Daadad ku fatahay gobollo ka mid ah Biritan:

Talaado November 12, 2019 (AW.COM)-Daadad xoog leh ayaa ku fatahay gobollo ka mid ah wadanka Ingriiska.

Degmada Fishlake ee ka tirsan gobolka Koofurta Yorshire ayaa ka mid ah goobaha ay daadadku sida weyn ugu fataheen.

Fishlake, South Yorshire.

Raisulwasaaraha Britian Boris Johnson, ayaa shir gudoominaya kulan degdeg ah oo uu la yeelanayo heyadda COBRA ee maareysa, xaaladaha degdegga ah ee dalka.

Hey’addaha arrimaha deegaanka qaabilsan, ayaa digniino ka soo saartay, 39 goobood oo looga cabsi qabo in daadaadku halakeeyaan.

Wabiga DON oo mara Koofurta Yorshire ayaa ah kan ugu daran ee xilligaan fatahaya, ka dib markii ay roobab farabadani da’een.

Ilaa iyo 400 oo guri ayaa daadadku maasheeyeen, halka laga guuray 1,200 oo dhisme.

Hogaamiyayaasha xisbiyada muraacadka ah ee UK ee Labour iyo Liberal Democrats , Jeremy Corby iyo Jo Swinson ayaa dowlada ku dhaleeceeyey habacsanaan, halka ay yabooheen adduun xoog leh oo wax lagaga qabto, daadadka had iyo gooraaleba ku fataha gudaha dalka UK, haddii ay ku guuleystaan doorashooyinka soo socda ee madaxtinimada dalka.

Goobo badan waxaa la bilaabatay in dhar iyo qalab kaleba loo aruuriyo, si loogu deeqo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay daadadka.

Goobaha qaar ayaa la soo sheegayaa in ay ku fataheen daadadkii ugu darnaa, muddo 100 sanno ah.

Source: BBC

AW.COM

Leave a Reply