ARTICLES

Masrixii Xamar iyo Marisa Carbone

22643074_10212465974718265_1387737994_oFanka iyo masrixiyadda Soomaaliyeed waxuu soo maray marxalado badan oo is daba joog ah, marka laga reebo asaaskii fanaaniintii Waaberi Hargeysa iyo Waaberi Muqdisho iyo kooxihii kale ee faraha badnaa ee ka aasaasmay dalka, waxaa fanku soo jiray tan iyo halgankii gobannimo doonka, waxaana uu ka mid ah hubka lagula daggaallamay gumeysiga looguna dhiidhiyey iyo dalka iyo dadku horuumar helaan.

Fanka soomaaliyeed waa qeybo badnaa, mana jirin qeyb qur ah oo innaga maqnayd, hadeey ahaan lahayd heesaha lagu qaado codadka hallasiga ah, matalaadda riwaayadaha wax galka leh, tumista muusigga, allifaada iyo hindisidda halabuurku ku laran yahay iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka aanu u leenahayba.

run ahaantii qoraalkeygaan kooban,hadda uguma talagelin in aan ku dhiraandhiriyo, noocyadii, heerarkii iyo awooddii faneed ee aanu lahayn wixii ka horeeyey 1990-kii oo ah markii ay burburtay dowladdii kacaanka ayna bilowdeen dagaalladii ahliga ah ee lagu hoobtay, hase yeeshee waxay qormadaani biloow u tahay, qormooyin taxane ah oo aanu kolba shaqsi fanka magac ku leh ku soo qaadan doonno, kuna lafa guri doonno fankeena iyo sharaftiisa, kaalinta uu baraarujinta dadweynaha kaga jiro kagana jiri doono iyo guud ahaanka xarakaadka masraxiyadeena.

Haddan u soo noqdo gabadha jilaaga weyn ah ee aan maanta qalinka u qaatay ee Marisa Carbone waxey ku dhalatay, ku barbaartay, waxna ku baratay Soomaaliya gaar ahaan Jowhar, waxeyna qeyb libaax ka soo qaadatay fanka Soomaaliyeed, gaar ahaan fanka iyo masrixiyadii banaadiriga oo berri hormuud u ahaa fankeena.

Marisa Carbone  waxey dhalatay 1969-kii, waxeyna ku dhalatay magaalada Jowhar ee casimadda u ah gobolka beeraha iyo xoolahaba qaniga ku ah uuna maro wabigga Shabeele ee Shabeelaha Dhexe.

Marisa Carbone, ku soo biiridii fanka ka hor iyadoo ardayad ah ayeey ka tirsanayd kooxda kubadda koleyga ee jowhar waxeyna dhowr jeer u safatay ciyaaraha gobollada, degmadda Jowhar.

Marisa waxey soo if baxday oo ay noqotay xidig ka dhex nuurtA golohii murtida iyo madadaallada markii baahidii faneed ee dhanka masrixiyadda banaadirigu  badatay, welibana riwaayadihii banaadiriga ah booska ka maroorsadeen riwaayadihii kale ee caadiga ahaa, taasina ay keentay in ay yaraadaan gabdhihii xiligaas jilayaasha ahaa ee matalaayey riyaawadahaas, loona baahday gabdho cusub ee dardar wata, da’yar misna qurxiya masraxa iyo muunadiisaba.

Marisa oo 17 jir ah ayaa laga keenay Jowhar oo la keenay Xamar si ay u matasho riwaayadii ugu horeysay oo ahayd Fal Xaasid iyo Faqiir Wax helay, oo figradeeda lahaa allaha u naxariistee Muumin Yoow, erayadii Abaadir Baana, sidaas ayeeyna mar qur ah kaga soo dhalaashay masrixiyaddii banaadir iyo golihii murtida iyo madadaalada.

Wixii markaas ka dambeeyey waxey noqotay gabar riwaayadaha ugu badan dhigtay kuna soo noqnoqotay masraxa ilaa iyo markii dagaalkii sokeeye dhacayna ahayd hormuudkii gabdhaha jilayaasha ah ee banaadiriga.

Riwaayadaha faraha badan ee Marisa jishay waxaa ka mid ah, Fal xaasid iyo faqiir wax helay, Sheydaan Buloow, Imtixaanka Adduunka, Gacal god kaa galay, Naxdin iyo Nasiib, Damac Aduun, Deganaanta Maxaa kuu diiday, Wadnuhu wadar kama dhexeeyo, sharixii la tumaayey sheekaa ka dambeysay iyo riwaayado kale oo badan.

Marisa markii dagaalladi Sokeeye dalka ka dhaceen, waxeey u guurtay dalka Talyaaniga iyadoo la midowday aabaheed, dhowr sano ka dib waxey u soo guurtay dalka Ingriiska oo ay hadda ku nooshahay, waana hooyo heysata saddex caruur ah.

Marisa Carbone hadda waa guddoomiyaha shabakadda fanaaniinta ee Ismahurto oo fadhigeedu yahay dalkaan Ingriiska kana shaqeysa,  isku xirka iyo horuumarinta fanka Soomaliyeed.

Hoos ka daawo qaar ka mid ah jilliinkii iyo xarakaadkii jilaada weyn ee Marisa Carbone.

 

La soco qeyba kale iyo fannaaniin kale.

W/Q: Amina Muuse Weheliye

 

 

 

 

 

 

Advertisements

Categories: ARTICLES, HOME

Tagged as:

1 reply »

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.