Uncategorized

Fudeydka Islaamka:

Ad-adkeynta iyo ciriiri ka dhigidda fahamka diinta islaamka ee fudud waa waxa kaliya ee caawinaya kuwa ku shuqlan inay dadka diinta ka fidneeyaan kana dhigaan tacaaliimta islaamka ee tayada sare leh mid aan loo gali karin oo faraha looga gubanayo.

Kol kasta oo dad muslimiin ah oo is leh waad dadaalaysaan ay fikir xagjirnimo ah oo diinta iyo nolosha iska horkeenaya bari taaraan waa kol kasta oo loo hiiliyay kuwa daba taagan ee dacaayadda ka fidinaya sumcadda islaamka,sheydaankana waxaa la siiyay madkhal iyo dulduleelo uu ka soo weeraro muslimiinta si uu diintooda oga fidneeyo.

Waana sababta uu islaamku xoogga u saaray sahlidda fahamka diinta islaamka iyo ka fogaynta in la cusleeyo tacaaliimtiisa si uu oga hortago wax kasta oo keeni kara inay dadka diinta nacaan.

Inta islaamku adayg iyo qalafsanaan ka digay kama uusan digin in wax la fududeeyo oo fahamka diinta la yasiro bal wuuba tirtirsiiyay oo dhiiri galiyay sida daliiladan hoose iyo qaar kale oo badan ku cad.

Ilaahay wuxuu yiri:-

“يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلَا يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسر..”

“Ilaahay fudeyd buu idinla doonayaa ee culeys idinla dooni maayo”

Markalana wuxuu Alle yiri:-

“وَمَا جَعَلَ عَلَيْكُمْ فِي الدِّينِ مِنْ حَرَجٍ ۚ ..”

“Ilaahay diinka idinkagama dhigin mid aad ku dhibaatootaan”

Markalana waxa uu Alle yiri:-

“يُرِيدُ اللَّهُ أَن يُخَفِّفَ عَنكُمْ ۚ وَخُلِقَ الْإِنسَانُ ضَعِيفًا

“Ilaahay wuxuu doonayaa inuu wax idinka khafiifiyo waayo insaanka waxaa lagu abuuray itaal darro”.

Rasuulka scw wuxuu ahaa mid haday laba daran u kulmaan doorta midda fudud,wuxuuna ahaa mid aan inaba iskalifin sida Alleba faray.

“قُلْ مَا أَسْأَلُكُمْ عَلَيْهِ مِنْ أَجْرٍ وَمَا أَنَا مِنَ الْمُتَكَلِّفِينَ”

“Waxaad ku tiraahdaa ajar idinku weydiisan maayo diinta gaarsiinteeda mana ahi aniga mid is kalifaya”.

Sideedana ilaahay nafna kuma kallifo waxaan taagteeda ahayn oo Alle wuxuu yiri:-

“لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۚ لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ ۗ “

“Ilaahay nafna kuma kallifo waxaan taagteeda ahayn,nafwaliba waxay leedahay waxay kasbatay oo khayr ah,waxana lagu leeyahay oo loo raacanayaa waxay kasbatay oo shar ah..”.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“إنما بعثتم ميسرين ولم تبعثوا معسرين“رواه البخاري(220).

“Waxaa kaliya ee uu Alle idiin soo diray inaad wax fududeysaan ee idiinma soo dirin inaad wax cusleysaan”.

Wuxuu kale oo uu rasuulku scw yiri:-

“إن الدين يسر، ولن يَشادَّ الدينَ أحد إلا غلبه، فسَدِّدوا وقاربوا”رواه البخاري(39).

“Diintanu waa mid fudud ciddii isku adkeysana way ka qaalib noqotaa,ee toosnaada oo dhadhaweeya”.

Wuxuu mar kale yiri rasuulka scw:-

“يسرا ولا تعسرا وبشرا ولا تنفرا”رواه البخاري (3038)، ومسلم(1733).

“Fududeeya Arinka diinta oo ha cusleynina,u bishaareeya dadka oo diinta ha ka didinina”.

W/Q: Cabdullaahi Maxamed Xuseen

Advertisements

Categories: Uncategorized

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.