Arbaco, November, 28th 2018 (AminaWehelie)-Shariikadda tagaasida ee Uber, ayaa lagu ganaaxay lacag fara badan ka dib markeey u ogolaatay qolayaha dadka ku il-duufa Internetka (Hackers) in ay u soo xadaan xogta ku dhowaad 2.7 milyan oo qof oo ah macaamiisheeda ku noola dhulweynaha United Kingdom.

Ganaaxan ayaa la xiriira, mar shirkadu sharciga ka taloowday sanadkii 2016-kii ka dib markeey ku siisay lacag gaareysa 78,000 oo giniga Isterliinka ah (Pounds) burcadda Internetka, si ay u baabi’iyaan xogta macaamiisheeda oo ay xadeen si ay u baabi’yaan, halkeey ahayd in aay waaxyaha sharciga ku wargeliso.
Xafiiska Guddigga Ilaalinta Xogta dadweynaha ee Biritan ayaa sheegay in qaladka ay gashay shirkadda Uber ahayn oo kali ah, in eey ku kacday xog- gudbin qaldan balse ay u dheer tahay,in ay si ku sharciga Khilaafsan isu moogeysiisay, malaayiinta macaamiisheeda ah iyo xitaa darawallada iyada u shaqeeya, oo xogahooda gaarka ah la gacan-bidixiiyey.
Sidan oo kale ayaa shirkada Uber horey loo ganaaxay dalka Holland 532,000 ooPounds markeey sharciga hareer martay, halka dalka Mareykankana isla falkaan oo kale lagu ganaaxay 116,000 oo Pounds.
Sources: LinkedIn Daily Rundown.