ARTICLES

Hogaamiye lagu hungoobay

Sabti, 15th December, 2018 (Madasha Kulmiye) Nairobi- Ma waxaan ku moodnay mise waxaad noqotay!

Mudane Maxamed cabdullahi Farmajo wakhtigii yaraa ee uu ra’isul wasaaraha Somaliya  ahaa waxaa uu muujiyey ifaafalo dowladnimo waa halkii ay iskala jaanqaadeen muwaadiniinta soomaaliyeed ee u oomanaa magaca iyo metelaada dowladnimo ,oo ay in muddo ah ku taamayeen.

Micno badan ma laheyn in ra’isul wasaare la magacaabo iyo in xil laga qaado, laakin waxa micnaha weyn u sameysay ummada soomaaliyeed waxay ahayd, hadaladii uu saxada siyaasadda ku soo galay ama ka horjeediyey golaha shacabka, ee ahaa awood qeybsiga 4.5 in uusan aaminsaneyn iyo hadalo ad-adag ee shisheeye naceyb ahaa.


Ma waxaanse ku mood nay, mise waxaad noqotay!

Hogaamiye dowladnimada iyo hogaanka ka dhigay ashaqaas iyo kooxeysi, in magacii Soomaalinimada iyo muwaadinimada aad saartaan qeexid iyo cabir kale oo ah qofka iga rayi duwan waa qaran-dumsi, shisheeye kal-kaal, dad waalan, kuwa xanaaqsan, dib-u-socod iyo soo qabo oo dil, ku duul oo dumi.


dhaqaalihii yaraa ee dalka in lagu casuumo laguna shaxaado shisheeyihii aad noo sheegtay 2011-kii in ay cadow u yihiin Soomali, halka hantidaas, dadkii lahaana ay ka gaajeysan yihiin, kuwana duulaan lagu qaado sidii lagu dumin lahana, ayadoo la isticmaalaayo dhaqaalihii yaraa ee dalka.


Rajadii amniga laga qabayna ay noqotay kud ka guuroo qanjo u guur, subax walbana aad dagaal iclaamiso, 700 oo muwaadiniin soomaaliyeed iyo hanti ka badan 10 million dollar hal goob lagu baabiyey, oo aan weli eedeeda iyo maxkamadeenteeda qofna uusan qaadan, hadalkana uu kii hore yahay, WAAN CAMBAAREYNAA IYO GUDDI BAANU U SAAREYNAA.


MA WAXAAN KU MOODNAY, MISE WAXAAN LOO NOQON DOONIN!

In hogaamiye lagu raaco humaag iyo himillo aan meel fog jirin, oraahbaa waxay tiraah “Nimaan ku furi doonin yuusaan kuu rarin”.
Farmaajo, meeshii aan ka rabnay sahan barwaaqo ah, nabad waarta iyo midnimmo ummadeed maanta waxay ka joogtaa yaa hasha maali jiray, yaa awrka rari jiray iyo yaa dhaan aadi jiray.


Filashada nabada waxay noqotay mid intii hore kasii rajo xun, barwaaqadii iyo baraarihii la rajeynaayey waxaa bedelay barkac iyo burburin, Midnimada iyo wadajirka umada soomaaliyeed warkeedba daa.
Waxan hadalkeyga dib ugu celinayaa oo marag iyo marqaati ka dhiganayaa,  shacabkii #8Feb  banaanka u soo baxay, mashxaradii iyo guushii lagu hungoobay ee Madaxweyne Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo.
kala garo bad iyo wabi,kala saar biyahoodana, Alle Shalay Maanta u ekaa!!.

#OgaalAragFog.

W/Q: Mohamed Ali Barre.

qoraha qormadaan wuxuu iminka diyaarinayaa darajada Masterka ee xiriirka caalamiga ah Iyo diblomaadsiyada, ee kulliyadda Mount Kenya University.

Wuxuu hore uga soo shaqeeyey Salama Bank xaruuntiisa dhexe ee Muqdisho.

Kala xiriir wixii ka dareen-celin ah oo qormadiisa ku saabsan si toos ah emailkiisa: Moaliybarre@gmail.com

https://aminawehelie.me

Advertisements

Categories: ARTICLES, HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.