ARTICLES

Toloow waa Qolama?

Soomaalida iyo qabyaaladda:

a href=”https://aminawehelie.files.wordpress.com/2014/12/img_1948.jpg”>IMG_1948

Sanadkii 1994tii ayaa iyadoo la joogo March, 8-deeda waxaa koox wariyayaal ah loo diray in eey ka soo waramaan warbixinnana ka so diyaariyaan xus kooban oo malinta haweenka adduunka loo dhigayey.
Xuska waa iska gaabnaa waayoo xilligaas waxaa dalka qeybo badan oo ka mid ah joogay ciidamadii UNISOM, magalaadda Muqdisho oo ah meesha xuskaas lagu qabanayeyna waxaa yiilay qad-cagaaran, isku gudubku waa yara inkastoo goobo badan ciidamo fadhiyeen, hadana waxaa laga baqan jiray qolo uun dableey ah oo meelaha maqaraarufeysa in eey kugu soo baxaan, ku furtaan, ku dilaan maba wax kale oo ka sii foolxun kugu sameeyaan, ma jirin sharci iyo dowlada la isku raacsan yahay oo wadanku lahaa, qolaba meey eey oodataya yeey ku xabisnayd dadkuna dhibaato badan ayeey ku jireen, sidaas darteed magaaladda waxaa socodkeeda ku dhiiran jiray marka laga reebo kooxaha qowleysatada ah oo qabiilladda ka tirsan oo dagaalka qabyaaladeed iyo xukun doonnimada isugu jira wada mooyee, ciddii baabuur xiimi kara wadata qoryana lagu ilaalinaayo oo qur ah.

Hadaba markii wariyayaashii oo iyagaba iska yaraa oo dhowr wargeys (Xilligaasi website-yo ma jirin magaladuna internetba ma lahay), ay meesha tageen, waxaa joogay fanaaniin kooban oo iyaguna munaasabadda ka qeyb ahaa, waxaa fanaaniinta hogaaminaaya Abwaan Barre Maxamed Fiidoow (LEENTO), waxaa iyagana jooga koox muusigga tumeysa oo iyagan aiska kooban iyo fanaaniin heesta oo ay a mid yihiin Fanaanad Xabiiba Xasan Tooxoow iyo Fanaanad iminka dhimatay oo iyadana waaberi ka tirsanaan jirtay, Allaha u naxariistee Saynab Cabdilaahi Boostaale (Hindhiso).

Dhowr dumar ah waa joogaan raguna meesha waa ku yaraayeen,munaasabadiina xilli hore ayaa la bilaabay, oo lama rabin maadaama magaaladda ay ka jirto xaalad is bad-badalkeedu badan yahay, xiisado dagaalna sidata iyo kooxo isu dhaarsan, qof kasta wuxuu rabay in ay howshu hore u dhamaato.

Inta munaasabadda socotay waxaa labada gabdhood oo iyagu markaas wax heesayaba ka joogay meesha ay la soo shir tageen laba heesood oo cusub oo markaas ay ugu horeyso qaadistoodu, kana tarjumaya munaasabadda iyo weliba xaaladda colaadeed ee dalku ku jiro.

Heesta koowaad waxaa qaaday xabiiba Xasan Tooxoow, waana heesta hada aadka u caan baxday oo la yiraahdo (ANIGU DUMAR BAAN AHAA) oo ah hees calool-xumo iyo uur ku taal xambaarsan kana tarjumeysa dhibaatada dumarka iyo dagallaadda ahliga ah, maadama heestu cusub tahay, wayadaasna aan hees iyo dhageysigeedba xoog loo helin oo qof kasta siduu rasaas qiiqeysa uga gambanaayey, ama isu lahaa goormuu madfac ama hoobiye kugu dhici doonaa, dad badani wardi ku badaleen heesaheey dhageysan jireen, ayaa heestii intii meesha joogtay ka calool xumaadeen.

Dumarkii ayaa ooyin la sii wada jeestay, in yar markii cid walba indhu casaadeen ayaa abwaankii wuxuu wariyayaashii si kaftan ku jiro u yiri: U fiirsada, ooyintaan wax kalaa xigi doona?

