ARTICLES

Yaan uga dacwoonaa?

W/Q: Luula Khaliif.
Qoraalkeeygaan waa qubane, uma fiirinayo in aan u qoro si xarago ah, lakiin waxaan rabaa in aan ku xuso dhibkii dhacay iyo in aan si hoos u eegno haddaan nahay shacabka somaliyeed, anigoo isku dayaayo in aan hal qoraal aan dhibka jiraa ku ee qabiilka laga qaaday aan ku wada koobo qoraalkaan hadduu allah yirahddo. Waxaan dhaafi lanahay xiliggii coladahii waxay ka tageen ee inoo noqotay mid aan hadal hayno, Somali oo qabiil isku dishaa la yiri qabiil wax ku qeybsadda! Waa yaabe arintaan iyadda ahi waxay noqotay mid aan caadeysanay, dibna aanan uga fikirin dhibkiii dhacay iyo midka cusub ee imaan doono. Waa arin in muddo ah aan la taahaynay , waa arin inagoo dhan ina karkarineysa markaan maqalno waxa ka dhacaaya waddankii siiba koonfurta waxaan qabaa in ay qabiil ku bilaabatay, haddana afka qaban karin in dhibka aabahiis yahay qabiil, waayo haddii uusan qabiil ahayn maxaa Somali ay iskula meel dhigi waayday oo ay isaga xureeyn waayeen dhibatadda joogtadda noqotay, uguna middoobi waayeen caddawgga lagu soo dhex qariyey qabiilka ?. In muddo ah baan maqlaayey hadal tiro badan oo aan macno weyn sameyney, haddana sito murugo iyo ciil oo ku saabsan Somali iyo xaladeey ku sugan tahay, ma waxay u baahan tahay gargaar degdeg ah oo iyagga qudhoodda isku galaan, mise in dibadda gargaarku ka yimaaddo? Sababta aan saas u leeyahay waa maxay? waxaa marqaati ma doonta ah oo aan wadda ognahay in hadalkeenu dhaafi waayey qoladdaas isku qabiil baan nahayn ama qabiilkeeygga ma ahan, ama Somali ha hishiiso siddii aan qaraddo kala duwan ka ka kala nimid.. Goormaan xaqiiqda hoos isugu dhigeeynaa iyo halka u baahan dawadda xalaasha ahi, iyo heliddiisa marinkii hagaagsanaa ee loo mari lahaa? Waa Somali oo idil dhibka arinkaan isaga ahi waxaa uu haystaa, gebi geyigga dacal to dacal. Dhulkeena waa baylah, oo inooma xisaabsano sidda umadda adduunka dhulkoodda tako tako u xisaabsaddaan, soohdin afkaan ka nirahddaa lakiin xaqiiqddii soohdin meeshay ka bilaabatay iyo meeshay gaartay ma caddo oo wax inoo xiaabsan baan jirin. Inagoo og in dhib ina haysto oo siddii xumaddi inoo karkarinayso, ama qurbo joog ama gudahii waddanka joog oo ka walwaleyno dhibka jiraa, haddana afkaan ka dhowran qabiilka in uu yahay kan na loga faaiideystay, oo dhulkii xisaab tiray, dadkiina ay madkoodda uu noqdday ha ka hadlin. Qabiil soo dhaweyntiisa xanuunka ka dhashayna aan leenahay meel kaloow ka yimid. Siddeey Somali u kala fogaatay waa inoo muuqataa, haddana intay kooxdda waxbaratay, culumadda, siyaasiyiinta, haweenka isku yimaaddeen ma isla meel dhigin marnabo dambiyaddii aan iska galnay aan illah u noqono, iskana raali gelino, ma dhicin in xitaa la is raali geliyo laga hadlo. Waxaan tusaale u soo qaaddan qorshahii dib u heshiisiinta iyo meeshuu maray. Xaqiiqdda haddii aan isku sheegno Somali kama imaan in ay heshiiyaan, isla markaasna shir heshiisiin loo qabto, oo lagu qabanayo wadanka dibaddiisa. Shirkaas waxaa cilaamiyey dowladda walaalaheena ahi Djabouti 1999, shirkii qaramadda middoobay ee lagu qabtay NEW YORK city, Madaxweyne Ismail Omar Geelle baa ka sheegay in uu Somali shir heshiisiin u qaban doono, Ethiopia wasiirkeedda