HOME

Isniin, November 19th, 2018 (AminaWehelie)-Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka, kadib markii uu dhawaan tagay magaalada Kismaayo.

Cali Maxamed Geeddi, ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay xaliso tabashooyinka ay qabaan madaxda maamul goboleedyada, si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka.

Cali Maxamed Geeddi, ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Kismaayo kula kulmayay madaxda Jubbaland, isaga oo kala hadlayay sidii loo heshiisiin lahaa dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka.

“Madaxda dowladda Federaalka, iyagaa laga rabaa wixii dhib inay xaliyaan, dowlad goboleedyada waa muhiim waa madax shacab deegaan soo doortay, dastuur u gaar ay ku doortaan oo qoraya qodobo cad cad, dalka waxaa ugu sareeya dastuurka Federaalka oo ah sharciga dalka lagu maamulayo”

“Dowlad Goboleedyada Waajibaad cad ayuu dastuurka siinayaa dowladda Federaalkana Waajibaad ayaa saaran, Dowladda waxay lamid tahay Waalid, haddii caruur iyo waalid is qabtana, Waalidkaa xalka laga rabaa, waxaan rajeynayaa inay gartaan xalinta waxii khilaafaad oo dalka ka jiro”ayuu yiri Cali Maxamed Geeddi.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaliso khilaafka kala dhaxeeya maamulada dalka, si loo gaaro horumar wanaagsan oo isku meel u wada socdo.

Cali Maxamed Geeddi ayaa ahaa ra’iisulwasaare xilli xaalado adag dalku ku sugan yahay, hadana wuxuu isu diyaarinayaadar-dargelinta xisbi uu hogaaminayo, si uu uga qeybgalo doorashooyinka soo socda sanadka 2021-ka.

Sources: Calaseey Cadoow

https://aminawehelie.me

Advertisements

Categories: HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.