Sabti, 15th December, (Mogadishu)- Raisulwasaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa mar kale jeediyey khudbad isugu jirta faan iyo hanjabaad dadban oo uu ku jeedinayo, xildhibaano dhowaan motion ka keenay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Diirshe (Farmaajo).
Ra’isulwasaare Kheyre oo aalaba khudbadihiisu isku wada egyihiin, saldhigna uga dhiga, booxa-tooreyn iyo hanjabaad uu isagu ula jeedo, is muujin iyo wadaniyad hase yeeshee aan marnaba ku habbooneyn, xeyndaabka siyaasadda iyo xaaladaha murugsan ee dalka uu ra’iisulwasaaraha ka yahay dul hoogaagan, ayaa si weyn ugu nuuxnuuxsaday in gacan bir ah lagu qaban doono, xildhibaano ka tirsan golaha sharci-dajinta oo ah golihii isaga soo doortay, hase yeeshee hadda uu miiska u saaran yahay motion ka dhan ah Madaxweynaha dalka, oo ay ku heystaan qodobbo sharci ah.
Hoos ka daawo muuqaalka qudbadda Ra’iisulwasaare Kheyre.
Courteys of the video: Barta facebook ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
httpps://aminawehelie.me
PM farmaajo iyo PM Kheyre waxay heshiis ku yihiin in ay dalka iyo dadka soomaaliyeed u gacan galiyaan Ethopia.
Ugu danbeyn shacabka soomaaliyeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan waxan kula talineynaa in ay si wadajir ah uga hortagaan MW Farmaajo qorshihiisa guracan.