ARTICLES

Dabagale (Stalker) Sheeko Gaaban

Qeybta 1-aad:

Waxeey dhameysay shaqadeedii maalmeed, waana xiligii ay rawixi lahayd, laakiin Suubban waxeey go’aansatay in ay sugto saaxiibteed Trudy oo ay Isla raacaan tareenka si ay xaafadahooda oo isku dhow u Aadan.

Waa wax ka dhaxeeyo, labadooda in midiba tan kale sugto haddii ay shaqada ka hor dhameyso, ka dibna marmar waxeyba isla sii fariistaan Maqaayad yar oo nintalyaani ahi leeyahay oo ka soo horjeeda, dhismaha weyn ee Suubban iyo Trudy ka shaqeeyaan, doolshe Iyo coffee mucamir Mahna lagu gado.

Maadaama aneey wax shaqo ah heynin, welise aneey iska damin computerkeedii shaqada ayeey is tiri bal eeg facebook iyo fariimaha lag soo diray tan Iyo amanda intaad shaqeyneysay, Suubban badiyaa waxeey furtaa facebook iyo twitter oo ay aad u isticmaashaba, marka ganeey shaqo lahayn, maalmaha fasaxa iyo nasiinada iyo saacadaha ay soo rawaxday oo ay gurigeeda joogto, waayoo waaba siyaasada heyadda ay u shaqeyso, oo lamaba ogola in xilliyada shaqada, ay shaqaaluhu ku mashquulaan facebook iyo isticmaalka baraha kale ee bulshada.

Inteey koob shaahi ah ka soo iibsatay maaqayada gootba shaqada ku dhex taal, ayeey furtay sanduuqii facebook ee farrimaha u gaarka ahaa., fariinta ugu horeysa waxeey ka timid Xasan Badri oo ah ina adeerkeed ku nool Sweden, waa uun iska salaan iyo xog-wareysi guud oo reerka ah, fariinta labaad waxeey ka timid Muna oo ay Suubban goor dhexdaas ah, isku barteen aroos ay ka wada qeybgaleen, iyadana waxeey ilowday oo ay ku ballansanaayeen in eey u sheegto, halka ay ka soo iibsatay set kuulo ah oo aad u quru badnaa, oo Suuban xirneyd habeenkaa, si fudud ayeeyna ugu jawaabtay.

Fariinta saddexaad ma aneey garan waxeyse ka timid qof magac lab sita hayeeshee uu u saran yahay sawir dhedig, waxaana ay xambaarsan tahay qoraal hal sadar oo kaliya ah….. Haye Suubban waa anigiiye, ma I xasuusataa.

Suubban wax umeey arkin fariinta horteeda ka muuqata, si fudud ayeey ugu jawaabtay: Kuma aqaan.

Qofkii oo xilligaasba qadka dul fadhiyey ayaa isla markiiba jawaab soo tuuray, oo ku yiri: Waad i baran doontaa…..

Weey naxday wax badanse kama sii fekerin, oo markiiba saaxiibteey Trudy ayaa soo dul istaagtay, garabkana ka taabatay una raacisay, ina mari aanu baxnee.

Subban inta computerkii damisay, oo koodhkeedii qaboowga gashatay ayeey boorsadeedii garabka suratay, waxeyna raacday saaxiibteed, balse mobilekeedii oo boorsada ku jira ayaa dhawaaqay, weey soo saartay iyadoo is leh Hooyo ama walaalo ayaa ku soo wacay, mise farriin qoraal ah oo lifaaq sawir sidata ayaa dhex fadhida, wey furtay, isla markiina mobilekii ayeey tuurtay oo dhulka ku dhacay, dhidid fara badan ayaa ka soo boday, Indho baygagsan ayeeyna ku eegtay saxiibteed Trudy oo la socotay, waxaa dhagaheeda ka sii dhawaaqaya Trudy oo ku leh: MAXAA KU HELAY! MAXAA KU HELAY! II SHEEG MAXAA KU HELAY!

WAA SOCOTAA……

W/Q: Amina Muuse Weheliye.

Advertisements

Categories: ARTICLES, HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.