Suxufi reer Kurdistan ah, xaaskiisa iyo wiil yar oo ay dhaleen oo geeriyooday.

Sabti, October, 19th 2019 (AMW)- Booliska Kuridstan ayaa sheegaya in Arbacadii la helay, meydka Suxufi caan ahaa, xaaskiisa iyo inan yar oo ay dhaleen.

Madaxa booliska Suleymaaniya, oo markii hore sheegay in geeridu ahayd dil, ayaa hadda shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay in ay waayeen cadeymo dhab ah oo ka tarjumaya, in la dilay.

Amany Babani, oo ahaa wariye caan ah oo la shaqeynayey kanaalka NRT, iyo xaaskiisa, Lana Hamadalih oo ka shaqeyneysay Kurdistan, iyo wiil yar oo 3 jir ah oo ah dhaleen, ayaa la helay iyagoo la toogtay, hase yeeshee boolisku waxeey sheegayaan in cadeymaha ku gadaaman geerida qoyskan, ay yihiin kuwo sheegaya in aneey cid kale dilin, hase yeeshee ah qudh iska jarid, ka dib markii meydkooda la baaray.

Meydka qoyska oo laga dhex helay gaari, ayeey boolisku sheegayaan in todobada xababood oo geeridooda sababtay, oo midi ay ku dhacday Amany, labana ay ku dhacday Lana, saddexna ay ku dhacday inankooda yar, midna ay qabsatay albaabka baabuurka, aaneey intuba ka imaanin, gaariga banaankiisa.

Source: BASNEWS

Amina Wehelie

Birmingham.

Leave a Reply