HOME

Amisom oo beenisay in ey xirtay Mukhtaar Rooboow

Sabti, 15th December, (AminaWehelie)- Amisom ayaa beenisay in ay ciidammo magacooda ku shaqeynaya xireen, mid ka mid ah u-tartamaayaasha madaxtinnimada dolwad-goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya,  Mukhtaar Rooboow (Abuu-Mansuur).

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna, madaxa howlgallada Amisom ee Soomaaliya, Francisco Caetano Jose Maderia, oo war cad ka soo saaray xafiiskiisa, ayaa beeniyey, in Amisom, wax lug ah ku lahayd, xirista Mukhaar Rooboow.

Rooboow oo lagu xiray Baydhabo, 13-kii bishaan Disembar loona gudbiyey Xamar ayaa waxaa ciidamo Itoobiyaan ahi ka qabteen illinka madaxtooyada Baydhabo, mar uu ku tagay halkaas, codsi u-yeeris ah oo loogu wada yeeray dhamaanba u-tartamayaasha madaxtinnimada dolwad-goboleedka Koofur Galbeed oo isaguna ka mid yahay.

Goobjoogayaal ayaa Sheegtay in Ciidamadda xiray, ay ahaayeen ciidammada Itoobiya oo xiran koofiyadaha ciidanka Amisom oo ay ka tiran yihiin.

Francisco Mandeiro ayaa war-saxaafadeedkiisa ku Sheegay, in uu doonayo in uu ku wargeliyo, shacabka iyo dhinacyada gacan-saarka la leh Amisom, in Amisom aneey sinnaba ugu lug yeelan, xirista iyo Xamar u taxaabista Mudane Rooboow, Isla markaasna ay Amisom ku Baaqi ahaaneyso, dhowrista madaxbannaanida dad iyo dowladba ee Soomaaliya, wuxuuna ku dardaarmay in ay suurtagalinayaan, howlagalladooda ay ka hayaan Soomaaliya iyagoon wax doc-faruur ah la imaan.

Francisco Mandeiro, ayaa sido kale ugu baaqay, dhamaanba dhinacyada ay quseyso, in ay xakamaha isku qabtaan, arrimaha ku addan Doorashooyinka soo socda ee dolwad-goboleedka Koofur Garbeedna ku dhameeyaan, xal-ka-gaaris dhab ah, isla markaasna wuxuu Sheegay in AMISOM sii wadi doonto    fulinta waajibaadyadii loo soo igmaday, ulana shaqeyn doonta, si dhow, dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, halka ay xaq-dhowrka ugu sareeya siin doonto, Sharciga, dhaqanka iyo qiimaha ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii wuxuu war-saxaafadeedkiisa ku xusay danjire Francisco Mandeira, tacsi ay u dirayaan, dadkii ku nafwaayey shaqaaqooyinka Baydhabo, wuxuuna u rajeeyey bogsasho deg-deg ah Dadkii dhaawacmay.

Sorces: Amisom Press Office.

Trajumaadda Amina Wehelie

https://aminawehelie.me 

Advertisements

Categories: HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.