ARTICLES

Gabadh xaakin ka noqotay maxkamadda Shareecada ee Falastiin

Arbaco, November, 28th 2018 (AminaWehelie)-Iyadoo uu garabta u saaran yahay si hanweyniyi ku dheehan tahay, calanka Falastiin oo qeyb ka ah dharkeeda shaqada, ayeey Xaakinnad Kholoud Al-Fiqih waxay  isbadel ku sameysay taariikhda.

Ahaanshaha haweeneydii ugu horeysay ee garsoore ka noqota maxkamadda shareecada ee Falastiin, ayaa waxaa halkaan lagu eegayaa hardanka, farxadda, xanuunka iyo abaalmarinta ay keentay safarkeeda dheer ee ay u soo gashay in aan gaarto halka ah gaartay, oo ah meel ay raggu badiyaa ku badan yihiin xilka keeda oo kale ah ee maxakamadaha ku yaalla Daanta Galbeed.

Garsoorto Kholoud Al-Fiqih, xaakinnad maxkamadda Shareecada Islaamka ee Falastiin, Daanta Galbeed.
Garsoorto Kholoud Al-Fiqih

Falastiin, haweenku waxey garsoorayaal ka soo ahaayeen maxkamadaha cilmaaniga ee qaada dacwadaha dambiyada tan iyo sanadaddii 1970’naad-kii, si kastoo marka loo eego dalalka kale, ay tani u egtahay horuumar la gaaray, hadana garsoorto Kholoud waxey u aragtaa arrin aan sahlaneyn.

Ka dib markeey aad u daraasadeysay shareecada Islaamka , ayeey ogaatay wax badan , waxeyna go’aan ku qaadatay in ay xaakin maxkamadda shareecada ah codsato, maadaama ay  madhabta Xanafiyadu ogoshahay in haweenku garsoorayaal ka noqon karaan maxkamadaha shareecada Islaamka.

Intaa ka dibna waxey codsigeeda shaqo u gudbisay Madaxa caddaaladda Falstiin, Sheikh Tayseer Al-Tamimi, oo u ogolaaday in ay imtixaan u fariisato,  hadeey ku gudtana noqoto, gabadhii ugu horeysay ee garsoore ka noqota, maxkamdda shareecada Islaamka ee Falastiin.

Garsoorto Kholoud waxey garsoortaa dacwado badan sida, shaqaaqooyinka qoyska, dhaxalka, dayacaadda balse waxa ugu yaabka badan ayaa noqotay, in garsoorto Kholoud tahay garsoorihii ugu wanaagsanaa ee maxkamadda ka dib markeey kala leexisay, dareenkeeda niyadeed ee ay dacwaduhu ku reebi karaan iyo shaqadeeda xaakinnimo.

Mar la wareystay ragga sideeda xaakinnada ka ah maxkamadda waxeey muujiyeen badankood, in ay ay adkaan doonto sideey u kala bayri lahayd, dareenkeeda gaarka ah iyo kan dacwadaha ay qaadeyso maadaama ah haweeneey tahay.

Hadaba muuqalkaan  oo ay agaasintay soona saartay, Erika Cohn, waxey si wacan ugu muujisay, sida ay u adag tahay in gabari ka shaqeyso meel rag looga bartay, weliba dunida muslimka ah.

Source: The Muslim Vibe.

Tarjumaadda: Amina Wehelie

Advertisements

Categories: ARTICLES, HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.