arimaha dibaddana Seyoum waa uu ku taageeray markiibo go’aankuu Madaxweyne Geelle. Seddex jeer baa dibadda waddabka Somali ku soo shirtay, sanadkii 2000 oo carte lagu shiray, 2004 oo Kenya iyo 2009 Djabouti. Heshiisyaddaas iyaga ah Somali kama imaan, lakiin waxaa cad in fadhiyadda heshiisiinta aan laga fikirin fadeexadda noga imaan karto. Niman deedkooddii xalufnaa, dadkoodda abaaro iyo colaaddo la wehel noqdday oo deedka deriska u fadhi xun inagaa sifahaas yeelanay, Runta Somali ay iska maahineeyso waa in aan taabanaa, cadeeynaa in ay heshiin karaan iyagoon lagu heshiisiin wadamadda deriska , hantiddii logu talagayna ee loo qoonteeyeyna halkaas ayna ku soo idlayn, jabka weyna wuxuu ahaa ma heshiin Somaliddii markeey ka soo yeertay fadhigii shirka logu qabtay, sababtana waa qabaaiiladdaan ka kala socono., Nasiib daro waa arinta naga yaabisay, waxaan isku raaci la’nahay oo afkii diidan yahay meesha dhib ka soo jireenka ahi noga yimid ee asalkiisa dhibka ka bilaawdday in ay tahay Qabiilka oo aan qaran burburay iyo qadiyad Somaliyeed laga danqan, sooc soocana nogu wacan iyo in aan isku maqan nahay. Ma garan la’nahay Somaliyeey intaan isku imaano meesha boogta ka qurmaysa oo qof kasto Somali ahi ku taalo maxaan u daaweyn la’nahay? QABIILka ma ahan ?. Dowladdii dhalataa mashruuc dib u heshiisiinta baa miiska u saaran oo Somali lagu heshiisiinayo, waa inta aysan office imaan oo sugaayo, taasoo ay qasab ku tahay in mashruucaas ay fuliyaan, waana talabadda ugu horeysa ee caaddadda inoo noqotay. Somali qabiil bay baratay, heshiis iyo qaran ma rabaan miyaa?,, shacabka Somaliyeedna kuwa Somalinimadda raba yaa ka hortaagan?. ILaa 2000 shirkii carte illaa maantadda shacab badan baa geliyey juhdi xoogan in nabad la helo oo taagan social media, radios, goobaha lagu shaah cabo, shaqooyinka, haddana in yar bay shaqo abuur u tahay mar walbo, lana shir tego Somali waa in la heshiisiiyaa sanad kastaa, arintaas baa diyaarsan. Dowladdii imaatana waxaa lagu arbushaa dib u heshiisiin somaliyeed iyo arimo yaroo aan shacab faaiido u lahayn, taasoo bedesha mowqifkii iyo qorshahii dowladda u waday waddanka iyo shacabkiisa, iyo wixii u baahnaa in muhiimad ugu horaysa la siiyo, side hooygga dadka aan haysan, caafimaadka, waxbarashadda, dadka abaaraysan, dhalinta ka qaxaysa wadanka siddii shaqo lagu abuuri lahaa. Ma ogtahay qarashyadda badan ee lagu bixinayo mashruuc dib u heshiisiinta, oo ah mashruuc had iyo jeer ka dhacaayo waddanka dibaddiisa oo ay ka qeyb galayeen shacan Somaliyeed oo foreigner passport haystay marka mowadiyiintii dhabta ahaa ay waddanka guddahiisa joogeen oo aan war u hayn waxaa heshiisiinta socotay markaas. “dib u heshiisiintii Somalidda” shirkaas noocaas ahi weligeed laguma guuleysanayo markii xubnahii qilaafka dhexmaray ay qeyb maqan tahay, waa uun iska magac heshiinta. Qabiilka maxaan isaga cabiyeyn la’nahay? Ma Waxaan laga hishiin baa qabiil qilaafyaddoodda hoosaad? , Walaalaha waa ay dagaalamaan haddana hooyooyinka caruurtoodda Hooyo kale uma heshiisiiso. Deriska ma qasab baa in la tego si nabad shacabka somaliyeed logu dhaliyo? Taas ma shaqeyn karto waayo waa waddo qaldan oo nabaddii loo marayo. Caddeynteedda taas waa shacabka