Khamiis, 25th May, 2017: (aminawehelie.me) Wariye Cabdimaalin Muuse Coldoon, oo hore loo xiray 15kii Febraayo, ee sanadkaan aanu ku jirno ee 2017-ka ayaa maanta laga sii dayey xabsi ku yaalla Hargeysa.
Cabdimaalik ayaa lagu sii daayey cafis uu u fidiyey madaxweynaha Soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo.
Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa ah wariye ku caan baxay, u samafalidda dadka tabaaleysan, waxaana sii deyntiisa soo dhoweeyey tageerayaashiisa faraha badan ee ku kala nool dunida dacalladeeda.
Aniguna waxaan si gaar ah u soo dhoweynayaa, tallaabadda lagu sii daayey wariye, samafale, Cabdimaalik Muuse Coldoon.
Amina Muuse Weheliye.
Birmingham, UK.
.
Categories: NEWS
Hambalyo ayaan leeyhy Coldoon…
Masha ALLAH waan ku faraxsana, hay