ARTICLES

Inna subag baa dilay, inta kalena saxariir

Xildhibaano is macsuumay.
Xildhibaano ka tirsan aqalka sare ee dowladda federaalka ah

Cinwaanka kor ku xusan ma cusba, oo hore ayaan u qoray maqaal uu hordhac u yahay, wuxuuna ku soo baxay maqaalkaasi wargeyskii QARAN PRESS oo Muqdisho lagu daabici jiray waayadii dagaallada sokeeye ay halakeeyeen magalaada iyo dadkeedaba,kaasoo ay ku loolamayeen hogaamiye kooxeedyo kursiga u hamuun qaba.

Xilligaas waxaan maqaalkeyga kaga hadlay, sida nolosha dadka Muqdisho ku nool ay u kala duwaneyn, rafaadkii, dagaalkii, abaartii, barakicii baahsanaa iyo kulli darxumadii berigaas jirtay.

Waxaan kaloo kaga waramay sida nolosha inta qoriga keebka u heysa oo hogaamiye kooxeedyada ahaa, iyo in kale oo iyaga u gallimi jiray ay isugu toosneyd, kagana macaashayeen dhiigga dadka marasta iyo masaakiinta ah oo meel kasta ku darxumeysnaa.

Waqtigaas waxaa laga joogaa wax ka badan 26 sannadood, hadaba iminka maxaa igu xambaaray in aan isla cinwaankii dib u soo qaato, qormo cusubna raaciyo?

ka marqaati ahaan maadaama aan wax badan u soo joogay inta cimrigeygu la’egyahay, kuma aamuso badiyaa waxaan arkayo, hadeey qaldan yihiin iyo hadeen saxan yihiinba, wax uun baan ka iraahdaa.

Marmar badan waxaa dhacda in aan muddo aamusnaado taasoo sababteedu ay tahay, in aan wax hubsanayo, baarayo, ka baaraandegayo, iskuna geynayo, oo diyaarinayo.

Wax badan ayaan kolba sida xaaladu tahay ka hadlay, hadalka iyo qoraalku waa shaqadeyda, oo ma dhici karto in aan warbaahiso sheegto, hadana aamuso, afkana aanan ka hadlin, qalinkana aanan ka shaqeysiin.

Muqdisho waa caasimadda dalka, waa meesha dalka oo dhan laga xukumo oo madaxdii dalku inoo fadhiyaan, hase yeeshee waa hal jir (Jidh) oo 100 madaxi ku taal, madax kastaana uu iskiis wax u go’aaminayo, u gaarayo, u maamulayo, u diidayo, una daran-daryoonayo.

Marka ay taasi dhacdana, waxaa yimaada jahawareer baahsay iyo madaxyo derbi-ku-garaac badan, wax kastabase waxeey ku xiran yihiin wax ka horeeya iyo wax ka dambeeya, oo ma jiraan wax iskood u istaagaya.

Waa wax aan aqliga geli karin, magaalo aad u weyn oo ku taal gobol aad u weyn, oo ay ku nool yihiin ugu yaraan 3 milyan oo qof, oo laga guro canshuur nidaam dowladeed ku socota, iyo qaarna aaneey nidaamba ku socon oo ay u egtahay, BAAD dhexda raac ah oo malaayiin doollar bishiiba ah, in ay heli weydo wax kaleba daaye, turriinshiyo iyo tabantaabo.

Waxaan aqliga fayoobi qaadi karin, in Muqdisho oo ah hogaankii dalka ay dadkeedu silic ku noolaadaan, saxariir miciintaan, saadaalshuna ka habowdo.

Maalin kasta waxaa warbaahintu soo tabisaa, warar dhiillo leh iyo kuwa dhutin leh labadaba, qarax, inan yar oo Bajaajle ah oo askri dowladeed toogtay, wadooyinkii oo xiran oo dadkii kuwii lugaha lahaa daaye, cuuryaankiina, kala wareeg la leeyahay.

Ma jiro dunida dal aan cillado lahayn, ha yeeshee aqliga fayoobi wuxuu is weydiinayaa sida ay ku dhici karto Magaalo/gobol ka ugu daqliga badan wadanka, canshuurtiisana lagu maamulo si toggan iyo si tabban ba wadanka, saami laga siiyo maamul-goboleedyada kale canshuurtaas, lagu bixiyo wax kasta oo qarash dowli ah, in dadkiisu ka baahnaadaan wixii ay maalgashadeen.

ka iskuul la’aadaan, ka isbitaallo la’aadaan, ka jidad la’aadaan oo laamiyada waaweyn daaye xitaa wado lugeedyada xaafadaha dhex maralaga ooto.

Waxaa wax laga anfariiro ah, sida xilliyada kale iska dhaafe, hadda oo bil Ramadaan lagu jiro, ay taliyaayayaasha iyo hogaamiyayaashu isugu soo sawirayaan iyagoo hilib foorneysay, cunno kala nooc ah oo naqshado badan, oo indho dararaan dar ah ruugaya, cabitaano qaboow oo macaanna isga dajinaya, loo soo gelinayo warbaahinta iyo baraha bulshada, halka dadkii marasta ah oo ay xukumayeen ay gaajoonayaan.

Waxaan marmar badan is weydiiyaa, xageey qabtay bi’niaadanimadii? islaanimaddii? iyo masuuliyaddii kuwaan hilbaha duban ruugaya?

Horta waxaanu nahay dad islaam ah, qofka muslimka ahina ma quusto inta naftu ku jirto, iyo xitaa hadeey ka baxdo, oo intuu noolyahayna isbedel buu rajeeyaa, markuu dhintana abaal marin eebbe iyo ilaaheey naxariistiina darteed in uu jannooyinkiisa ku casuumo ayuu rajeeyaa.

Quusan meyno ha yeeshee, hadaad dhargan tahay macnaheedu ma ahan in aad naxariis-daraato e, waa in aan dadka danyarta ah ka damqataa.

Kol hadaad hogaamiye tahay, heerkaaguba halkuu doono ka joogee, waa in aad gudataa waajibkaagii, hadaad hilbo cuneysana, ku cun meel qarsoon, koley nafleey baad tahoo wax baad cuniye, hayeese ha ku jees-jeesin ummada baahan bil ramadaan iyo mid kaleba oo ay adiga ahayd in aad wax la qabto, maamul wanaagsan u dajiso, si ay u helaan shaqooyin, ka dibna cunno duban ugu suurtagasho sidaadoo kale, ileyn kaama liitaanoo fursadaan kursiga ku fariisine, waa muwaadiniin sidaadoo kale ah, waana dadkii xaqa kugu lahaa in aad si wacan ugu maamusho masuuliyada lagaa dul saaray iyaga.

Aleylehe, INNA SUBAG BAA DILAY, IN KALENA SAXARIIR.

fOOGNAAN:

Qormadaan anaa qoray, waxaana ka qoray niyadeyda sida ay minka la joogo dareemeyso, cidna kama soo xigan.

Amina Mussa Wehelie

Birmingham, UK.

Advertisements

Categories: ARTICLES, HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.