ARTICLES

HADDII TRUMP TALIYO

download (1)

 

W/Q: Amina Mussa Wehelie

Dunida aanu ku noolnahay waxey ku socotaa kuna shaqeysaa, nidaam isku wada xiran oo cidina cid kale sinaba uga baaqsan Karin.

Yaaneey marnaba kula noqon in aad tahay qof ku nool, wadan kaligii meel daleel ah ku yaalla, oo laydhu dhinacyada ka garaacdo, siduu doonana wax u dhigan kara, halkuu doonana mari kara.

 Waxaa nolosha dalalka adduunku isugu wada  laran tahay, sida geedka saara-saaraha ahi isugu duubduubo geedaha kale ee lummanka u dhow ka baxa.

 

Hadda wadamada awoodda is bidaya, Ilaah baa awoodi u sugnaataye, waxey ku loollamaan kuna kala jiitaan dalalka kale ee yaryar ballanqaadyo badankood aan la hubin sida ay ku fulinayaan, waxey kaloo ku asqeysiiyaan cabsi iyo argagax ay iyagu abuureen oo badanaa ay kaga raadsanayaan danahooda gaarka ah, waxeey isugu daraan handadaad dadban iyo hoosaasis soo jiidasho leh.

 

Dunidu waxeey soo martay laba dagaal oo waaweyn, dagaalkii koowaad ee aduunka (WWI) iyo dagaalkii labaad ee adduunka (WWII), dagaalkii 1-aad wuxuu  bilowday 28-kii June  1914-dii  misena wuxuu dhamaaday 1-kii November 1918kii, waxaa ka qeybgalay oo dagaalka la geliyey 70 milyan oo ciidammo milatari ah, oo 60 kun oo ka mid ahi ka socdeen qaarada Yurub kaligeed, 10 ka milyan oo kale waxey ka socdeen dalalkii kale ee oo Qaradaha Africa, Asia iyo Latin America ka mid yihiin, halka dagaalkana ay Yurub bilowday.

 Marka  laga reebo askartii ka qeybgalay dagaalkii Koowaad  waxaa ku dhintay 7 milyan oo qof oo shacab ah, waxaa kaloo dagaalkaasi aabbe u noqday xasuuqyo ba’an oo dunida gaafaheeda ka dhacay.

 

Dagaalkii labaad ee adduunka ayaa isaguna  oo bilwoday 1-dii September 1939-kii wuxuuna  dhamaaday 2-dii September 1954-tii  isagana waxaa ka qeyb galay 100 milyan oo qof oo ka kala socday 30 wadan, waxaana  ku dhintay qiyaastii 85 milyan oo qof oo askar iyo shacab-ba isugu jira, xasuuqyo ba’an oo uu ka mid yahay xasuuqii dadka Yahuuda ah lagu laayeyna waa dhaceen, isagana Yurub ayaa bilowday oo ka qaadun ahayd.

Intaa ka dib dunidu waxey is tustay in aan dagaal kale loo baahneyn khasaaro mooye-na  aanuu faa’iido lahayn, waxaana lagu heshiiyey in si kasta iyo waqiido kastaba loo maro in aanuu soo noqon dagaal hub la isku laayo, si rasmi ahna looga baaqsado in dagaal saddexaad dhaco.

Go’aankaas la qaatay hadana waxaa ka madax ahaa oo calanka u siday qaaradda Yurub iyo ilma adeeradood Mareykanka, waxaana sidaas ku abuurmay ururo iyo isbaheysiyo xoog leh oo ay ku aruureen hadba dalalkii dantu is baday, isla markiina waxaa lagu badalay dagaalkii dabbaabaadka iyo rasaasta dhiigga daadisa, dagaalkii afka  oo loo yaqaan Dagaalkii qaboobaa (Cold War).

 

 intaa ka dib  waxaa dunidu kolba isu buuraneysay marba dhankeey isu fahamto, dal kastaba wuxuu kan kale kula shirkoobaayey danihiisa gaarka ah, ilaa isbadello badan oo qaarkood ay ku jiraan kuwo aan marnaba lagu sii fekerin in eey dhici karaan,  ay yimaadeen.

