HOME

Warbaahiso Taleefishan oo caan ah oo lagu toogtay Kabul

Axad, 12th May, 2019 KABUL (Radio FreeEurope)- Saraakiil reer Afghan ah ayaa sheegaya in Mena Mangal, oo hore u ahayd wariye Taleefishan, lagu toogtay caasimada Afghanistan ee Kabul.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Nasrat Raimi ayaa sheegay in Mena lagu dilay degmada 8-aad ee Kabul, saacadihii hore ee shalayto oo bisha May ahayd 11, iyadoo sugeyga gaari.

Goobjoogayaal ku sugnaa meel u dhow suuqa Karte Naw ee Kabul, ayaa laga soo wariyey in laba nin mooto saarani, afar xabaddood cirka u rideen si ay u kala ceyriyaan dad suuqa xoonsanaa, markii loo baneeyeyna, ay laba xabaddood kaga dhufteen xabadka, Mena Mangal.

Qaraabada gabadha la dilay ayaa xaqiijiyey xilliga la toogtay in ay sugeysay gaari u qaada shaqadeeda oo iminka ahayd la taliye dhinaca beeraha ah kuna sii socotay goobteeda shaqada ee Wolesi Jigra, Aqalka hoose ee baarlamaanka Afghanistan.

Ragga gabadha toogtay ayaa goobta ka baxsaday, mana jiro cid si degdeg ah u sheegatay dilkeeda.

Mena Mengal ayaa toban sano ka badan warbaahiso ka ahayd, Tv-ga gaarka loo leeyahay Ariana, kan kale ee gaarka ah ee luuqadda Bashtunka ku baxa e Lamar iyo teleefishanka qaranka madaxa banaan ee Shamshad.

Waxey kaloo maamuleysay dhowr bog oo kuwa bulshada ah oo looga doodo xuquuqda Haweenka ay u leeyihiin in eey shaqeeyaan iyo xuquuqda caruurtu (Dhedig) u leeyihiin in ay wax bartaan, waa gabdhaha e.

Waxey marar badan wax ka qortay, si weynna uga hadashay, sidii la isugu dayey in lagu qasbo guur aneey dooran, 2017-kii iyo qaabkii ay u martay in ay hesho furiin.

Mangal ayaa dhowaanahaan bogageeda baraha bulshada ku soo qortay hanjabaado dil ah oo kaga imaanayaan, dad aneey garaneynin.

Qaraabadeeduna waxeey sheegeen in markastaba ay dhibaato ku qabtay, xidiidkeedii hore.

Afhayeenka boliska u waramay wuxuu kaloo sheegay, in qeyb booliska ka tirsan oo gaar ah ay baaritaan ku wadaan dilka Mena Mangal.

aminawehelie.me

Sources: Radio Free Europe/Radio Liberty.

Advertisements

Categories: HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.