Somaliyeed kama aysan go’in in ay iyagga iskood u heshiiyaan sanooyinkii la soo dhaafay iyo qurbo joog oo shirkii dibadda ka qeyb galaayeen. Waxaa ceeb labaad ila muuqatay markii ay shaqeyn weysay in Somali ku heshiiso dibadda, baa waxaan haddana u sii boodnay middii ahaayd dib u heshiisintii beelaha wadda dega, iyadoon ognahay Somali weyn wada heshiisiinteeddii in aan lagu guuleysan oo xaqiiqddii aan loo marin jidkii saxa ahaa iyo dadkii is gumaaday oon miis wadda fariisan, Murug weyn oo kalaa soo hoyatay, inta aqliga la saaxibka ahi ee u muuqddo in ay nabad ka keeni karaan Shacabka dhexddiisa baa laga ilaaliyey in ay ka soo dhawaaddaan nawaxiggaa shirarkaa ka socddeen In NABADDA LA DOONAA NALOGA DHAARTAY, kooxddii yareed baa weli socoto, oo diidan in ay dadkii walaalaha ahaa helaan dad beellaha wadda dega si wanaagsan u dhexdhexaadday, nabadna ugu baaqo, Inyar baa ka qeylisay oo dani ugu jirin heshiiska, IYADDOO la adeegsanayo arin aqli gal aan ahayn oo ah “beellaha qaar weli nabadda uma bisla,” ma fursad baa hartay ay beellahaas nabadda ku diiddaan? Waa dad dhiilo coladdeed gu; iyo jiilaal ku jira. Si macaashkii iyo mashruucyadda u hir galaan waa in beellahaas wadda dego midba midka kale laga ilaaliyaa, Shacabka walaalaha Somaliyeedna waa u hoog iyo dhiigbax joogta ah.. Mashruucii kowaad markuu shaqeyn waayey oo ahaa “ dib u heshiisiinta Somalidda” baan irdo cusub la furay , qarash cusub iyo dad yaroo fara ku tiris ahi dibaddaha loga yeeray oo lagu magacaabay Somali diasporo in ay ka qeyb galaan dib u heshiisiin beelaha wadda dego, bal inaga aan iska soo qaadnee qurbo joog haddaan nahay beelo waddo dego iyo qilaafkoodda hooseed sideen u xilinaa? Ma barafka ka dhaca caraggaan ka imaanay baan uga bilaawnaa heshiisiinta, iyo sidaas bay u lebistaan reerahaas? mise beelahii tariikhdoodda iyo degaanaddooddaan ka bilaawnaa,? cashar aadan dhigan bal adiguba imtixaan u gal. Shacabka Somaliyeedoow idinkoo wada walaala ah, hal af wadaago, diintii iddiin dhexeyso, wiil iyo abtigii ah, aan is weydiinee Somali wada heshiinsiinteedda maxaa geedka dushiisa saaray? Ruux kastoo Somali ahi waa garanaayaa in Waxaas oo dhanoo Kala taagnaashaha Somaliyeed ah, ee lagu magacaabay Mashruuca qabiilka, in ay maaweeladda kala fogaaddo ahayd. Mihiimadda weyn iyo danta guud, Shacabka Somaliyeed maxaay u garan layihiin in aan mashruuca qabiilka ee ku socdo iska xanibno? Somali hiddo iyo dhaqan waxay u lahayd, deris dhaweeyn, jecel dhexdoodda ahi, ee Maxay u garan layihiin in geedahoodda hoostoodda siddii u caddo iyo dhaqan ahayd in ay ku wadda xaajooddaan. Way oo way! Somaliyeey Waxaan oo qandarasyo ahi sidda ciddamadda waddanka dhex joogo oo nabadda bay sugayaan la leeyahay, intaad isku sii jeeddaan, waxay quudin lahayd dad u baahan oo ku qadayo ciidda Hooyo; ceelal biyood oo wadanka gees ka gees laga qoddo, caruurtoo schoolyo logu dhiso, isbitaalo casriyeysan, waddooyin, intaan sheegay iyo ka badan bay qabatay. Nasiib xumo qaranimaddii waxaa ka weynaadday sidda cad Qabiilka taas oo aanan ahayn midda qorsheynteedda ka timid dadkii wada dhashee Somali ku abtirsanayey, ee ay dadka fahmi layihiin in wax kastaa naloo qoray, afkana nalogu riday IYADDOO la