 

Halkaa markeey mareysay ayaa waxaa abuurmay laba gaashaan-buurood oo waaweyn oo la kala yiraahdo, gaashaanbuurta NATO (North Atlantic Treaty Organization) iyo gaashaan buurta WARSOW  (Western alliance). Labada gashaanbuuroodba waxeey isu rafiiqsadeen sidii dagaalku ugu dhaamaday, wuxuuna wadan kasta xulufo la noqday oo isbaheysi kula biiray, kii ay dagaalka isku garabsiinayeen.

 

 Muddo dhan ayaa dunidu sidaas ku soo joogta, waxaana dhacday in xiligaasi ka dib ay reer yurub bilaabeen in ay xornimo siiyaan dalal badan oo ay guumeysanayeen haba ugu badnaadeenee dalalka ku yaal qaaradaha Africa iyo Asia.

Xiligaas in kastoo afka laga dagallamaayey waxaa bilowday tartanka hub-sameysiga,iyo hub isugu dhiibidda dalalka yaryar ee gumeysiga hoostiisa ku dheg- barjoobay, si loo dhaafsiiyo macaansiga xornimada la siiyey,si looga furto lacagaha yar oo lagu naasnuujiyo oo ay hub warshadaha yurub lagu soo sameeyey ugu gataan halkeey mshaariic haruumarineed ugu fushan lahaayeen, iyo  halkii fool ka fool ay u dagallami lahaayeen dalalka tunka weyna in ay adeegsadaan dalalka masaakiinta ah oo ay ugu maano-sheegteen in eey xornimo gaarsiiyeen.

 

Intaa ka dib  tartankii ayaa carcarta tagay, hade laba is heysata islama taagnaato’e waxaa loo awood sheegtay oo lau burburyey gaashaanbuurtii WARSOW oo uu Ruushku iyo midowgiisii sofiyeeti hogaanka u haayeen, isaga iyo nidaamkii shuuciga ahaa ee ay aabayaasha ka haayeen, Lenin,  Marxis iyo  Engels.

  Waxaa xoogeysatay oo madaxa la soo kacay dhankiisana loo batay nidaamkii hant- goosadka oo ay NATO hgaamineysay, intaas ka dib  dalalkii xulufada la sameystay Mareykanka ee nidaamkaas qaatay waxeey   noqdeen Libaaxyo soo fariistay oo salka is wada gashaday adduunka dhamaantiisna sutida u qabtay, halka dalalkii Ruushku awoowaha u ahaa ee qaatay nidaamkii WARSOW noqdeen xidigo daatay oo gabalkood dhacay.

 

Qarnigii 20-naad iyo kan aanu hadda ku jirno ee 21-naadna waxaa dhacay oo wax ku qadasho mudan dagalladii colaadaha waaweyn ee lagu hoobtay ka dhasheen ee ilaa haddana jira laguna sal- kiciyey dadyow deggan oo dowladahoodii u dhisnaayeen, iyadoo loo adeegsaday marmarsiinyada ahayd WAA ARGAGXISO, kalmadaas oo markii dambe macnaheeduba ku soo aruuray WAA ISLAAM, taasoo  lagu bartimaameedsaday dalal muslimiin u badan laguna abuuray kooxo wax qarbuda oo nolosha u diiday dadyoowga dunida ku nool iyaguna nolosha isu diiday sida AL-QAACIDA, TALIBAAN, AL-SHABAAB,  ISIL, BOKO HARAM i.w.m.

 Kooxahaasi waa ugxantii ay dhaleen dagallada BOOBKA SHIDAALKA DUNIDA CARABTA oo weli socda balse  qabab kale duwan lagu bilaabay, laguna qaaday ama si uun looga abaabulay kol jabhado loo hubeeyaba ama dagaal toos ahba lagu qaaday iyadoo loo adeegsanayo gaashaanbuurta NATO  dalalka Kuweyt, Ciraaq, Afganistaan, Liibiya iyo Siiriya oo kulligood ah dalal muslim ah, waxaana intaas oo dhan ka aabbe iyo hooyo noqday Mareykan iyo ilma adeeradood Yurub.

