Waxey ahayd 1-dii Agosto sanadkii 2010-kii markii uu bilowday Ololaha nabadda ee loogu magac daran OLOLAHA HANGASHA (WHITE VEIL SOMALI PEACE CAMPAIGN), tan iyo xilligaas wax badan ayaa qabsoomay kana soo hagaagay dhinac nabadgelyada gudaha dalka, wax badanna waa dhimman yihiin.
Ujeedada Ololaha oo ah in dadku ku baraarugaan, xasuusnaadaan, yaqiinsadaan in nabadgeliyadu muhiim ah, cid gaar ah oo laga sugayaana aneey jirin, ayaa iminka waxaa uu galayaa ololahu wajigiisa labaad oo ah in uu wax weyn ka qabto dhinacyo badan oo uu howlwadeenada ololahu u arkeen in eey lagama maarmaan yihiin.
1-da Agoust 2013ka oo malin qur ahi ka hartay ayaa xaruunta dhexe ee ololaha Hangashu soo saari doontaa war saxaafadeed ku aadan, talabada xigta ee saddex sanno ka dib uu qaadayo ololuhu iyo goolka uu hiigsanayo oo doonayo in uu soo hoyo.
Ballanteenu waa 1-da Agoust, malinta Khamiista ah ee soo socota.
Amina Mussa Wehelie
Director/founder of White Veil Somali Peace Campaign.
Luton, BEDS.UK
Categories: NEWS