NEWS

39 qof oo meyd ah oo kunteener laga dhex helay

Arbaco, 23th October, 2019 – AMW-

39 qof oo meyd ah ayaa laga dhex helay gaari weyni oo nooca xamuulka ah oo kunteenerada jiida, goob baabuurta xamuulka la dhigo oo ku taal gobolka Essex ee dalka Britian.

Booliska ayaa u yeeray gawaarida xaaladaha degdeg ah la tacaala, saacadu markeey ahayd 1.40am ka dib markeey ka heleen, goobta baabuurta xamuulka la dhigo ee Waterglade 39 qof oo meyd ah, oo ay ku jiraan caruur iminka uun qaan-gaartay.

Baritaan ka dib waaa isla goobta lagu cadeeyey in dadka oo dhami dhinteen, isla markaasna waxaa xabsiga loo taxaabay, nin 25 jir ah oo gaariga xamuulka ah waday, kaasoo looga shakiyey in uu masuul ka yahay, geerida dadka.

Gaariga xamuulka ahi ee konteenerka meydka dadka laga dhex helay jiidayey ayaa ka yimid dalka Bulgaria, wuxuuna ka soo galay Britian Holyhead oo ku taal gobolka Wales, maalintii Sabtidii la soo dhaafay.

taliyaha booliska gobolka Essex, Andrew Mariner ayaa sheegay in dad fara badani naftooda waayeen, booliskuna uu sii wadayo baaritaanka ilaa laga ogaado, sida wax u dhaceen, wuxuuna intaas ku daray, in ay iminka wadaan dadaal ay ku aqoonsanayaan meydadka, qof qof.

Tan iyo intii ay UK ku dhawaaqday in ay ka baxeyso Midowga Yurub, waxaa batay dadka ka imaanaya Yurub inteeda kale, oo soo tiigsanaya, in ay UK soo galaan.

Advertisements

Categories: NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.