ARTICLES

Waxuush kaamerad sita!

Waxuush kaamerad sita 2

W/Q: Amina Muuse Weheliye

Waxeey ahayd bilowgii bishii Jaanayo sanadkii 2014kii markii ay baraha bulshada la soo geliyey filim (Muuqaal) laga soo duubay gabar yar oo Soomaaliyeed  oo qubeysaneysa,  muqaalka ayaa u ekaa mid laga soo saawiray dalool suuligu lahaa, gabadha oo aayar iska meyraneysa tuhunna anuu ku jirin oo aan waxba u war heynin waxa laga duubayo ayaa muuqaalku gudbinayey.

Halka gabadhu ku nooleed ayaa lagu sheegay markii dambe in ay ahayd xero qaxooti, oo ku taal gobolka Soomaaliyeed ee waqooyi Bari oo ay Keenya gumeysato.

Looma kala harin faafinta iyo filqidda, muuqaalkaas calool-xumada leh ee gabadhaa yar ee biri-mageydada ah sida qarsoodiga ah looga soo qaaday, waxaanu  arkaynay kuwo waaweel ah, kuwo da’dhexaad ah, kuwo garmadoobayaal ah, dhalinyaro, iyo sindheer intaba oo muuqaalkaas faafinaayey facebookna soo gelinaayey daqiiqad kasta, waxeyna u badnaayeen rag oo baraha bulshada la dhex wareegaayey, xitaa dumar ayaa ku jiray in kastooy iyagu dhanka faallo bixinta u badnaayeen.

Baraha bulshada,oo sideedaba ka hanaqaaday dunida uu dhan noqdayna goobaha ugu xiriirka badan ee bina’aadanka dunida ku nooli ka xiriiraan, ayaa hadda wax kastaba sahlaaya, in eey si fudud caalamka u wada gaaraan.

Run iyo been, ceeb iyo ceeb la’aan, fanaan heesaaya, mid foratembo ah, ku fora tuuna ah, wadaad gamaanyoonaaya, maskiin tuugsanaaya, xawayaan baxsad ah, qof maskaxda ka xanuunsan oo gurbaan tumanaaya, mid bootimeysanaaya, caruur silicsan, waayeel darxumeysan, mariil sariir dusheed ku xaraarugaya, qof isbitaal yaal, baahal soo fakaday oo ummad dhan baacsanaaya, baabuur khalibmay, diyaarad xiinku ka sii xumaanayo oo sii dhaceysa, bad caariday, bacaad riiqday iyo belo soo butaacday, wax kasta oo cirka ka hooseeyaba waa lagu faafiyaa, badiyaana sharci xira ma leh, hadduu leeyahayna qowmiyadeena iyo kuwa kaleba ma ilaaliyaan, tanse ugu darani waa sawirada aan loo meel dayin oo lagu soo dhuro baraha bulshada, haba ugu badnaado facebook e.

Xitaa waxaa bulshadeena ku yar in eey kala gartaan baraha bulshada ee kala duwan sida facebook, twitter, linkedIn, amaba youtube sida ay ugu kala haboon yihiin xiriirka iyo mid kastaaba xiriir noocee ah ayaa loogu talagay.

Facebook isagu waa kan ugu aminga liita, oo qofka isagoon ogeyn si sahal ah looga been abuuran karo, magaciisa, sawiradiisa iyo xogtiisa shaqo oo isla socdana aayar khaanad kale lagu furan karo, twitter waa  adkeystay amaankiisa, qeybta dacweynta waa ka habeysan tahay kana waxtar badan tahay facebook, LinkedIn isaga waxaa loogu talagay dadka shaqeeya iyo in heyaduhu ka helaan shaqalaheey u baahan yihiin, ama sahqsiyaadka isku xirfada ahiba xiriirku u sahlanaado, si ay hadeey doonaan shaqooyinka isu dhaafsadaan, amaba xogta heyadahooda madaxa banaan u wadaagaan.