adeegsanayo qar yar ee dhaqaale lagu Indho sarcaadshey si ay bulshadda ugu gudbiyaan muhiimadda ay leedahay Qabiil iyo beelo wada dego qilaafyaddoodda. Iyagaas baa bulshada ka dhadhacsiinayaan in ay tahay midda kaliya ee Somaliya lagu dejin karo. Bal Adigaba isweydiiye Maxaa laga dhaxlay arintaas? Qabiilka sow ma aha midka wax qaribay oo Somali isku dishay? saw Qabiil ma aha waxaa deriskii xalaasha ahaa ee wada nolaashaha ka dhaxeysay yiri dab ha kala qaaddanaha, dabadeetana labo meel isku sheegta bal Adigaba ii sheeg?, Maxaa sababay in mar kale qabiil miis lala soo fariisto iyadoon ognahay inuu yahay qalad hore u dhacay oo aan soo wadda aragnay?. Meel yar baan rabaa in aan wax idinka tuso Qabiilka haddaad tihiin shacabka Somaliyeedd, haddii aan beel beel u guddo galno si taxadir ah u kala qadqaadno sidda beelaha Somaliyeed wax u qeybsadeen iyo sidda Qabiilka isku dhawaceen. Qabiilkii qoladdii matali lahay ee parlamaanka u fariisan lahayd waxaa laga maray dhibaato aad u weyn, laaluush lacago dambiilo lagu qaaday la weydiistay musharaxiintii, bal adigaan kuu dhiibaye qaranka ma maskax dad watuu rabaa mise dad dambiilo lacag ah wato? dad baa ku kala dhintay oo xaqa iyo aqoonta taageersan, kuwii waxbartayna hirkii laaluushka baa qaaday oo waxay garan waayeen in ay maskaxddoodda ku gorgortamaan taas oo gaarsiin karta darajo wacan, shacabkana ugu faaiideyn lahaayeen, ma dhicin taas, kii wax haystay iyo kii marnaa, waxay ku biireen dambiilaha la siddee lacagta ku jirtay. U soo laabo dhanka dumarka, iyaga waxaa lagu xiray 30%, halkaas ii joogga, tii Dumarka ad adag ahayd ee hari waaysay, iyaddoo xasarad weyn u martay waxay xaq u lahayd in ay si beniadanimo ku jirto ulla qeybsadaan xukunka la dhisaayo qofkaas dumarka ah, qabiilkii baa weliba leh “nasiib baad leedahiin 30% baad hesheen dumaroow”, Waxaa ka sii daran dumarka wax helay, jiffooyinka qaar hoos ahaan dumar badan baa isku xilqaamay in ay siyassadda wax ka bedelaan, albaabka la isugu dhuftay dumarkaas si aysan wax isbedel ahi siyaasadda jirtaa markaas aysan u qasin. . Dumar kalaa jiray oo si hoosaadeed loo takooray oo aqoon lagu tuhmaayey, iyagana midkoodna Laguma soo darin qorshaha iyo in ay aagga ka soo dhawaaddaan, U kaalay 4.5 baa la yiri wax ha lagu qeybsaddo, waxaana cad in aysan Somali dooran waayo markii 4.5 la hadal haayey markaa wax dowlad ahi Somaliya kama dhisneeyn. Markaan ogolaanayna 4.5, haddana nidaamkii baa naga maqnaa iyo cadaalad ku qeybsiggii, markaad shacabka weydiiso yaa ku qanacsan 4.5 wax ku qeybsigiisa, dad badan baa soo baxaayo oo logu dulmay ama qeybtii la siiyey ku qancin. Waxaan oo qalalaaso siyaasaddeed ahi baa lagala kulmay 4.5, Su’aalIo badani waa ka soo baxeen oo aan jawaan loo haynin, qaar , su’aallahaas waxaan filaa in shaqsi kastaa oo Somali ahi ay ku taagan tahay, haddana siddii aan u fasiri lahayn arinta iyaddaahi Waxaan inoo ogolaaneyn qabiilka, ka dhiibidda jawaabta saxa ahi ee ku aadan qabiilka ay aad nagu adag tahay markasto, siyaabo badan awgood oo ugu horeyso qoloyinka 100% qeybta u helay. 