurtooda lagu shubayo waxaan habooneyn,  sidaasna caruurteenii looga dhigo tariikho qaldan oon jirin oo gacan ku rimis ah, cuqdad iyo ciqdina ka buuxo, lagana been abuurtay iyo kaba sii darane kuwo shisheeye oo la soo minguuriyey lagana soo daabulay wadamo aanan dhaqan wadaagin, xitaa hadaan diin wadaaagno.

Waxbarashada tii guriga oo ah, waxa soo harayna waxaa hareeyey tan aan kor ku soo sheegay, badnaa guryaheenu dal iyo dibadba waa maran yihiin, labadii waalidna ma wada joogaan, badanaa aabbe ma joogo, ama dagaal buu ka qeybqaadanayaa, ama jaad buu walanbooyinka iyo waddooyinka  ku  ruugayaa, amaba waaba la dilay oo akhiruu u hoyaaday, hooyo nafi heyso ayaa soo hartay oo wajib madaxeeda ka weyn qoorta loo suray, kii aabbe iyo kii hooyaba, raashinkii caruurtana day-dayeeysa, halkaasna waxaa kugu deysay tarbiyadii habooneyd ee ay ahayd in aabbe iyo hooyo iska kaashadaan iyo aqoontii suubaneyd qeybtii guriga laga baranayey.

Dhanka kale muddada qalalaasaha oo nagu fogaaday darteed, waxey keentay in xitaa walidiintii dhalay caruurta hadda hana qaadka ahi qudhoodu aneey wax badan dhaamin ubadkooda oo iyaguna ay la galeen seeraha oodan.

Lama dafiri karo oo bulsho, waa la ogyahay in eey tahay beelo isku tagay, beelana waa la ogyahay in eey yihiin jufooyin isku tagay, jufooyinna waa la ogyahay in eey yihiin lafo isku tagay, lafana waa odayo isku tagay, oday marka laga gubana waxaa soo baxaya baho ina hebel-hebel ah, laakiin si aad u noqoto qof ka dhisan aqliga iyo aqoontaba waxaad u baahan tahay in aad wax la wadaagto, dhex gasho, la dhaqanto, wax ka barato, dad aan jufadaada ama qabiilkaaga oo qur ah ahayn, sidaa ayaad ku noqon kartaa qof diyaarsan oo wajihi kara bulsha weynta kale ee aduunka, waxna la qeybsan kara.

Laakiin aqoonta aad ka dhaxli kartaahi waa maxay beeshada oo kali ah oo aad  ku dhex noolaato? Sidee ku suurtagaleysaa sababteey doontaba ha ku timaadee in aad yeelato aqoon guud oo kaa gargaarta in aad garato, wax ka ogaato, barato, bey’adda guud ee aad ku nooshahay, dadkaaga guud dhaqankooda, dhulkooda, degmooyinkooda, tuulooyinkooda, wabiyadooda, badahooda, cuntadooda, fantasyahooda, ciyaarahooda IWM haddii aad ku koobnaato uun in yaroo aad ka dhalatay dhexood, wax aad maqaashana ay tahay, guulaha reerkiinu iska sheegtaan in eey gareen run iyo beenna aan la ogeyn, wax aad ku cadeyn kartaana aneey jirin, godobta reerkiina iska tirsadaan run iyo been waxey tahayna aadan war u heyn, gob-nimada (Nasabnimo) reerkiinu iska sheegto in eey dadka dheer yihiin, adigoon ogeyn sababta ay jufadiinu gob ama nasab ku noqotay  kuwa kalena ku noqon waayeen, cidda shahaadadaas siisay, dhanka kale, gunnimada reerkiinu ku sheego reer kale oo dadoow, diir, diin iyo afna aad wadaagtaan, adigoon cadeyn u heyn sababteey gun ku noqdeen, liisku waa iska soconayaa hadaan isku dayo in aan taxana haleeli kari maayo, fara badnidiisa darteed.

Waxaase wax badan is weydiin mudan,  yaan u kala oodannahay? yaa inagu wareejey seeraha aan kii xoolaha iyo beeraha waxba dhaamin, halkeese inooga xiran yahay oo laga xukumaa?

Maskaxda biniaadamku waa meesha kali ah oo go’aamadda u gaadha jirka intiisa kale, culimada sayninkuna waxeey cadeeyaan in jirka intiisa kale uu waxba ma taraan yahay haddii maskaxda lagaa qabsado, kolkaasoo ay imaaneyso in waaxyaha kale ee jirka shaqadaba ka fariistaan, taasina ay keento in aad adigoo cafimaad qaba, caqli qaba, cudud qaba hadana ay cid kale ku maamusho hebedna aad noqoto adoon is weydiin karin maxaa hebed kaa dhigay? amaba aadan kala garan karin sax iyo qalad.

