ARTICLES

Wadaad diinta qalda Waa sidii dhakhtar daawada qalda:

Wadaadka si khaldan Diinta u fahmaa waxa uu ka dhigan yahay dhakhtar daawo aan sax ahayn qof u qoray.

Saban aynu soo dhaafnay ayaa waxaa laga sheekeeyaa in ay wada safreen laba wadaad oo saxiib ahaa .

Wadaadadii oo sheekadu isugu baxayso ayaa waxaa qabsaday Roob xoogleh kadib waxaa soo rogmaday dooxyadii oo Biyuu qulqulayaan.

Saacado uun markii ay dooxa qarqarkiisa taagnaayeen ayaa waxa ay maqleen dhawaaq dumar oo dhiillo xanbaarsan taasoo odhanaysa “hayaaaaaaay yaa Muslimaaaay i badbaadiya iwm”” .

Labadii Wadaad markiiba waxa ay indhaha ku kala qaadeen Gabadh meel aan iyaga ka fogayn Biyaha ku hafanaysa ,dharkii ay xidhnaydna badan kiisii ay Biyahu kala hadheen ,dacalkana haysata Geed meesha ku yaala .

Cilimiga Diinigaa oo maskax caafimaad qabta loo adeegsadaa waa inta laysku dhaafay.

Labadii wadaad midkastaaba cilmigii diiniga ahaa ee uu bartay si gaar ah ayuu u adeegsaday.

Midkamida labadii Xerow markuu arkay gabadhan maryahiiba uu daadku kala tegay jidhkeedana qayb ka midii ay qaawan tahay inta uu subxanalaah yidhi ayuu indhaha ka dabooshay si aanu cawradeeda u arkin waanu kasii jeedsaday.

Wadaadki labaadna inta uu Dooxii isku tuuray markiiba ayuu tunka(dhabarka) usoo ritay gabadhii oo naftu kusii daba yartahay waxaanu usoo saaray dibada.

Gabadhii waxa ay u mahadnaqday wadaadkii soo badbaadiyey,waxaanay u sheegtay in ay hadda socon karayso reerkooduna aanu meesha ka fogayn.

Labadii wadaad halkii ayay kasii wateen safar koodii,balse iminka sheekadu sidii wakhtigii hore maaha mid isugu baxaysa,waayo wadaadkii gabadha ka indha qarsaday ,waxa uu rumaysan tahay in saxiibkii danbi wayn oo kabaa’ir ah uu ku dhacay, kadib markii uu korkiisa saaray gabadh horayba in gacanta laga salaamaa ay xaraam ka ahayd.

Wakhti dheer markii la socday safarkii ,ayaa wadaadkii gabadha badbaadiyey saxiibkii ku yidhi”” saxiib maxaad iila hadli wayday oo aad inooga joojisay sheekadii safarka “” kuyee wadaadkii isagoo cadhaysan “”Dumarka in jidhkooda aynu taabanaa saw ma ogid in ay xaraam inaga tahay oo Ilahay inoo diiday ,sidee ayay ku dhacday adiga oo wadaad ah in gabadh saalaan teedaba laynaga xaraam tinimeeyey in aad dhabarkaaga saarto ?

Wadaadki inta oo qoslay kuyee “oo anigu gabadha markii aan soo badbaadiyeyba waanigii dhulka iska dhigee,adigu ilayn wali waad sidadaa oo maskaxdaada ayay ku jirtaa!!!

GUNDII IYO GABO-GABADII

LABADAA WADAAD MIDNA GABADHAA WAXA UU U ARKAAYAY IN AY TAHAY QOF GURMAD U BAAHAN ,KAN KALANA FIDNO IYO FAASUQNIMO AYAY ULA MUUQATAY.

w/q: Qareen Khadar aar.

France.

Advertisements

Categories: ARTICLES, HOME

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.