HOME

Xaakin diiday dacwad ka dhan ah Suxufi lagu heysto qoraal uu facebook ku soo qoray

29th May, 2019 (Muqdisho, Somalia)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta waxba kama jiraan ka dhigtay, dacwad dambiyeed lagu soo oogay, Warbaahiye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog, waxeyna maxkamadu go’aamisay in berrito xabsiga laga sii daayo.

Warbaahiyahan ayaa la xiray subaxnimadii Talaadada waxaana lagu eedeeyey in uu jahawareer ku keenay, imtixaanadka qaran, ku kacay magac-dilid been abuur ah, isla markaasna uu dhiirigeliyey arrimo sharci-darro ah.

Ka dib markii xaakiinkii maxamada fadhiyey uu dhageystay dacwadda ka dhanka ah warbaahiyeCali Aadan Muumin, isla markaasna uu eegay dhamaanba eedeynta uu ka soo gudbiyey garyaqaanka dowladu, oo ku soo eedeeyey warbaahiyaha in uu ku xadgudbay, qodobada sharciga tirigoodu yahay 215, 219, 220, 267, iyo 268, isla markaasna uu xaakinku ka dalbaday garyaqaanka dowladda ee dacwada soo oogay, in dacwaddiisawaafajiyo sharciga, ayaa garsooruhu amar ku bixiyey in dacwadu aneey ahayn mid sharciga waafaqsan, sidaas darteedna la baabi’iyey, lana sii daayo warbaahiyaha maalinta berrito ah.

Hore waxaa xariga suxufiga war cad uga soo saaray warbaahinta Goobjoog oo uu ka tirsan yahay, ururka suxufiyiinta ee NUSOJ oo fadhigiisu yahay Muqdisho, xilidhibaanno iyo shaqsiyaad kale oo kulligood ku tilmaamay, in uu yahay xarig sharci-darro ah.

aminawehelie.me

Birmingham Office,

United Kingdom.

Advertisements

Categories: HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.