ARTICLES

NOLOSHII FILIMADA (QEYBTA 2-aad) DARXUMO & DAAHIRA

Image

Nolosha waa hadba sidaas ka dhigato, laakiin marnaba kama dhigi kartid qiyaali, waayoo ma kaa yeeleyso in aad iska yeel-yeel ku noolato, waa duni dhib badan oo dadku wada gulfinaayo, nin aan gulufkaas ka qeybgelina sahal iyo sirbad la’aan kuma noolaado.

Dad badan ayaase nolosha u qaata in eey tahay mid iska sahlan ama u noolaada sidii in aaneey adduunyo joogin, sidii in aaneey masuuliyadi saarneyd, sidii in aaneey aakhira jirin, sida in aaneey xisaab jirin, waxooduna waa wax iska cun, wax iska gunto, wax iska dhal, wax iska guurso, wax iska fur, wax iska qaado, wax iska dheh, wax iska diid IWM.

Bal ila eega nolosha  DARXUMO iyo DAAHIRA, waa dariska qoyskii aanu noloshooda ku soo sheegnay qeybtii hore shekadaan NOLOSHII FILIMADA, Diiriye iyo Diidan, akhristoow waa laga yaaba in magaca oday-ga dhan ee reerka ee  DARXUMO loogu yeerayo kaaba nixiyo marka hore ileyn magac qof weyn loogu yeeraba ma ahee, balse haa, waa sidaas magaciisa, waa DARXUMO goor hore iyo intii dhulkii hooyo iyo mid ka sii shisheeyaba uu joogay ayeey u baxday.

Somalida inta anuu burburku ku dhicin waxeey u safri jireen dalal kooban, ma ahan sida ay iminka yihiin oo ilaa iyo cirifka waqooyi ee dhulka dadka gaagaaban ee ISKIMOSKU ku nool yihiin, haddii la tago laga helaayo qof soomali ah.

Safaradoodu ma ahayn kuwo magangelyo-doon ah badankoodu, laakiin waxeey la xiriireen, waxbarasho, shaqo (MURUQ-MAAL), tababaro gaagaaban oo shaqaalaha dowladda loo diro iyo ganacsi (BEEC-MUSHTAR).

Soomaalida u dhoofta Yurub xilligaas waxaa ugu badnaa oo ay aadi jireen INGIRIISKA iyo TALYAANIGA oo iyagu ah laba wadan oo Soomaliya gumeystay, dhoofkoodu marka laa reebo tiro badmaaxyo ah oo maraakiib eey ka shaqeynayeen ku tagay halkaas ama askar xilligii gumeysiga ka barbar dagaalantay ciidankii dalalkaas dagaalkii aduunta ee labaad, markii uu dagaalku dhamaadayna la dajiyey wadamadaas haba ugu badnaadee Ingrisiikuye, mooyee inta kale dhoofkoodu wuxuu isugu jiray kuwo loo diro waxbarasho, Jarmalka, Jokeylafaakiya iyo Ruusha iyaguna badankood waxeey ahaayeen dalalka ay dowladdii hore u diri jirtay shaqaalaheeda , saraakiisha ciidamadda, shaqaalaha warfaafinta IWM, Hindiya iyo  Carabaha iyagana waa loo dhoof tagi jiray, waxaana loo aadi jiray ganacsi, shaqooyin xoogsi ah iyo waxbarasho, dalalkaan kor ku soo xusay iyo kuwo kale iyagana waxaa loo aadi jiray caafimaad ciddii awoodda,  balse waxeey dalalkaas oo dhami ka sinaayeen in aan aad looga welweli jirin dadka u dhoofa, laakiin kuwa u dhoofa Bariga Afrika waa laga welweli jiray (WAA XILLIGAASE)  waxaa xitaa jirtay figrad Somalidu iska dhaadhicisay oo ah in qofkii BARIGA AFRIKA u dhoofaa siduu wax u ged-gedinayo ay marka dambe isaga la gadoomeyso wax kale oon ganacsi ahayn oo dhulkaas loo tagi jirayna maba jirin)   ma hubo laakiin waxaa dhici karta in ay tahay mid ka mid ah halka ay ka timid maahmaahda  Soomaaliyeed oo oraneysa: WAX GED-GEDDI WAX HAKULA GADDOOMAANEE.

Hadaba odayga qoyskaan oo ay sheekadu ku saabsan tahay ee DARXUMO isaga iyo magaciisa iyo dhaqankiisa gurracan oo sheekadu iftiimin doontoba halkaas ayeey ka soo bilowdeen, oo wuxuu ku jiray Soomaalidii laga welwelay markii eey BARIGA AFRIKA (East Africa) ku ambadeen,  macnuhuna ma ahan in dadkii Somaliyeed ee EAST AFRICA u wada dhoofay wayadii hore kulli wada ambadeen, balse DARXUMO isaga wax qaas ah ayaa la gadoomay.