 

Waxaa in la ilaawo mudneyn Iyana, sida dalka Shiinaha iyo hindiya  ay uga faaiideysteen isbadellada aduunka ee guurguuraya, noqdeena wadamo  hadda hogaanka u qabta koboca dhaqaalaha aduunka, oo waa kan hadaba maalgelinaya dalal badan oo quwadda warshadaha ku horeeya sida Britain iyo Mareyknakaba.

 

Waxaa dhacday qarnigaan bilowgiisii in Baraasiil dhul ka kireysato Ithoobiya si ay ugu beerato qasab laga sameelo shidaalka noociisa (Bio-fuel) iyadoo Baraasiil dhul ay beerato oo badan qabto, haddii taasi dhacday,  markaa maxaa diidaya in Kaallunka wabiga Ganga-Maa ee Hindiya laga soo jillaabo loo suuq geeyo dalalka carabta iyo Africa oo qaarkood leh xeebo dhaadheer leh?

 

Macnuhu ma ahan in dal kastaahi waxa anuu heysan oo ka maqan oo kali ah in uu raadsanayo, laakiin waxaa meesha ku jira waa in mid kastaaba fulinayo danta kan kale si uu u helo dantiisa gaarka ah, saxiibtinimaduna u sii socoto, si aanuu cadowgiisu daleel uga helin.

 

Golayaasha waaweyn ee aduunka looga go’aan gaaro sid kan jacmiyadda qaruumaha ka dhaxeysa ayaa iyagana ku shaqeeya xiriirka dalalka ku bahoobay ay leeyihiin.

Cod kasta oo loo qaadayo xaaladaha dunida ka aloosan ama ku soo kordha waxey isugu gaashaan buursadaan hadba sida ay macariifo iyo xulufo iska goweys-qabta u yihiin.

 

Hadaba aan u soo daadago dulucda maqaalkeeyga e, dalka Mareykanka oo ilaa hadda calanka u sida in uu yahay dalka ugu awoodda badan dunida maskaxdiisa iyo awaamiirtiisana adduunka oo dhan  lagu hago, ayaa waxaa  dhowaa ka dhaceysaa  doorashooyinka loo galayo cidda noqon doonta madaxweynaha 45-naad marka uu dhamaado xilliga madaxweynaha hadda taladda haya ee Barack Obama.

 

Ololaha doorashooyinka dalkaasi waxey soo mareen marxalado kala duwan oo xasaasi ah, musharixiintii oo dhami waa wada hareen laba mooyee.

Hillary Clinton oo ah xaaska madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton oo xisbiga Dimoqraadiga ah oo hadaba talada dalka haya ka socota iyo Donald Trump oo ah gacansade leh goobaha qamaarka lagu ciyaaro iyo garoomo lagu ciyaaro ciyaarta dadka lacagta leh ama madaxda ahi ciyaaraan  badiyaa ee golf-ka oo isagana ka socda xisbiga Jamhuuriga ah ayaana isugu soo haray.

 

Labada waxaa ku jira musharax aad uga duwan wixii musharixiin abidba hore  isu soo taagay doorasho Mareykanka ka dhacda, waa Donald Trump oo isagu halkudhigga ololihiisa ka dhigtay (MAKING AMERICA GREAT AGAIN).

 

Koleeyba waa wax la iska ogyahay in musharax ama helayo ama weynayo wuxuu doonaayey, Donald Trump ayaase laga kala aamisan yahay laba ra’yi oo kala duwan marka laga reebo ra’yiga ay taageerayaashiisu aaminsan yihiin oo ah in uu madaxweyne noqdo, labada ra’yi ee kale ayaa kala ah, in uu yahay nin meeshaba madadaalo u jooga oo aan marnaba gaari kareynin in uu kursiga ugu dambeystii ku fariisto iyo dadka qaar oo qaba in wax kasta dhici karaan, khatarna ku yahay jiritaanka Mareykanka haddii uu xukunka nasiib u yeesho, oo uu ku guuleysto.

 

Fekerka hore haduu sax noqdo markaas wax dhib ahba ma dhicin ee meesheedaba ku daa, balse ka waran haddii Trump taliyo?