Intaas oo faahfaahin ah oo hordhac aan ka dhigay waxaan ula jeedaa, in maskax-maroorka nagu dhacay uu salka ku hayo in aan isku dhiibnay dad aan u heysano in aanu ehel iyo gacal nahay, laakiin runta marka laga hadlo aan wax horuumar ah oo ay noo horseedayaan jirin, jirina doonin, balse nagu daneysanahay, nagu meel gaaraya,  mustaqbalkeena iyo kan ubadkeenana aan u tureynin laakiin si eey ku gaaraan himilo iyaga u sar-go’an darteed inaga iyo caruurteena ka dhiganaya jaran-jaro (Sallaan) ay fuulaan, si baahidooda gaarka ahi u daboolanto, casharada qabyaaladdana inoo meerinaya.

Waxaa beryahaan soo baxday eedeyn badan oo loo soo jeediyo saxaafadda, sida aan horey qormooyin badan iyo muxaadarooyin badan aan ku sheegey misna la  ogyahay saxaafaddu waa awoodda afaraad ee adduunka oo dhan, laakiin suxufiyiinta lagu dhiban yahay iyagana dhibani, kama duwana bulshada inteeda kale oo waxaan kor ku soo xusay ayaa wada heysta, seerahaas bulshadu ku jirto oo ku garbaduuban tahay ayeeyna ku jiraan.

Tusaale hadaan soo qaato, xilligii aan gudanayey shaqadeyda saxaafadeed ee aan mudada dheer ku jiro waqti ka mid ah,  ayaa si eey ku timidba ma xasuustee, waxaa qof wariye sare ahi si lama filaan ah u yiri: Magacyada Soomalidu u bixisay, degmooyinka iyo magaalooyinka qaarkood waa in wax laga bedelaa?? intii kale ee meesha fadhiday oon si fiican u fahmin qofka ujeedkiisa ayaa yiri: “Oo maxay? maxaad ula jeedaa?” suxufigii ayaa ku jawaabay: “Waxaan ula jeedaa, bal eeg: Dhuusa-mareeb ma magac baa? waxaase oo kale waa in la badelaa” inteenii kale oo qofba gaarkii hoosta uga fekerayey siina diyaarsanayey wuxuu qofkan ugu jawaabi lahaa, ayaa ku kale soo booday oo yiri: “Alla iyo ISKU-SHUBAN, kaasna xitaa waa in la badalaa!” halkii wax kale nalaga filaayey ayaanu qosol ka wareegnay inteena kale, qosolkaasi ma ahan in aan la dhacsannahay dadkaasi maan-gaabnidooda, laakiin koleey qof kasta tiisuu ka hadli karaahe aniga waxaan ka xumaaday sida labadaan qofi  u fekereen, Dhuusa-mareeb iyo Is-ku-shuban ooy ku doodayaan in magaca laga badelo, waxaan hubaa in aanuu magac-bixintaasi ciyaar ku imaanin, dadbaa ula baxay, sabab baaneey ula baxeen, waana loo bixiyey waana loo yaqaan, tariikh iyo taxane nololeed ayuuna wataa magac kasta oo meel, degmo, tuulo, magaalo, iyo gobolka loo bixiyo, waxaan kale oon hubaa in  sida ay labadaan qofi  ka dhigayaan magacyada labadaas degaan ee Soomaliyeed  aaneey xitaa ku fasirmeynin, laakiin  waji-gabaxaas oo kale wuxuu kugu imaan karaa laba jeerba, waa mid oo in aadan  ixtiraam u hayanin dhaqamada dadkaaga, magalooyinkoodana aadan xitaa kala garaneynin, ama aad is yeelyeeleyso adigoo ujeedo kale leh oo wax kale calooshu kaaga guntan tahay, waa tan labaade in aad tahay qolyihii  nasiib xumadu haleeshay een kor ku soo sheegay ee seeraha lagu kala ooday, waqti iyo tabarna u waayey in aay aqoon-guud kororsadaan, in eey dadkooda dhex galaan, oo Soomaalida oo dhan bartaan, misna sidaasi aad ku noqday qof aan dhisneyn, bisleyn, kobocsaneyn.