4.5 waxay baro bixisay xiriir aad u mihiim ahaa, xiriirkii labo xubnood oo aad ugu weyn bulshadda Somaliyeed in aysan is haysan; dowladda iyo shacabka. Wax wadda haddal toos ahi u dhexeeyo dowladda iyo Shacabka ahi ma jirto, waayo 4.5 waxay awood buuxddo siisay Oday dhaqameed, Oday dhaqameed waan aminsanahay in uu ka arimiyo qoysaska is haysto, waxii la iska dhacay ay xaliyaan, hase ahaatee siyassadda dhankeedda in lagu culaysiyo waxay dib u dhigeeysaa shaqaddiisii bulshadda uu u qaban jiray. Shacabkana waxay u baahan yihiin in dowladda iyo dadka aqoonta leh, culumadda ay ka helaan mucaaluumaad ku saabsan in qabiilka yahay midka keenay in aan la degin iyo in cadaw guddaha iyo uu jiroo laga tabaabusheesto. Aan u soo noqddo oday dhaqameedyaddii qabiiladda ka kala socdday, Oday dhaqameedkii haddii aan ka fursan weynay oo danta na bidday, waxaa afka u galeen koox dalaal ah oo aan rabin in wax dhismaan, halkaasna marin habaabin weyn baa ay sababtay iyo in la kala tirsaddo eeddo cusuboo hor leh sidda qabiil hebel baa naga kuraas badan. Odayaddii dhaqanka, Ugaasyaddii, Malaqyaddii, iyo Garaadyaddii waxaa lagu xujeeyey in ay ka arimiyaan dad aan u soo jeedin in ay heshiiyaan, dal dhistaan, kana fikiraan meelaha cadawgga uu kaga faaiideysanayo, Odayayaashaas sharaftooddii weli way ay jirtaa, haddii la is garabsaddo Somaliyeey waxaa hubaal ah in ay talooyin wanaagsan laga dhaxlayo odayaasheena xurmadda leh. Haddabo Si ay nogu wadda sahlanaato in aan ogaano xaladda aan ku sugan nahay haddii aan nahay shacabka Somaliyeed ma raadinay xal? Maya, mana rabno in aan wax bedelno waayo wax bedelidda waa ay nagu adag tahay oo waxaa nagu qufulan qabiilkii iyo reer hebel . Rajadda waxaan dul dhigayaa si aan uga gudubno qabiilka iyo inta cudurka Qabiilka helay aan loo fadhiyi doonin oo wadanka horumar gaari doono waayo dhalinyaradda wadanka ku dhibaateysan maanta ee wax ka baratay , qaraxyadda ku dul socddo, Qabiilka jabkuu mudday waa inay ka dhiidhiyaan siddii SYL dhalinyaraddii is kaashatee xuriyadda soo dhicisay, in ayna ku haleey waddankoodda iyo ayahoodda dadka passport ajnabi haysto ee dhaqankooddu yahay goranyaddii tiri “ ciyaarta hadday xumaatana awalbo lug baa igu jirtay”, Dhallinta waddanka ku sugani, kooxdda kalee ay iskaashan doonaan waa ubadkeennii qurbaha lagu dhalay oo ka nasiifka ah cudurka Qabiilka, kooxddaas baa mustaqbalka iyagaana wax beddeli doono. Qoraalkaan sawir baan ku soo lifaaqay, isbedelka ugu weyn ee la rajeeynaayo waxaan qabaa waa dowladda, aqoonyahhadda iyo culumadda oo is kaashaddo , iyagoo wacyi gelin aan laga daalin shacabka loo tabiyaa, waa in dhalinyaraddaas daashay ee aan haysan wax hor koco loo abuuraa shqooyin, schools dadka waaweyn ee logu wacyi gelinayo siddeey nolosha ula qabsan lahaayeen ileen qaarkood nabadba iyo nabadda maba soo arkin. Waxaa kaloo waddanka u baahan yahay PSYCHOLOGISTS oo office meel kasy magaaladda laga furaa si dadka loo dhegeysto waxay tabanayaan oo ka dhex guuxayo, dawaddiina loo helo. @qbiilka waa midka u weyn ee doctor logu baahan yahay, in dhallinta laga naddiifiyo qabiilka sidda xun loo isticmaalayo. Qabiilka xumahiisa siddan kuug tuso qoraalkeeyggaan bal hal daqiiqad sii Amin art sawirkiisaan aan hoos ku xusay, oo si gooni ah nafteydda u taabtay, xusuustana dib ugu celiyey meeshaan ka soo ambaqaadnay oo ahayn Democratic