HOME

Banaanbaxyo looga soo horjeedo qalaalasaha dowladda Soomaaliya ka wado KGS oo ka dhacay Afgooye

Axad, 2nd December, Afgooye (Amina Wehelie)-Banaanbax ay isugu soo baxeen qaar ka mid ah dadweynaha degan degmada Afgooye, oo 30 Km u jirta Muqdisho ayaa ka dhacay degmadaasi.

Banaanbaxa ayaa wararku sheegayaan in ay dhigeen dadweyne ka careysan, qalalaashaha iyo faragelinta ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku heyso maamul goboleedka Koofur Galbeed  Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ayaa carqaladeyn xooggan ula soo istaagtay, maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, adduun xoog lehna ku bixisay, halka ay u dirtay ciidamo gaar ah deegaankaas, oo markii labaad ay dib u dhacday doorashooyinkii madaxtinimada.

Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa u dirasaday murashax ay iyagu taabacsan yihiin isla markaasna ku bixiyey lacag iyo hub halka ay si bareer ahna, u carqaladeynayaan doorashooyinka maamulkaasi.

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay faragelin noocaan oo kale ah, dowladdu kula kacdo maamullada federaalka ah ee dalka, halka ay durba isku taagtay si bareer ah, Maamullada federaalka ah ee Galmudug iyo Hirshabeele, halka ay u jirriqsaneyso, maamulka ugu faca weyn maamullada federaalka ah isla markaasna ah hooyada federaalka Soomaaliyeed ee Punland sidaas si la mid ahna ulo-booc ah ugu tukubeeysa maamul goboleedka Jubaland.

Ujeedka ka dambeeya, dhamaanba faragelinadaan isdaba joogga ah ayaa ah, in ay labada nin ee isu seediga ahi doonayaan waa madaxweynaha iyo Raiisuwlasaaraha’e  ay ku tallaashaan, dhamaanba maamullada federaalka ah ee Soomaaliya, iniinyo ay u taliyaan si ay marka dambe awood ugu yeeshaan in ay dastuurka dalka oo markiisii horeba qabyo ah, u badeli karaan kol hadeey gacanta ku dhigaan, dhammaanba maamullada Federaalka ah, sidaasina ay ugu suurtagasho in ay baajiyaan, qabashada  doorashooyinka qof iyo codka ah, ee dalka loo diyaarinayo 2021-ka, taasina ay suurtagelineyso in eey xukunka ku soo noqdaan, iyaga oo doorasho kale  marin.

Sharciga dowladdu ku dhisan tahay iyodastuurka qabyo-qoranka ah ayaan saamaxeynin, in ay ka takhalusto dhamaanba maamulada federaalka ah, waayoo waxa mugdi gelaya jiritaankeeda (Waa Dowlada e) madaama ah tahay dowlad federaal ah, hase yeeshee waxeey quudareyneysaa, in aay geysato maamul kasta oo federaal ah oo iyada tiir u ah jiritaankeeda, rag ay iyadu farta u jawiso.

https://aminawehelie.me

Advertisements

Categories: HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.