 

Donald tan iyo maalintii uu isa soo sharaxayba wuxuu kasbadaa tageeryaaal hor leh, in kastoo dadkiiba kaga naxsaday markuu ololaha bilaabayey hadalo iyo ballanqaadyo cajiib ah, oo ay ka mid yihiin, in uu Xuduuda Mexico ka dhisayo darbi weyn oo celiya dadka Mexicanka ah ee Mareykanka ku soo qulqulaya, in uu musliinta u sameynayo aqoonsi gaar ah oo ay had iyo gooraale xirtaan iyo in uu dadka islaamka ah gebi ahaantoodaba ka joojinaayo soo gelitaanka Mareykanka iyo waxyaabo kale oo aad loola tacajabay, hadana sidaas oo ay  tahay ayuu helay tageero badan.

 

Hadaba su’aashu waxey tahay MAXAA DHACAYA HADII TRUMP TALIYO? Wadankii adduunka ugu itaalka weynaase side buu noqonayaa? Isagu ma ka dhabeyn doonaa waxyaabihii uu ku soo jiitay dadka tageerada la daba guuxaya oo durba  dhaliyey isir naceyb, cunsirayaddii oo heer sare gaartay iyo argagaxa uu ku hayo dunidii oo dhan?

 

Bal aanu si aayar ah u eegno sid ay ku suurgeli karto ballanqaadyada cunsuriyaddu ka tifqeyso ee Trump aana is weydiino, horta ma fulin karaa waxaas oo ballanqaadyo ah?

 

 

Wuxuu ku goodiyey in uu nukleer adeegsan doono haddii loo baahdo, taaso ah mid ka mid ah hanjabaadihiisa kuwii ugu dambeeyey, hadda wax kaleba ha joogtee waxey mareysaa in gudaha xisbigiisii Jamhuuriga ay isaga baqaan in uu ku fariisto kursiga  OVAL OFFICE-ka oo ku dhex yaal aqalka looga arrimiyo Amerikada midowday (USA).

Deyro ayeey  ka keenay saraakiishii ugu sareysay ee dhinaca amniga u qaabilsaneyd xisbiga Jamhuuriga ah ee u caleema saartay in uu Trump musharax u noqdo.

 

 

Dhanka kale ma ahan wax qarsoodi ah in burburkii dalkeena Soomaaliya ka dib ay dowladda hadda talada heysa ee federaalka ahi ee SOOMAALIYA noqotay dowlad la aqoonsan yahay markii Mareykanku aqoosaday, halkaa waxaa ka cad in Mareykanku yahay dowladda dowladaha adduunka oo dhan, madaxweynaha Mareykankuna yahay madaxweynaha madaxweynayaasha adduunka oo dhan, dagaal anuu isagu horkicin, waa Mareykanka’e  adduunka kama dhaco, cid anuu farta ku taagina lama wada arko, dowlad anuu tageerina aqoonsi ma hesho.

 

Haddee marka sidee beey wax noqon Iyana haddii Trump taliyo? Dalalka dunida oo dhan gaar ahaan dalkeena Soomaaliya sidee u sameyneysaa?

Warkaba aanu soo dhodhoweeya’e maxaa dunida ka dhacaya hadii ninkaas ay ku tufeen xisbigiisiiba uu talada dalka ugu awooda iyo tamarta badan dunida qabsado? Sideese isagoo sita figradihiisa xagjir-ka ahise ay ku suurtagaleysaa in uu ilaaliyo danaha dalkiisa Mareykanka ee dunida uga kala xiran?

Aniga ah qoraha maqaalkaan waxaan qabaa in aanuu wax badan oo baqdin ah oo uu hadda abuurayo aneey dhici doonin.

 

SABAB?

 

Horta dunida Muslimka ah oo tan iyo muddo dheer ahayd dalal aan  is-gargaarin weey isku gargaarayaan haddii xagjir Trump u taliyo Mareykanka.

Waxaa dhici doonta iyadana in qolayaha wax qarbuda ay weerarada ku kordhin doonaan gudaha Mareykanka sidaas iyo si la mid ahna u weerari doonaan danaha Mareyknka ee dibadaha ku fidsan sida saldhigyada waaweyn ee uu kuu leeyahay dalalka dunida saddexaad, carabaha iyo kuwa latin America.