ee Qabiilka Inagu soo duulay, iyo meeshaa oorta nogu furay oo ah Federalism. Adbo ka fikir meesheey iska kala rogtay bahasha. Bal dib u jalecso rays iyo dooggii awoowayaasheen inoo gogleen ee abid aan ku caano maali jirnay iyo meeshaaan joogno maanta habaskeedda, bal ha is qabtene ila eeg. Waxaa hubaal ah in sawirkaan aad ka dhamaysan karto fariinta uu xambarsan yahay, iyo xaladda aan ku suganahay maanta. Sawirka Wuxuu kuu fududeyn in aad dib igu labatid aragtidaadda kuu goonidda ahi, isla markaasna aan ogolaano Qabiilkii in aan ka wada hadalno sidduu sameynta nogu yeeshay, iyo in aan ka gaban run ka sheegistiisa. Inagoo hoos ugu sii degayno gunta hoose ee qabiilka, siduu QABIILKA isku macneeyey isaga qudhiisa, shacabka Somaliyeedna maskaxdda uga xadday , wuxuu qabiilka sheegtay in uu na matalo! Waa yahaye qabiilkaagga guud ahaan, middka jiffaddaadda gooni ahaaneed ma si gooni ahi baa Shaqsi ahaan uu kugu matalaa isagoo Qabiilkii magacaabayo oo leh heblaayo ama hebel? Jawaabteydda Waa uun qabiilkii oo Indho sarcaad nagu riday goor hore, oo aan laga wada hadli Karin,” dhigayna sharuuddo adag oo lama taabtaan ah. Wuxuu na baray Qabiilka islaweyne guddaha ka eber ah, dareenka islaweynidda inagu jirto qofkeena ma macneyn karo waa uun haddii aan ahay reer hebel, intaas ma soo dhaafsano. Wuxuu na baray qabiilka in aad dadka ka qiima badan nahay , reer hebel ka gooni baan nahay; xaggeen ku illaawnay wada dhalashaddii somalinimo? Qabiilka waa yaqaanaa in uu wax weyn inaga lumiyo , hase ahaatee helisteedda loguma fadhiyo. Somaliyeey bal ila eeg tixdda gabaya ee ku saabsa beenguurka qabiil; tixddaan gabaygga ah oo abwaan Somaliyeed hore u tiriyey, markaan aqriso Qabiilka inoo sifey anigoo mahadsan?. Tixdda waxay leedahay oo ay ka tarjumeysaa dad markaay wax kaa dhumaan iska dhigayo in ay kula dhimanayaan oo kula googoobaya baadiddaaddii, hadana aan rabin in aad hesho baadiddaaddii abidkaa. Taas oo ah Qabiilka in uusan kula rabin inaan helno nabadaan goobeeynay 27 sanee na soo dhaafay, tixddii waa tanaa!
“BAADIDDAADDA NIN BAA KULA DAYDAYA DAALNA KAA BADANE, HADDANA AANAN DOONAYN INAAD HESHAA DAAIN ABIDKAAYE” 
Tixddaan gabayggaa waxaan u soo qaatay in aan ku sifeeyno Qabiilka gebi ahaan bulshadda Somaliyeed ku dhaqanto ee na matalo shaqsi kastee naga mid ah , iyo qabiilka sideey u soo dhaweeyo isku imaanshaha Shacabka Somaliyeed, midnimaddoodda, iyo qaranimo joogta ah.. Qabiilkii baa ilaa hadda noo madax ah, shacabkuu la hadlaya, siyaasiyiintii si gaar ahaane buu la shoowraya. Midda ugu daran ee Qabiilku qalalaasaha weyn ka waddo waa siyasadda iyo siyaasiyiinta wadanka. siyaasiyiinta runtii waa dad isku heeb ah oo u dhashay Somali, haddana u muuqdda sidda dhexddoodda ay isku hagar daamaynayaan dad aan ehelba ahayn, maxaa taas keenay ? waxaa keenay waa in siyaasi kastaa uu ka dhashay Qabiil, siiba jiffo, oo ay gogosha xisaab taalo iyo yaan nalaga badsan. qabiilkii waa laga sii degay, waxaa loo tegay jiffo hooso, taana waa meesha la isku sii kala reebayo oo la gaarayo jilib iyo ilmo adeero in wax lagu kala qaaddo. Haddabo dadkaa iyagga markeey wadda joogaan u muuqdda Somali qura, haddana qabiil qura, hoos ugu soo deg jiffo hooseed, haddana