ARTICLES

HA QAAYIBIN XUMAANTA:

Image

W/Q: Amina Muuse Weheliye

Muranka waan jecelnahay, xasilooniduna waa inna dhibtaa, qof kastaba wuxuu dood ka keeni karaa waxa ugu yar, xitaa salaanta cadi ah , waxaad moodaa in aanu kuligeen Diinta muqadaska ah ee suuban ee ilaahey innagu galladay kaga egnahay waardiye (Ilaaliye) budh weyn sita, balse aanan waxba iska saareynin ku dhaqankeeda.

 

Ilaahey markuu diinta soo dajinaayey waa ogaa in ummadu wada noqon doonin taqi sideey tahay ugu dhaqma, waxase la iska doonayo waa in aad sida ugu wanaagsan oo aad kareyso ugu dhaqanto, rasuulkeenii Maxammed (CSW) ma jirto meel lagu sheegay oo uu qofkii wax yar diinta ku xadgudba isagoo muslim ah ku calaamadiyey in uu gaal  diinta ka furtay yahay.

 

Weliba rasuulullaahi Muxammed wuu u turi jiray dadka isagoo doonaya in uu tuso naxariista diinta islaamku leedahay, waxaan xilligiisii soo maray qolyo, shaqisaad iyo qoomam dhan oo madax adag, kuligoodna dagaal kalama hor tagin judhii ugu horeysaba, laakiin wuxuu ku dayey siyaabo kale oo uu ku waaniyo.

Balse nasiib darro maskax qaraarka innagu dhacay wuxuu keenay, innagoo Islaam sheeganeyna hadana aan xitaa kala garan weyno wixii diin ah iyo waxaan diin ahayn, diintu waardiye uma baahna oo eebbihii soo dajiyey ayaa ilaashanaya, kumaaan kun oo malaaig ahana leh oo midba ay wax u qaabilsan tahay, waxaase naloo soo gaarsiiyey ku dhaqan iyo in aanu nolosheena ku larno.

 

Adoon salaadda faralka ah dukan hadaad cid kale wuxuu yiri, wuxuu sameeyey, halkuu maray iyo siduu u dhaqmay imtixaan la daba taagnaato, taasi kaa dhigi meyso taqi soo fariistay, janaddana tikit aad ku gasho kuu siin meyso, waxaase kula gudbooni waa in aad ilaahey u deyso in uu ummadiisa xisaabsado adiguna aad taada raacato.

 

Sidoo kale adoo intii karaankaaga ah ku dadaalay in aad salaadda, soonka, sakada iyo wax kasta oo wanaagsan fasha, hadana hadaad oday reerkiina ah oo qabyaaladda buufiya ama siyaasi jufadaada ah oo dadka nafta u keenay, ummadii uu xukumayeyna fidna kula dhex jira, aad tageero la garab taagnaato, markaasina waa laguu yaabaa.

 

Waxaa marag ma doonta ah in aanu sheegano in aanu nahay dad muslim ah, laakiin muslinimadii ayaanu muran aneey ku jirin gelinay, laakiin hadaan runta iskula xisaabtanno intaan tii eebbe ee weyneydba la gaarin, sideen muslim ku nahay, kol hadaanan isku dhowreynin walaaltinimada islaamka.

 

Bal ka waran dadkeena kulligood hadeey isku abtirsadaan isa soo wada gelaya, hadana is faquuqaya, is jiir nacaya, isna kala weyneeysiinaya, runt aka leexanaya iyagoo arkaya, beentana ku dow-falaya iyagoo og, wax weyn ooy ku heshiiyaan daaye, aan xitaa isku quurin in qof kasta kan kale wanaagiisa u qiro.

 

Ma jiro mid mid ka kale hadaad saani u weydiiso oo aad tiraahdo MUXUU KAA BI’IYEY  SHAQSI AHAAN     kuu sheegi kara, waxa aanu kala tabaneyno, hadaba hadaanu sidaas nahay, maxaanu isku heysanaa, oo Soomalida uriso isu saaray.

 

Dadka doonaya in eey kala go’aan waa in eey yihiin dad ku kala tagsan wax kasta oo xiriir ah, laakiin Somalidu weli kuma kala tagin marka diinta islaamka laga so tagaba, labba guntood oo muhiim ah, tasaana cadeyneysa in aanu weli nahay dad rajo ay isku walaalshadaan leh, labadaas guntood, waa GUURKA IYO LUUQADDA SOOMALIGA.

 

Weli ma aanan arag qolo gaar ah oo tiri af kalaanu sameysanay waana ka baxay afsoomaligii, ummana baahnin, sidaas oo kale weli lama arag qolo tiri qolo kale iska guursaneyno waana idiin faruqinay gogoshii guurka.

 

Haddii marka aanu weli heshiis ku nahay intaas diintiina inoo dheer tahay, in kastoon laadlaadinay, maxaa inoo diiday weeye su’aashu in aanu is ixtiraamno, in maqalno, is gacashano isna Soomaliyeeysano, si cadowga kiisa yar iyo kiisa weynba aanu awood aan isaga caabino u yeelano.