Heyadaha calamka qaar  badan ayaa halkeey qofka ka weydiin lahaayeen CV-giisa iminka ka codsada in uu lifaaqa (Linkiga) LinkedIn-kiisa soo raaciyo codsiga shaqada ee uu heyadda u qoranayo, taasi waxey sahleysaa in qofka , xirfadiisa, aqoontiisa iyo waaya’aragnimadiisaba ay saani u ogaadaan shaqo bixiyayaashu, waa qad u sameysan sidii CVgii, hadana saas oo ay tahay waxaad arkeysaa, qaar ku soo wadaagaya wixii facebook loogu taag waayey.

Intaasi ha iga ahaato dulmar guude, dhacdaba dhacdo ayeey ka sii daryneyd, mar kale bishii bartamihii Janaayo ee sanadkaan 2017-ka  ayaa hadana waxaa sidii daadkii u soo rogmaday arrin kale oo fool xun oo facebook la soo geliyey, gabar yar oo Goldogob lagu kufsaday, tacadii lagula kacayna la soo duubay iyadoo muuqaal ah, ma ahayn wax la daawan karo iyo wax loo  riyaaqi karaba, laakiin hadana caloolxumadii uu tacadiigaasi hagoognaa innagama reebin in aan ka waantoowno faafinteeda iyo in aanan dambilayaashii falkaas gabadha yar u geystay anaan u yeelin sideey rabeen oo ahayd in gaboodfalkaas ay kula kaceen gabadha yar la wada arko iyagoo fadeexeyn ula jeeda, meel kasta ayaa la mariyey, weliba waxaa la isku dhaafsaday baraha bulshada oo uu ugu horeeyo facebook, doodo kulkulul, bulsha weyntu badankeed waa ka xumaadeen kana caroodeen, hase yeeshee qaar baa qiil ceynteyn ah raadinayey, weliba isku dayayay in aay arrinta dhaqan soomaali aan la hubin oo liita kula raftaan, ama wax aaneey diinta islaamku ka khafiifin dambiyada noocaasi ah u baarbaaraayey.

Waxaas oo dhami waa dhaceen, waxaana wehliya tacadiyo badan, oo meydad go’go’ay, ummad isku dul baaba’day, qabuuro la faagay, bini’aadam gurma go’an, iyo meydkii oo qaawanba ay ku jiraan oo sawiradooda maalin kasta quraac, qado iyo casho nalooga dhigo.

Yaa Soo geliya yaasa faafiya oo ilaa heerkaas gaarsiiya?

Waxaa soo geliya qof kasta oo mobile phone kaamerad leh sita, qof kasta oo kaamerad caadi ah oo misna casri ah sita hadaba internet heli kara, bes, haddiiba intaas uu heysto, waa dalaq, wax kasta ayuu soo gelin karaa.

Waxaa u sii daran kuwa kulligood magacyadooda ka hor mariyey WARIYE oo aad moodo in aaneey waxba kala socon waxeey warinayaanba, sideey u warinayaan, waxeey ku dooranayaan, iskaba daa’ sharuuc, iyo anshax saxaafadeed oo la ilaaliyee.

Kuwaasi waxaan ka dambi yarayn, inta kale ee socota ee suul leh oo gacanta ay ugu jirto awooda internet-wax-ku-baa’bi’intu,  waxaana wax aad loola yaabo ah qof faafinaaya gabar qaawan, meyd bararay, mid dilaacay, qof nool oo dhaawac ah oo dhiiggu buqranaayo oo hadana SUBXAANALAAHU ku dul qoraaya kiiyoo iska dhigaaya in uu yahay qof diinta u dhuun daloola oo belaayo ka dhacday wadaadnimadiisa.

Belaba tan kale ka darane, waxaa iyadana jirta kuwa taleefoonada iyo kamaeradooda la wareega oo ka mid ah wariyayaasha aan weli loo waqlalin, oo dadka shacabka ah ee caadiga ah, madaxda xilalka haya, shaqsiyaadka bulshada ka dhex muuqda, nin iyo xaaskiis sheekeysanaaya sida qarsoodi ah uga soo duubba, muuqaallada, codadka iyo wax kasta oo ay heli karaan, xitaa qofkii oo qufacaaya, hindhisaaya, amaba hoosta ka aaryoonaya (Dhuusaya).