muuqaalka kore u muuqdda dad wax meel u wadda wadda, adigaan kuu dhiibaye ma hal qaran baa loo wada shaqeynaya iyo midnimo sonaliyeed, mise mid gaar ahaaneed iyo qondaddii Qabiil u soo dhicintiisii? kulama aha Waxaa aad u shaqeeyey in ay tahay mashruucii QABIILKA? Waxayna dhalisay taas in hoggii loo qoddaayey aqoonyahanadda, siyaasiyiinta Somaliyeed ku hoobteen, shacabkuna aysan u arkin in cilladda tahay Qabiil. Waa nasiib daro iyo ciil ku habsatay wadankeeyggii qurxoonaa, dadkeeyggii isjeclaa! Waxaan eedda saarayaa qabiilka waayo kala qeybintii qabiilka keenay baa sameysay shacabkeenii ee koobka shaha qeybsan jiray, waxaa dhacayo hadda in malayiin sanuud ahi ay ku dagaalamayaa buu gaarsiiyey qabiilka, shacabkeenii ku weynaayd qaranimadda in aay difaacaan ruuxii qabiilka u sheego in uu yahay xigto baa ku weynaatay, lakiin qarankii oo dhiig baxayo aan loo danqan ileen qabiilkeeyggii ma ahane!. Waxaa intaas maqalna dadweynoow waxaan qaadanay federalism, 4.5na wax baan ku qeybsanaa, ma la yaabtaa dadka qaar in aysan ogeyn in Qabiilkii shaar cusub xirtay oo la magac baxay Federalism iyo 4.5 wax ku qeybsi, isla markaa si loo xoojiyo waxaa aabbo loga dhigay koox yar oo aan ciddina u daneynayn, iyo waddanba, waana meesha xisaabta ka socoto; Waxaasa ka sii horeeyo oo kooxdda yari u hayo hogaanka oo yiri qabiil wax ku qeybsadda waa wadda naqaanaa oo qeybsanaanta shacabka Somaliyeed kala gelisay waa nafteena, qolalka yar yaree mugdigga ahi ee wada xaajaysigga Qabiilka ee aan meel lagu gaareyn , shirarka hooseedka ka socddo bulshadda dhexdeedda waa nafteena oo ogolaatay in gumeysigga casriyeeysan oo qabiilka nagu ooddo. Shacabka Somaliyeed haddii burbur dhulleed, dhaqaale iyo maskaxi ku dhacay, dad badan noga naf waayeen, hantiddii ku dhuntay, magaceenii adduunka lagu dul socdday, intaay ka kabsan lahaaynay waxaa dhashay qaab kaloo cusuboo ay isku baabiyaan, iyagoo loo kala qaaday gobolo iyo qaabkaloo cusub oo aanan la fahmi karin sideey isku raaciyeen goboladdii jiray. Ee asalka goboladda ahaa, maamul goboleedyo awood la siiyey haddana awooddooddii aan u mideynin siddeey u dhisi lahaayeen gobolkii loo magacaabay iyo shacabkii ku noolaa iyo qarankii noo ahaa kaan hiigsaneeynay, dastuurka ku jira meesha hase ahaatee kama hadlaayo maanta. waxaa kala dhintay shacabkii qarniyo soo wadda deganaa oo walaalaha ahaa, waxay kala noqddeen dad qabiilo kala duwan ka soo jeeddo oo hal gobol wadda degan haddana, in ay talo iyo wax wadda qabsi ku middoobaan waxaa u diiday qabiilkii, taasna waxa keenay in goboladda qaar ay aad uga dib dhacsan yihiin horumarka waddanka intiisa kale, dhaqallahii oo aan jirin, dadkii kii qabiilkiisa xukunka hayo iyo kii kale waxaa dhex yaalo loolan aanan ogeyn siddii uu ku dhashay, kama arinsaddaan ayaha gobolka iyo dhibaatadda taalo, hase ahaatee qabiilkii baa leh isku duula, taasna waxay dabartay horumarkii gobolka iyo farxad ku wadda noolashahii shacabkii wadda deganaa. Maxaad u maleyn taas, siddeena loga bixi karaa? Taas waa Qabiilkii baa hortaagan oo iyaggii si hoosaad u sii kala dilaayo, kartiddii iyo ismuujintii dadnimo ka xayuubiyey , halkaas waxaa ka dhashay in awooddii dhan kasto ay ka dhacsan tahay. Waxaa