Isagoo wiil yar ah ayuu tagay, deetana wuxuu horey iyo gadaal u raaci jiray baabuuro is-jiid ah oo nin adeer u ahi leeyahay oo OOMADA dharka lagu mayrto, caleenta shaaha , dacas, subag-buuraha ee rootiga la marsado in alaabo kale oo nooca bagaashka loo yaqaanno u kala gooshin jiray wadamadaas Bariga Afrika soona gelin jiray xudduudda Soomaaliya.

Balse Darxumo oo hooyadii markii hore ula baxday DAAHIR  kuse sifoobi waayey magacaas, wax kale ayuu arrimihii ku labay, horta isagoo inan yar ah wuxuu bartay JAADKA (QAADKA) oo isagu waligiisba dhulkaas hodan ku ahaa  (Waaba-na xilli quud owliyaad loogu yeeri jiree) wuxuuna ku daray waxyaabo kale oo ka sii waaweyn, calaa kuli xaal waa xargo goostay, dibjir buuna isu badalay, sidaasna wuxuu ku hantiyey magacaan DARXUMO.

Darxumihii nocaas ahaa ayaa iminka ka dhex shekeynaya Maqaayado Soomalidu xanta u tagto iyo fadhi-ku-diriryo caasimadda Ingriiska ee LONDON ku yaalla, maqaaxiyadani waa kuwo inta badan,  laga abaabulo niyad-xumadda dadka Soomaliyeed ee qurbaha ku nool, kala fogeyntooda, iska hor-keenkooda, isku-dirkooda, howlo kale oo intaas ka badanna waa qabtaan, maqaayadahani qaarkood (Kulligood ma ahee) waxaa ku jira kuwo xaruumo u ahaa uruurinta qaraanka qabyaaladeed, ee wax badan lagu huriyey dagaalladii sokeeye ee Soomaliya holciyey, dambi mooyee wax kalena badankood lagama kororsado, (Ciddii dambi u garateeyse dambi u tahay).

Xaaska DARXUMO, waxaa la yiraahdaa DAAHIRA,  iyada iyo magaceedu waa is leeyihiin, waa gabar maskiinad ah, oo caruurteeda iyo  gurigeeda ka adag, caruurta Yurub lagu dhalo ama lagu koriyo haba ugu sii darnaadeenee kuwa Ingriiska oo sidii xoolihii loo raaco aroortii, sidii xoolihiina loo soo xero-galiyo habeenkii iyadaa iskuulka u daadgureysa, hadhoowtana ka soo daadgureysa, iyadaa dhaqtarka geysa markeey xanuunsadaan, xitaa haddii cudur saf-mar ahi oo caruuraha wadanka ku nool oo dhan ku dhaca uu haleelo, in eebbe daris iyo dad qaraabo ahi u bixiyo mooyee, AW-DARXUMO waxba kuma taro.

DAAHIRA, intii karaankeeda ahi waa dadaashaa in tabari u diido mooyee, waxeyse noqotay garab iyo gacal la’aan, gucleyskii ka dhamaa ninse faro kuma heyso, waayoo isagaan u oolin si faro loogu hayo, waa dowdar aan waxba kala jecleyn, shaqadiisana waxey ku kooban tahay oo uu si buuxda (FULL-TIME) ah uga shaqeeyaa, maqaayadaha xanta iyo calool-xumadda, in uu fadhi ku diriryada ka qalaado, in uu gabdho yar-yar oo uu awoowe iyo abuulan u noqon karo oo reerahoodii iskuulo u soo dirsadeen oo Soomali  ah, wadooyinka u istaago oo xod-xodasho ku dayo, in uu dhega-dhegeeyo  wax uu siyaasad u yaqaano oo Wadankii ka jira iyo in uu hurdo isagoo aan meyd wax dhaamin mooyee, howl kale ma qabto.

Markii dhanka aqoonta loo soo noqdo wuxuu garanayaa dhowr erey oo Ingriisi ah, dhowr Talyaani ah, dhowr Kiswahili (SAWAAXILI) ah iyo kuwo kale oo aan la garanin luuqado eey yihiin  iyo cidda ku hadasho toona, isaguse uu ku sheego, waa Shiineys, waa Filibiines, Waa Taiwanes, waa Hundureys, waa Nicraguwaaneys IWM, tariikhdana laguma hayo meel uu cag ka saaray qaradda ASIYA, oo waligii intii taqaana waxey ogtahay in uu AFRIKADAAS iska war-wareegi jiraye, isagase sidasuu ku doodaa, Eebbaa runta og.

Caruurtiisa iyo xaaskiisa waa dayacay si cad, haddii dayaacaddu ahaan lahayd wax la isku qiimeeyo oo shahaadooyin la isku siiyana, wuxuu noqon lahaa kan ku qaata  BAJEELAHA ugu weyn.

