ARTICLES

XAAS BILAASH AH: Qeybta 1aad

IMG_0131

Tan iyo sakayto ilaa hadda oo ay tahay fiid hore taleefoonkiisa ayeey waceysay, weey ku daashay hadana ma quusan, kolba howl yar ayeey guriga ka dhex qabataa, waa wacdaa, kolba shah beey soo shubataa waa wacdaa, iyaduna kama caajisto isaguna kama qabto.

Laakiin wax badan oo hore ayeey sidani ku dhacday, balse amuurta ay u waceyso ayaa kala duwan, hadda xaalad xasaasi ah ayaa jirta kol waagu ku dul-baryana, waxeey goosatay in eey wacdo.

Waxeey sidaas ahaataba, markeey hurdootay ayeey iska luuday oo sariirteedii tagtay, balse dhaqso ma gam’ine hadana feker beey ku dheeraatay

Muxuu sidaan kuugu galayaa? Muxuu kaaga qaban waayey? Ma dhici karto in intaas oo dhan uusan arkin wicistaada, waxaas iyo wax kaleba waa ku fekertay, mar dambe ayeey gama’day, dan baana ugu jirtay in eey hurudo.

Dhanka kale Caabi wuxuu Caaliya ka helay 1000 wicis oo mobilekiisu muujiyey, mar uu dukaankii gadanayey, mar uu xaaskiisii kale magalada u kaxeeyey, mar uu rag asxaab ay yihiin uu la sheekeysanayaba, wuxuu ku mashquulsanaa howlihiisa.

Weey jirtaa in uu kolba marka taleefoonku gariiraba ay meelu damqaneeysay, balse wax kale maahee wuxuu ku fekerayey toloow sideed yeeshaa, taleefonkaba ma badalataa mise, iska daa ha ku fogaane si uun beey noqone, laakiin marnaba kumuusan fekerin in xaalada loo soo wacayo ay tahay bishaaro qoyska u dan ah, waa sida Caaliya u heysatee.

Isaga markuu dhulkii hooyo joogo Cudbi kama dhama, iyada iyo sagaalkooda ciyaalka ahna kama roona, wuxuu isu heystaa in wax kastaba u dhan yihiin, laakiin isma weydiiyo sababta uu gabar masaakiin ah  oo Qurbe iyo Qarqaryo ku nool uu been ugu sheegay, isagana dhigay in uu jecel yahay, in uu u baahan yahay iyo intasoo kale oo uu horey u shubay.

Taariikhdoodu waxeey dib ugu noqoneysaa 2007-dii xiligaas oo Caabi meel beeshiisu isugu timid ugana arrinsaneysay xalado beeleysan uu ka milicsaday Caaliya, markas ma hubin gabar, garoob iyo geesa-xir mid eey tahayba, xitaa ma hubin in eey beesha meesha walimada ku qabta ka mid tahay iyo in eey qaar kale oo beesha ah iska soo raacday, laakiin sidii ka fiirsasho la’aanta ahayd ee indhaha raggu wax u sii dul-mari jireen, uun baa indhihiisu u sii dul-mareen Caaliya, ka dibna waa ku dhaygagay, ka dibna waa u maqaalin tuurtay, ka dibna waa soo jillaabtay, wuxuu ku shubi karuu ku shubay waana rumeysatay, marnabase uma sheegin in ay dalkii u jiraan Cudbi iyo 7 ciyaal ah oo xillidaas u joogay (Labada kale dib beey ka dhasheene), hada waa tan wax kastaba is badalayaan, Caaliya labadii sano ee ugu dambeysayba waxey dareemeysay isbadel dhanka odaygeeda ah.

XIlliyada uu iyada la joogo oo uu soo dhoofo maadaama uu laba basaboorle yahay, sidii hore qosolku maha, sidii hore farxaddu ma ahan, sidii hore koolkoolisku ma ahan, sidii hore xitaa hadiyadihii ma ahan oo waa yaraadeen,  wax naf leh horey uguna soo qaado markuu ku soo socdo dhankeeda, Dubai oo dahabka, dharku iyo barafuunku buuxo waa iska soo dhinac maraa, isagoo laafyoonaayo ayuuna yimaadaa ama wax yar oo caynteyn ah oo uu wajiga ku furo is leeyahay una qalmin buu isla soo taagaa.

Weey aragtaa caaliya sida wax isu badalayaan tan iyo dhamaadkii 2007 dii oo ah xilligga ay iyada iyo Caabi is guursadeen caabi wuxuu iska dhigi jiray mid doonaya in Caaliya wax u dhasho,oo ilaahey ubad kala siiyo,  mase noqon “ Ilaah baa dhasha haya, horeyna wax waan u dhalay ee eebbaan ka warsugayaa ayeey isku qaboojisaa isagana ku qaboojisaa mar kasta oo qodobkaasi hawada soo galo.”

 

 

Waa runteey, ilaahey horey ayuu wiil u siiyey, wiilkiina iminka waa u joogaa wuxuu dhigtaa dugsiga sare, nin shaashiyey ayeeyna u dhashay, kii labaad ooy guursatayna waa Caabi.

Caaliya waa 33 jir mana joogto xili ay dhalmo deyso laakiin waxeey iska jeceyd in sida odaygeedu rabo ay hesho, waxay u fahamtay in doonaya in eey caruur u dhasho, ugu yaraan sidaas buu iska dhigay, laakiin hadda oo uu 7 week sii maqan yahay, waxey is lahayd waxa kugu soo kordhay u sheeg, bishaarana uga dhig, waayoo Caaliya uur beey leedahay, waxey taleefoonka ninkeeda muddo ka badan 12 sacadood u waceysayna waa sababtaas, waxey dooneysay in eey cod naxariis leh u tiraah:

“Xabiibi uur baan leeyahay” Waase hadduu ka qabtaba.

 

Waa Socota……………………………………….

 

W/Q: Amina Muuse Weheliye

Foojignaan:

Xuquuqda qoraalku waxey u dhowran tahay qoraha iyo heyadda warbaahinta ee Amsom Media Empire.

Categories: ARTICLES

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.