Ma jirto kuwaasi wax ay dhaafaan haddii maskiinkaas ama maskiintaas loo shaqada tagay laga heli kari waayo xogtii laga rabana u abuura, oo u raadiya qof u cod eg, oo qoraal warqad loogu qoray soo akhriya, isagoo ama iyadoo iska dhigeysa cidii dhibanaha ahayd ee la rabay in la halakeeyo.

Wax la xisaabo waa ka badan tahay, halka wax marayaan laakiin qaarbaaba suuqii fadexeynta lagu ciriiryey oo ka guuray oo suuqyo kale u guuray.

Tusaale, facebook wuxuu noqday Via Egito, oo ahayd wado dadku buuxaan oo ganacsato badani baqaaro ku lahaayeen, amaba Piccadilly Circus-kii London, waa   la is wada  jiirayaa, hase yeeshee website yada lagu xidhay facebook-ga oo naxliga iyo fadeexeynta been abuurka ku dhisan ee bulshada lagu qoro , hadda waxaa la siman youtube-yo oo tuugtii kaameradaha sidatay badankood furteen.

Iska daa qarnigaan 21-naad e waxaay internteka dhexdiisa la gurnayaan muqaalo dhacay qarnigii 20-naad, misna dadkoodii iyo sheekaddii ay ku socdeenba waqtigoodii dhamaaday, ka dibna waxey soo gelinayaan youtube, muqaal kale (Caption) been abuur ahna waa sarayaan cinwaan  been abuur ahna oo aan wax muqaalku yahay ka tarjumeynina waa ku dhajinayaan, halkaasna waxeey ku sugaayaan irsaaqadii la gashay GUJINTA DADWEYNAHA.

Halkii gujo waa 4 ama 5 dhururuq oo doolar (Cents dollar) laakiin iyaga imaankoodu waa cirkaasoo waa iska dhowrayaan, inteey doontaba ha ku qaadatee, waxaana sii caawinaya mujtamaca ishaafatada ah oo streesku wada hayo oo dal iyo dibadba ku nool oo wada war raadiska ah oo u gujinaya wax kasta oo ay soo gashadaan, marka dhankaas kalsooni beey ka qabaan, oo howshu waa u soconeysaa.

Fanaaniinta ayaa iyagana dhibanayaal kale ah, muda dheerna ahaa, kuwaasoo heesahooda, majaajiilooyinkooda la iska qaato, iyadoon weliba abaalna looga heyn, laguna lacag raadsado, iska daa wax kalee kii kamerada sitay oo ay lacag ku siiyeen in uu ka duubo bes ayaa dhaca oo iska qaata heesahooda iyo howlahoodaba, waxeyna fanaaniintu iminka yihiin LOOMA-OOYAANKA ugu daran ee ay ku xadgudbaan waxuushtan kaamerooyinka sita.

Fanka Soomaaliyeed isagoo markii horeba, dhibane u ahaa inta badan bulshada, oo la gedho xiray ageyna in fanku yahay dugsi wax laga barto, qaar kalena   la carabeeyey oo la jecleysiiyey looguna sheegay in haddii la dhageysto Carab nashiido qaadaaya aana jannada kabaha lagaaga siibeynin, halka nabi aamaanka uu fanaanka soomaaliyeed u luuqeeyana, looga dhigay naar soconeysa in uu ruubanaayo, ayaa hadana waxaa u dheer in aneey heysan heyado dhisan oo caawiya, curiyayaasha, tumashaaya muusigga , laxan sameeyayaasha, iyo habeeyayaashana eey ku kullansan yihiin, waxaa jirta in fanaan kasta heesta qur ah oo uu soo soo saaraa uu isaga qudhiisa ku bixiyo kharash farabadan, fannaanka ama fanaannadda heesta, iyada ayaa qofka erayda sameeyey wax u tuurta (In kastoo erayo ama miro sameeyayaashu badankood,  bilaash ku siiyaan fanaaniinta mirahooda) ayeey hadaba waxeey heesaagu lacag ku bixiyaan musig saaraha heesta, iyo hadana duubista codkii oo muusig saaran oo aan ka yareyn £200, ka dibna kii kaameradlaha ahaa oo isaguna £200 ilaa £300 ah, isu geeyoo £500 baa halkaas ku baxday, waxaa u dheer dharkii, uu ku labisanayey fanaanku markuu heesta qaadayo oo laga duubayo, hadeey gabar tahayna uba dheer make-up kii, kuulihii iyo kalxamihii ay isku aleeleyneysay, haddii la doono baabuurkii ama qarashkii batroolka, oo adeegga loo isticmaalayey, iyo intaasoo kale oo aan la soo wada qaban karin.