Wax uusan dayicin ayaase jira, waa u doodida tolka iyo qabiilka uu ka dhashay, wuxuu ka yahay libaax soo fadhiistay fadhi-ku-diriryada, rag uu dood la galay waligood kagama guuleysan, mana xishoodo wuxuu doonuu ku hadlaa, xanta siyaasadda dhulkii hooyo oo dhan isagaa tana-taaneeya, siduu u kala dhigdhiyana waa yaabtaa, 24 saacadood  wax aan dhameyn 6 sacadood ayuu gurigiisa ka joogaa, tabar iyo tigaadna kuma kordhiyee, lafihiisu u daneystaa.

Saacadahaasi koobani waa mar uu xaaska kaliilayo, mar uu rashin ay ducaqabtadii uu qabay ee DAAHIRA ku farayareysatay si wacnna ugu diyaarisay uu cunayo, mar uu dhar ku uskagoobay iska badalayo oo xiranayo mid xaaskiisu u dhaqday, u kaawiyadeysay una carfisay, qalaas, waaba intaas.

 waligiis iskuulka caruurtiisa ma tagin lagamabana yaqaano, wax kale iska daaye haddii wax degdeg ahi ku dhacaan xitaa diwaanka uguma jiro (as e next of keen) dugsiyada caruurtiisu wax ku bartaan, waligiis isma weydiin wixii xaquuq ah ooy ku lahaayeen xaaskiisa iyo caruurtiisa, casaba warkoodaba daa, dib-na iskuga noqon oo kama fekerin bal in uu gudanayo waajibaadkii aabbanimo, xaasnimo, muwaadinimo iyo mid kaleba toona, salaad ma tukado, Ramadaankana dadkuu ka maq-maqlaa WAA SOON QAAD! Iyo waa dhashay Ramadaankii, ka dibna waxaa ugu soo xigta waa ciid IWM, xalwadda reerku soo gatay ee yowma faraxa loogu talagalayna haddii mar mar ku soo beegmo (Isagaanba soo jeedin xilli reerku wada joogee) dhankiisuu marmar ka taabtaabtaa, laakiin in uu dhunxiyo mooyee, kama haqab beelo karo, waayoo ilko iyo gowso uu ku ruugaaba uma harin, JAAD baa ka daadshay.

Dhanka kale wuxuu ilbax darran ku yahay (Waa siduu isu heystee) kala xulidda dumarka (Siiba kuwa garoobadda ah ee xaafadaha la deggan) isagaa u qaadun ah ragga malafsanaya ee garoob-gaadka ah (Wadaddii guurkana aan heyn) ee fadhi-ku-diririyada tuban, waxaad moodaa in siinkii war-laliska ee Afgooye ugu xiran yahay guryaha reerahu isku qabaan, bal adba sheeg siduu ku ogaaday, Caashadii la soo furaba, ama Xaliimaddii odayga bac-madowda dibada u dhigtaba.

Wuxuu kaloo belo daran oo fara-ku-gubad ah ku yahay, caruura-gaadka iyo saqiiro-suujiska, gabdhaha xafadaha ka dhow-dhawi oo dhan oo da’da Dugisiga sare, college-ka iyo wixii ka sareeya oo dhami dhigta ee Soomalida ahi waa isku sheegeen, markeey meel dheer ka arkaana kiisoo dhankooda u soo gagabayana waxeey isugu digaan (HERE HE IS, THE OLD CRYZ MAN) kolba intuu barafuuno isku soo buufiyo ( Ay ku jiraan kuwo sidii baytari la shiiday u soo uraya ) ayuu ku yiraahdaa markeey meelahaas marayaan, haye abaayo!! Walaal ma xaafadahaan baad gashaa, kuna eegga indho godon oo iyaga qudhooda laga wareysan karo waayaha adduun ooy soo mareene, xageey kaga haraan waa indhihiisii oo isageey ku yaallaane, indhahaas noocaas ah ee iyaguba qatyaanka ka -jooga dhafarka iyo rafaadka, ayuu kolba isugu qabtaa inanamada yar-yar ee dheylada ah, kalama yaqaano haasiwii 70 kii oo ah xiligii uu wiilka yar ahaa iyo kan qarnigan 21 aad!! Wuxuu isu heystaa in uu yahay Clint Eastwood oo shukaansaya Safia Loreine oo yar (kolba luuqado baas ayuu ku dayaa in uu salaanta ku bilaabo) COME SI FA BELA? (SIDEE TAHAY QURUXDAAY?)  iyo HOW DO YOU DO? (ISKA WARAN?) ayaase ugu caansan.

