HOME

dufaan xowli sare ku socota oo garaacday UK

Axad (9th February 2020) -UK: Duufaan magac looga dhigay CIARA kuna socota xowli dhan 94 MBH ayaa ku dhufatay dalkan Ingriiska, dufaantaan oo aad u xoog badney ayaa keentay in ay qalqal geliso isu socodka bulshada, tareenada gobolada ka yimaada ayaa badankood la baajiyey, waxaa la hakiyey duulimaadyada, sidoo kale waxaa la xiray goobaha dalxiiska ee dalka badankood.

Duufaanta CIARA ayaa sidoo kale waxeey sababtay in ay taleefishanada dalka qaarkood, hawada ka baxaan, qadadka internetka ayaa iyaguna saami weyni ka soo gaaray duufaanta.

Gobolada qaar ayaa roobkii ay duufaantu waatay darteed, waxaa ku rogmaday daadad, guriyihii dadka ugu galay.

In kastoo ay ahayd maalin shaqooyinka laga nasanaayo, oo Axad ah, hadana duufaantaan ayaa jajabisay xitaa guryo iyo dhismayaal kale, geedihiina dhulka dhigtay.

Ma ahan wadankan Ingriiska oo kali ah, dalalka ay duufaantaani maratay, hase yeeshee waxeey badanaa ku dhufatay dalal badna oo ku yaala yurubta waqooyi.

Dhanka kale, dhowr qof ayaa boolisku xireen, ka dib markeey sawiro ka qaadeen, dumar xiran goonooyin gaa-gaabay oo dabeyshu hor ugu uruurisay, markii duufaanadu socdeen.

Dadkaan ayaa badankood lagu sii daayey markii dambe, damaanad.

Duufaantaan ayaa todobaad ka hor laga sii digay ka dib markeey khubarada cimilada odorasta, ay shaaciyeen in ay ku soo socoto Yurubta Waqooyi, iyagoo markaas siiyey darajada CAS oo ah tan ugu sareysa oo laga bixiyo, masiibooyinka dabiiciga ah.

AminaWehelie.com

Categories: HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.