HOME

sideed xildhibaan oo Soomaalida Keenya ah oo lagu xiray garoonka Wilson ee Nayroobi

1st March, 2020-(Nairobi)- Sideed xildhibaan oo laga soo doortay magaalooyinka Wajeer iyo Mandheera ee dhulka Soomaaliyeed ee Keenya heysato ka tirsan, ayaa lagu xiray gegida diyaaradaha Wilson ee magaalada Nayroobi.

Xarigga xildhibaanadaan ayaa loo sababeeyey in ay u dhoofayeen Muqdisho, caasimada Soomaaliyada halkaas oo ah ku martigeliyeen saraakiil ka tirsan, waaxda amniga soomaaliya, sidaas darteedka ay sirdoonka keenya uga shakiyeen, in howlgalo qarsoon ay ugu kicitimayeen Soomaaliya xiliga la qabtay.

Xildhibaanada ayaa iminka ay su’aalo weydiinayaan, saraakiil ka tirsan sirdoonka Keenya.

Xildhibaanada la xiray ayaa kala ah:

1. Axmed Kolosh- Galbeedka Wajeer.

2. Ibraahim Cabdi -Lafey.

3. Rashiid Qaasim- Bariga Wajeer.

4. Maxamed Hirre- Lagdera.

5. Cumar Macallin – Bariga Mandheera.

6. Bashiir Cabdullaahi – Waqooyiga Mandheera.

7. Aadan Xaaji – Galbeedka Mandheera.

8. Kuuloow Macallin – Banisa.

Sirdoonka Keenya ayaa sheegay in aay doonayaan in ay ogaadaan ujeedada dhabta ah ee safarka mudanayaashaan.

Source: Citizen Tv.

AminaWehelie.Me

Categories: HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.