Qaad isaga iskaba dhaaf ma moogaan karo, kaadidaa ku xirmeysa haddaanuu qayilin, kuwa qaadka iibiya oo uu macruufka ka yahayna waxeey kaga dareen liiska macaamiishooda, halka ugu sareysa waana macmiil mudnaan leh, maalintii uu jaadku yaryahay isaga kiisa waa loo dhigaa, hadhoowse qiimuhu waa laba jibaar, isaguna ma waayo lacagta oo si kasta oo uu qaadku qaali u yahay dhankiisa waa bagaato, oo xaguu ka keenaa maba shaqeystee.

SIDI QABAC KADIIJA WARSAME !! XAGEE KALUU KA KEENI LAHAA,  lixda caruur ah oo uu dhalay lacagta dowladdu ugu talagashay  ayuu saddex ka mid ah joogta u qaataa, oo isaga iyo xaaskiisa maskiinadda ahi sidaaseey ku heshiiyeen, heshiiskaasi wuxuu dhacay markii la isku xiiqay xal kalena la waaye waana heshiis aan waligiis waqtigiisu dhicin (UN-EXPIRED AGREMMENT)  weliba abaal beey Daahirada uu qabo sidaa.

Dhan kale DARXUMO beri baa nin saxiibkiis ah oo sidiisoo kale u dhaqma balse in yar dhaama isaga kula taliyey in uu walba Meel jaadka lagu iibiyo furto, kamase dhageysan taladaas, ugu yaraan hadduu maqli lahaa wuxuuba heli lahaa wax dadka loo sheego oo ah waan shaqeystaayoo, jaad baan iibiyaa, tiina alla ma xugmin.

Hoyadii iyo aabbihii mar horeey geeriyoodeen, laakiin xaasas aabbihii ka dhintay iyo rag iyo dumar walaalihiis ah oo iyagana caruuro dhalay ayaa dhulkii hooyo jira oo ku nool,  waligiisna gacantiisu ma gaarin, wuxuu diraba ma hayo, isagana xaas ilaah iyo rasuul taqaan sabarkeeduna badan yahay ayaa eebbe u sahlay mooyee, ma uusan badbaadeen, laakiin DAAHIRA ayaa mar-mar wax u tuurta casabaddasna.

Sidaas ooy dadaaleyso, xaaskiisu kama hesho raaligelin, amaan, qancin,  iyo waxa xaasaska wanaagsani ka helaan ragga xilkasta ah ee ay u dhaxeen, haddii DAAHIRA ay sabarto, hadeey cunno macaan u diyaariyso una daboosho si markii uu  yimaado saqda dhexe isagoo gab-gab leh uu u cuno iyo haddii eey uur yeelato, kalama oga, iyadoo calooshu culus tahay uun buu arkaa, waxaana ugu xigta xaaskii ayaa isbitaalka jirta, intii anuu go’aansan siduu ka yeeli lahaana waxay iskeed uga soo baxdaa isbitaalkii, gurigii beeyna iska timaadaa tiiyoo ilmihii yaraa ooy dhashay oo duuduuban sidata, si kuwii kale oo dayacan ay u daryeesho ileyn Abbe ma heystaane, DARXUMA-na halkaasaa oodini kaga soo boodaa.

Marka aad ugu fiirsato nolosha DARXUMO ma moodid in uu adduun ku nool yahay, waxaad moodaa in uu nolol qiyaali ah dhex dabaalanayo, oo bilaa masuuliyad ah oo bilaa dhib ah oo bilaa dheef ah oo bilaa wax kasta ah, kaligiina ma ahan oo qaar badan oo cinwaanka nin iyo oday iska sita waa hareera jooga, waxeyna ku nool yihiin Darxumo iyo waalkeed cid kale ooy wax u taraan daaye, naftoodeey u go’een iyagase sidaaseey door bideen, mana ahan nolol dhab ahe waase noloshii filimada.

DHAMMAAD.

Waxaa qortay: Amina Mussa Wehelie

Advertisements

Categories: ARTICLES

3 replies »

    • wll amina waad mahadsa tahay waa wax yaalaha ugubadan ee dhaxmara dumarka iyo raga ama qoysaska lkn amina kumaad darin dumarka qaar xuna inay jiraan

  1. Qoraal wax laga baran karo. Fadlan sii ballaari. Si Darxumo iyo Daahira sheekadooda nafcigeeda looga faa’iideysto, ka warran haddii la sii faahfaahiyo duruufaha ay carruurnimadoodii ku soo barbaareen, lana sii saadaaliyo halka ayaga iyo ilmahooduba ku dambeyn karaan. Waxaan sidaas u leeyahay, sida qoraaguba carrab-baabtay, in bey’adda uu qofku ku noolyahay, horayna ugu soo nolaa iyo waayaha soo marayba saameyn weyn ku leeyihiin sida uu qofku u dhaqmo. Sideese wax loo saxaa, casharna laga bartaa?

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.