 

Teeda kale dambi kasta oo dhaca waa in ay jirtaa cid lagala xisaabtamo, yaa lagala xisaabtamayaa kala qoqobka iyo oodaha aan jirdaha adag ku surneyn ee Soomalida la dhex dhigay? Shaki la’aan waxaa jira dad masuuliyadeeda leh, welina ummadda ku dhex jira, waa kuma dadkaasi? Odayada? Culimadda? Siyaasiyiinta? Raga jeebweynta ah iyo ganacsatada? Haweenka? Dhalinyarada? Toloow cidma waaye?

 

Ka waran si aanu xumahaas, tuhunkaas, iyo kala qoqobkaas uga baxno haddii qof kasta uu isagu iska bilaabo, oo uu is weydiiyo suaalahaan: KALI WAX MA KU TAHAY? NOLOSHU MA KUUGU SOCONEYSAA IN AAN SOOMAALIDA KALE KA MAARANTO?  MAXAA KUU SAHLAYA IN AAD DADKAAGA KU DHEX JIRTO? MAXAASE KAA HOR TAAGAN IN AAN NOQOTO SOOMALI KU NOOLAADA XORNIMO? REERKAAGA KALIGIIS MA KUGU FILAN YAHAY? HADAAD QABYAALADEYSO MAXAA KUU SUURTAGALAYA, MAXAASE KAA LUMAYA? Iwm.

 

Qof aan xor ahayni waxba ma qabsan karo, cidkalena ma hoggaamin karo, Xorriyadda qofkuna waa mid ku timaadda rabitaan, qof aan u baahneyn in uu gumeysiga ka baxo, waligii xoroobi maayo, marka ma dooneynaa horta in aan xorowno? Yeey tahayse in aanu ka xorowno,  Xornimada aan ka hadlayaa ma ahan tii wadanka oo dhan ahayde waa tan shaqsiyadeed.

 

 

Xoriyad la helaa waxaa ugu horeysa, in qofku xor ka noqdo fekerka iyo hadalka, labadaasi hadaad ka xorowdo hubaal waxaa ah in aadan cidna u joogsaneynin kuna noolaaneyso nolol wanaagsan, fur-furan oo nashaad ka dhex buuxo, noqoneysana qof aan la loodin Karin, wuxuu doonayana u kala cad yihiin, kala sooci kara xumaanta iyo samaanta, misna kala dooran kara labadaas tuu raacayo.

Qodob kale oo intaas oo dhan fure u ah ayaa isna jira oo xoriyadaasi ku timaado markeedii horeba, waa in qofku anuu xumaanta aqbalin (Qaayibin) meel cadna iska taago xitaa haddii uu sidaas ku luminayo,  dhamaan dadka u dhow oo dhan, saxiibadiis, ama qaraabadiisa.

Xumaha ood aqbashaa waa masiibada ugu weyn ee bini’aadamka ku timaada, waxeyna kaa dhigtaa qof aad u nugul oo wax kasta lagu shuban karo, ikhtiyaarna aan lahayn, dhibna ku tahay in uu kala doorto qaabka uu u noolaanayo ama noloshiisa u jiheynayo.

 

Si hadaba aad u noqoto qof xor ka ah wax kasta, waa in aad marka ugu horeysa cidna ku raaligelin in aad raacdo ood iska daba habashleyso adiga oo bilaa dooq ah, waa in aad kari karto in qofka aad ogtahay in uu qaldan yahay aad ka leexato, ama ku dhihi karto (WAAD QALDAN TAHAY, ANIGUNA KUGUMA RAACSANI WAXAN) haddii aan naftaada intaas ku barbaariso waxaa hubaal ah in aad guuleysaneyso aduun iyo aakhiraba, waayoo waxaan fulineysaa waajib diini ah oo waa tii diinteenu inna tiri:

XUMAHA KU REER GACANTAADA, HADDII AADAN AWOODIN KU REER AFKAAGA, HADDII AADAN AWOODIN UURKA KA NECBEYSO.

Hadaba waa in aad ka bilowdaa kacaankaas aad naftaada ku turxaan bixineyso in aad marka hore kala garato xumaha iyo samaha, deetana xumaha aadan aqbalin, sidaadaasna aad ku noqoto qof xor ka ah fekerka, rabitaanka iyo hadalka, lehna mowqif loogu yimaad, intaas ka dibna waxaad noqoneysaa qof leh awood uu wax ku sixi karo maadama ay kuu kala cad yihiin wadooyinka ku horyaala, waana kaas hogaamiyaha aanu u baahanahay in uu godka iyo xabisiga qabyaaladeed iinaga saaro, si aanu u hiigsano nolol wanaagsan oo naruuro leh, geedigeena nololeedna ku furta naq barwaaqo.

 DHAMMAAD.

Advertisements

Categories: ARTICLES

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.