Isniin, November 19th, 2018 (AminaWehelie)-Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa diyaarad sidday, cagadhigatay garoonka diyaaraddaha ee magaalada xeebta ah ee Kismaayo, ahna xaruunta maamul-goboleedka Jubaland.
Mudane Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka uga hortagay, oo si weyn ugu soo dhoweeyey madaxda ugu sareysa ee maamulka Jubbaland, oo uu ugu horkacayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa socdaalka uu jubbaland ku tagay wuxuu qeyb ka yahay socdaal dheer oo uu ku kala bixin doono dhamaanba dalka guud ahaan, kaastoo muhiimadiisu tahay in uu ugu ololeeyo xisbi sal-balaaran oo uu hogaamiye u yahay oo dhowaan uu ku dhawaaqay.
Xisbiga midowga nabadda iyo dimoqraadiyadda ahaa ah mid eey ku mideysan yihiin dhowr xisbi oo iskaashi ku heshiiyey, isuna diyaarinaya doorashooyinka lagu wado in eey dalka ka dhacaan 2021-ka.
Sources: Calaseey Cadoow.
Birmingham
UK.