Hadaba fannaankii maskiinka ahaa haddaanuu ahayn fanaan mar hore caanbaxay oo tageeryaal badan yeeshay durba, markii heestiisu TVga soomaliyeed ay tagto, howl kale ayaa u talla oo ah in uu hadana laaluusho hadba farasamayaqaannada TVga si heestiisa loo saaro, waxaan ogaa iyadoo markiiba 30 pound ilaa 50 pound ku bixiya, qaasatan habeenada ay jiraan barnamaijyada isu wada eg ee iskuna wada magaca ah ee taleefishannada Soomaalida ka baxa ee HAMBALYADA IYO SALAAMAHA la yiraahdo.

U kaadi hadaba weli meey dhamaane, waxaa iyadana jirta kii Kaamerad lahaa  ee soo duubay in uu isagu youtubekiisa gashto, kuna lacag qaato heestii uu duubisteendiina horey ugu lacag qaatay, kan yare maskiinka ah ee fanaanka ahi intaas oo qarash ah oo kale ku bixiyey.

Hadaba waxuushta Kaameradaha sidata iyana ciiddaa ka badan, dhibaateyntooduna faraha ka baxday, tan laakin shacab weynuhu hor istaagi karaa waxey tahay, in aan la faafin, sawirada facshirka leh ee ay wax ma garatadu ama ha ahaadeene kuwa xirfad layaasha ah ee sheegta wariyayasha ee xumaha faafiya, ama kuwa askar maroodiga ah ee wax kastaba sawirka la dul istaaga deetana soo geliya baraha bulshada.

QOf kasta hadduu u fiirsado kana taxadaro waxa uu faafinayo inta aanuu faafinna is weydiiyo saddexdaan su’aalood:

  1. MUXUU YAHAY MUUQAALKANI, MA FAHAMSANNAHAY HORTA WUXUU YAHAY?
  2. MUXUU MUUQAALKANI U TARAYAA BULSHADA HADAAN SII FAAFIYO?
  3. AAKHIRO IYO ADDUUNBA MAXAA IIGU JIRA OO FAAIDO AH FAAFINTIISA?

Intaas ka diban uu qofku go’aan ka qaato in siduu yeelayo, ogoowna:

  1. KUMA QASBANID IYO AAD WAX KASTA OO AAD ARAGTO SII FAAFISO.
  2. WAXAAD LEEDAHAY AWOOD (TII ILAAH KA SOKOOW) AAD KU JOOJIN KARTID SHAACBIXIDDA XUMAHA.
  3. WANAAGA OO AAD KA SHAQEYSAA, WAA WANAAG AAD NAFTAADA U SOO HOYSAY.
  4. OGOOW GUJINTAADA (YOUR CLICKING) AYEEY MUQAALADAAS XUMAHA XAMBAARSANI SUGAYAAN, HADAADAN ADIGU GUJIN SUUQ YEELAN MAAYAAN XUMUHUNA MA GAARAYO HALKII LALA RABAY WUUNA SHIIQAYAA.

PLEASE, DO NOT SUPPORT THOSE (Monsters with Camera).

DHAMMAAD.

 

Advertisements

Categories: ARTICLES, NEWS

Tagged as:

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.