Waxaa dhaceysa in dalalka Africa ay ka hoos  baxaan cadaadis badan oo hadda si dadban uu ugu hayo Mareykanku oo ay ka mid tahay in uu batroolka laga soo saaro dalalka Africa qaarkood raqiis ku qaato, waxaa dhacaysa in dalal aan hadda is jecleyn ay is jeclaadaan cunsriyadda Trump-na u shirkoobaan.

Waxaa imaaneysa in Donald oo isaga naftiisu ah ganacsade leh goobo lagu qamaaro iyo garoomo Glof sidaan horeba u soo tibaaxnay, uu ku yuurusado in uu ilaaliyo danahiisa ganacsi ee u gaarka ah.

Waxaa dhaceysa in dalalka uu Mareykanku ku leeyahay saldhigyada waaweyn ee milatari ay ku kodhiyaan kirada ay qaataan, iyagoo ka gows qaba Ruushka oo aad  isha ugu haaya meel kasta oo Mareykanku dabada la galo, hadana intii hore iyo halkii uu taagnaa meel ka fiican taagan manta ka dib markii uu saxiibtinimo soke la sameystay Turkiga oo ah wadanka kali ah ee islaam ah yurubna ku yaal oo indho foojigan wax ku eega, dhego bilaa dhukay  wax ku dhageysta lana socda shimbirtii soo dul marta oo ka soo duusha dhankaas ee reer galbeedka is mahadiyey.

 

Shiinaha iyo Hindia oo mar kastaba ah labada gacmood ee Ruushka ayaa iyaguna door fiican ka ciyaari doona isbadellada dunida ka dhici doona haddii Trump taliyo oo howlahoodana ka bilaabi doona sii xoojinta in ay boolasha u siibaan tiirarka Mareykanku ka taagtay dunida gaafaheeda.

Soomaaliya oo hadda Mareykanku labada gacmood si dhab ah ugu heysto abaseerana uga dhigtay Ithoobiya oo ah cadowga koowaad ee Soomaliya jaarna la ah, ayaa iyadana ayba dhici kartaa in xidig aan fiidma-dhowr ahayni u dhasho.

Ugu dambeyntii ma noqon doonto sida hada laga dhigayo ama loo buunbuunin doono xukunka Trump, marka dunida muslimka ah iyo wadnkeenaba loo eegana in Trump madaxweyne noqdo waxba sidaas ah inooga halaabi maayaan, waayoo waa nin waxa uu maagan yahay la sii ogyahay oo laga tabaabusheysan karo, Xitaa nukleerka uu ku goodinayo uma sahlana sida uu isagu ka dhigayo, ama loo heystee, dalalka Nukleer heysta iyagaa khatartiisa kaga welwel badan kuwa aan heysan ee  loogu goodinayo in lagu gumaadi doono.

Waxaa iyadana meesha ku jirta in Markeynka oo kali ahi anuu Nurkeer heysan oo dalal isaga ka tabar yariba heystaan, oo haduu hal gantaal rido toban oogu jawaabayo.

Israaiil ayaa iyaduna aan heleynin sandanada saa’idka ah ee ay hadda heysato, haddii Trump taliyo, oo cunsuriyadiisa ayaa iyada qudheeda gaareysa oo galaafaneysa, wuuna qafiifayaa oo waa shar jabayaa nikaaxa rasmiga ah ee hadda ay isku qabaan iyada iyo Mareykanku.

Isku soo wad duuboo, dunidu ma noqon doonto sida hadda xumaha loogu saadaalinayo haddii Trump taliyo.

 

Ms Amina Mussa Wehelie

 

You can send all the feedback to the writer’s private email:

 

Asahra2012@gmail.com

 

You can follow her her social media:

Facebook: @Amina.Mussa.Wehelie

Twitter:     @AminaWehelie

Google+:  Amina Wehelie  

 

 

 

 

 

 

Advertisements

Categories: ARTICLES

1 reply »

Leave a Reply to jaale12 Cancel reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.