dhexdda ka baxdday in fikirkooddii wanaagsanaa iyo awooddooddii wax soo saar ee Shacabka goboladdaas lagu yaqiinay aysan muuqan, xoogooddii iyo wada jirkooddi uu wiiqay. Goboladdaas horu mar la gaaro iska daaye ciladdahii ka dhashay arimahaas baa weli la fahmi la’yahay oo shacanka Qabillka baa hogaaminaya, kana ilaalinaya in Shacabk gartaan ciladda jirta iyo in ay isku dayaan in la wadda hadlo. Adigoo hoyen waayey ma laguu soo hoyday! Waa tan keentay in dadka qaarkiisa runtii aysan fahmin federalism iyo 4.5 wax laagu qeybsaddo ilaa iyo hadda oo aan ahayn in ay kala sooca jiray xoogeystay, dadka weli dhiilo dagaal qaar ku jiraan, qaarna ay ku haminayaan, dhan kastaa, dantana ay tegtay shacabkaa dulman in ay marqaatiyo uun ka noqddaan sidda qabiilkii uu u labo canleeynayo, nasiib daro iyagga iyo ubadkooddiina ay ku daalan yihiin dibaddaha iyo gudaha wadanka. Shacabkii waxaa ku dhacay cillad aysan kala saari karin qabiilka iyo gumeysiggiisa in ay wadda jiraan. Waxaa kala dhex galay shacabkii walaalaha ahaa ay tahayn labaddaan wada socdda QABIILKA IYO GUMEYSIGGA, amin daro joogto oo sababtay in aysan isku danqan.. Waxaa Qabiilka, federalism iyo 4.5 laga dhaxlay dad aqoon iyo waayo arag leh ay ka fariistaan siyassadda hirkeedda. In dadkii waayo arag iyo talo wanaagsan lagu tuhmayey ee xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdahii wadanka soo marey waxaa la yiri ka fariiso siyassadda, Dhalinyaraddii waxbarashadda dagalladdii oo socddo buugga xabadda ku dhex sitay ee diidday in waxbarashadda wadanka ka dhimato waa qabiilka midka doonyaha in xaqoodda helaa oo badda ku guray, way ooy way. Waddanka waxaa qabsaday dib u dhac weyn oo kaga dhacay dhan kasto. Shacabka waa ay ogyahiin in dib u dhac jiro oo ay u ooman yihiin nabad, horu mar iyo barwaaqo, haddana qabiil baa horkacay iyagoo og in uu ka baahan yahay Wuxuu ruuxa adanaha xaq u lahaa sida nabada , mana awooddaan in ay Qabiilka iska dulqaaddaan. Gumeysigga qabiilku ku hayo shacabka aad buu u quwad weynyahay, waana qasab in ay qaataan intaas oo dhibaato ah waayo awooddii qabiil baa meesha fadhisoo oo u masabaxeeynin in qabiilkii qaladkiisii iyo siyasiggii siyassad xumaa ka hadalaan shacabka. Ileen waa in adeerkeene. Haddabo waddankii waa Kaas dadkiisii dhibaataysan, hase ahaatee qabiilkii baa inoo macalin ah oo dhego kale ma jiraan, Shacabkii awooddii uu xumaha ku socddo ku garan lahaa baan jirin. Isku soo duub arimahaano dhani weli ma ka fikirnay in ruux kastaa naftiisa masuul uu ka yahay iyaddoon qabiil na wadin? ciladdaan qabiilku ku talaalay maskaxdeena ,Midkeena ma is weydiinay sideen kaga xuroownaa? Dad ma noola oo Maantay ugu daran tahay oo oohinteenaa socoto ee yaan uga dacwoonaa Qabiilka, Federalism iyo 4.5 wax ku qaybsigiisa intaan la gaarin 2020? Aqristoow adigaan kuu dhiibay su’aashaas.

 
HADABA YAAN UGA DACWOONAA QABIILKA AAN ISKU LAAYNAY, INAAGOO DHIIGEYNANA SABAB U NOQDDAY IN AAN QADDANO FEDERALISM IYO 4.5 WAX KU QEYBSIGGIISA,  SOMALIYEED MAANTA XAADIRK AHINA WELI LA DHIIGAYAAN ?

Xuquuqda qormadaani waxeey u dhowran tahay, Luula Khaliif.

https://aminawehelie.me

Advertisements

Categories: ARTICLES, HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.