Suxufiyiinta uu la hadlay si fiican una fahmin wuxuu ula jeedo, deetana iyaguna su’aal kuma celine howshoodeey iska wateen, deetana heestii fannanadii kale ayaa la soo gaaray, iyaduna waxeey qaaday hees kale oo sidaan horeba u soo sheegay cusubeyd oo la yiraahdo: DHIBAATO DUMAR, sidii iyo si la mid ah ayaa loo wada ooyey, markaan xitaa rag tiro yar ayaa hamiirsaday oo ilmo isu celiyey, laakiin maxaa dhacay?
Intii dhabadhii heestii waday ayaa dumarkii meesha joogay iyo ragiiba isku jeesteen, waxaana yeertay:
Allaah, calooxumo ayeey nagu dileen, toloowse gabdhuhu waa qolama horta?

Durba waxeey jeceylesteen i ay ogaadaan reerka gabadhaha fanaaniinta ahi ka soo jeedaan, su’aashaasina waa socotay in cabaar ah, kulli wariyayashii xitaa waa la warsaday, iyaguna kuligood waxey farta ku wada fiiqeen, Abwaan Barre Maxamed Fiidoow, iyagoo raba in eey isaga uga baxsadaan jawaabta la doondoonayo, iyagoo ka wada abwaankaan heesaha u dhiibay weydiiya.

Abwaan Barre oo isagu hadaayeeyto sii sadaaliyey in ooyinta wax kale xigi doonaan, ayaa qoslay, deetana wuxuu cid kasta ku qanciyey in uu qudbada ku sheegi doono gabdhaha reerkooda, waana laga rumeystay ballanqaadkaas in uu ka soo bixi doono oo xalaadda markaas lagu jiray ayaaba wada ahayd (YAA TAHAY?) oo yaa tahay ayaa malin kasta dadk badani ku dhiman jiriin, dad badanina ku badbaadi jireen.

Munaasabaddii ayaa gebo-gebo ku dhowaatay, waxaana la gaaray xilligii qudbadaha, marka dhowr qofi hadashay ayaa loo dhiibay abwaanka munaasabaadda qeybta lixaadka lahaa, wuxuuna qudbadiisii ku soo daray:
Hadaadeyto kuligeen waa wada ooynay, waxaana aad noo damqay murtida ay xambaarsan yihiin heesaha meesha lagu soo bandhigay, laakiin intaas kuma aanan ekaanine, inagoo weli ooyintii wadna oo diifka iska tir-tireyna, oo indhaha mar-mareyna ayaan hadana jecleysanay in aan ogaano gabdhaha heesaaya qabiiladooda? hadde waxaan ka ooyheynay soow ma ahan dhib innagu gaartay in qabiil qabiil loo kala safto oo la isu laayo, dhib qabyaalladu noo keentay, mid aanu ugu jirno dagaallo sokeeye oo inna wada diirtay? Inta gabdhahaan iyo reeraheey ka dhashaan iska dhaaftiin, maad ku qiimeysiin murtida quruxda badan, codka hallasiga ah, iyo heyabadda qofnimo oo ay leeyihiin? anigana xaad ii niyad jabiseen? murtida aad la ooydeen anaa sameeyey, howl badan ayaana geliyey, wacyigellin in eey idiin noqoto ayaanna rabay, ee ma rabin la is weydiiyo cidda heesta qaaday iyo qabiilkeed Soomalai ka tahay.

Intaas markuu abwaan Barre Maxamed Fiidoow yiri: ayaa hal mar dadkii hadda ooyaayey oo dhami wada qosleen, oday meel gadaale fadhiyey ayaa yiri: Abwaan Barre Maxamed fiidoow adiga qudhaada waa isaga baahanahay in aanu ogaano reerkaad Soomali ka tahay, wuxuuna raaciyey, qabiilka waa in la isku garto waana tii.

Odaygu waa dadaalay balse dadka meesha joogay kuligood sidaas ulama jeedin.

DHAMMAAD.

Advertisements

Categories: ARTICLES

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.