Hadda oo aanu ku jirno waqti qofkii wax qori karaaba uu si sahlan ku noqday SUXUFI, saxaafadiina noqotay shaqada aan la iska baahneyn aqoon, araaji, hey’ad lala xiriiro oo lagaga tashado, maxaad ka fileysaa  suxufiyiinteena da’da yari? ee naftu heyso cid tababaro u furtana aan heysan, badankoodna calafka iyo nasiibku ku soo beegay in eey jufooyinkooda  ku dhex noolaadaan, qabyaaladana quud looga dhigay, oo waayey fursado ay wax ku bartaan kuna kala gartaan wax la gudboon iyo xilka ay ummada u hayaan inta uu la egyahay, cidda eey suxufi u yihiin in aneey ahayn oo qur ah reerkooda laakiin ay yihiin Soomalida oo dhan si markaasna ay uga soo gudbaan afrikaanka oo dhan hadana u sii dallacaan aduunka oo dhan, helina kari waayey fursad ay ku kala gartaan in jufa-jufeysiga lagu soo barbaariyey anuu ahayn wax meel geyn kara, SUXUFI QARANNA ka dhigi kara, qaabkaasi, kaama dhigi kara qof xirfad dhisan leh, oo aqoontiisu buuxdo, laakiin ay tahay shirqool loo dhigay isaga (Wiilka suxufiga ah)  ama iyada (Gabadha suxufiga ah) laguna daneysanayo, isla markaasna ah wax aan sii jiri doonin, oo kolba soo geba-geboobaya, siyaasiga, odayga, iyo dagaal oogaha maanta ugu baaqaya in uu isaga u jufa-jufeeyo, uu yahay dambiile qaran oo ka faaideysatay aqoondaradiisa/daradeeda, sidaasna aan lagu noqon karin SUXUFIGA QARANKA.

SUXUFIGA QARANKU waa mid ka tarjuma magaca uu hagoogan yahay, qaran qabiil ka badane, SUXUFIGA QARANKU waa mid aan loo yeerin wax uu qorayo ama ka shaqeynayo barnaamijka uu soo saarayo oo Taleefishanka ama radiyaha ka sii deynayana ay tahay in uu isagu maskaxdiisa maalo laakiin anuu cidna u daba fariisan, oo noqdo soo saare dhab ah, SUXUFIGA QARANKU waa mid isaga wax laga barto, dadkana hor taga isagoo aqoontiisu dhisan tahay intii la doono, SUXUFIGA QARANKU waa mid kala garanaya gobolkada iyo degmooyinka dalkiisa una kala hiilin markuu wararkooda gudbinayo, SUXUFIGA QARANKU waa mid aan u xilay laaluush yar oo can-buuxis ah ceebina daba taal, SUXUFIGA QARANKU waa SUXUFIGA  QARANKA.

Waxaa Qortay:

Amina Mussa Wehelie

 
Advertisements

Categories: VIDEO

4 replies »

  1. السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    wallaalo Aaminaay, waad sallaaman tahey marka hore, Ramadan mubarak. wallaalo markaan akhriyey qormadaadan, waxaa ii muuqatey in dhibka ina heystaba oogidiisa ay madax ka yihiin suxufi beeleedku. oo nin waliba si tolkii u taagrero ama uu u soojiito uu ka bilaabo been abuur veesha ay uugu cadawsan yihiin asagoo u adeegsanaya magaca suxufinimo.
    ta kaleeto, waxaan aaminsaneey in helitaaka suxufiga qaran ay ku timaad wadaninimo iyo aaminsanaan qaran. hadiiba wadaninimada soomaaliyeed ay shaki ku jirto oo qof maanta ka horeysiin kara dantiisa ta qaranka uuba nagu yaryeey ama aanu nagu jirin dee huuno ilama aha in suxufiga wacyi gaarii ku soo dagayo
    hadalkiiyoo kooban hadaan soomaalineey qarankeena baynaan ku iimaan qabin, suxufi qarana wadaninimaa ka horeysam oo dhamaanteen nagu waajib ah.
    waxaan talo u soo jeedin lahaa wallaalaheyga soomaaliyeed ee warka ka daalacda website beeleedyada iney joojiyaan

  2. Asc walal amina waan ku salaamay wad ku mahadsantahay si wanagsanne waad u iftiimisay dhibaatada weyn ee nagu dhacday oo qeyb ay ka yihiin suxufiyiinta somaliyed. Wallee hadaan lagaran halka dhibta ka jirto xal lama helaayo suxufiyiinta qaarbaaba ka xishoon in ay u adeegaan gobol degmo mamul qabiile ama jufo waana ayaan darro qofkii umada si naan iyo cadaalad ugu adeegi lahaa ama ku hanuuni lahaa wadada xaqa ah inuu ku faano saxafiga tol hebel ama saxafiga qabiilka.
    Ilaahow dalka noo hagaaji anagane nugu hanuuni inaan kow ka noqono

  3. walal runtii aminay waxaad tahay qof somalida ku wayn lakiin marka aad soo dhigayso dhulka somalida kala saar runtii somaliland wax maanta laguu shegayo maha markaa walal runtii iftiimi jiritaan ka somaliland iyo midnimadii ay keentay waxa ka danbeeyay iyo waxa ku dhacay walal

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.