HOME

Kim Jong Un oo muddo aan fagaare lagu arag

Axad, 26th April, 2020 – (aminawehelie.me)- Hogaamiyaha mayalka adag ee Kuuriyada Waqooyi ee dhaxalka ku tagay kursiga dalka ugu sareeya, Kim Jong Un, ayaan indho laga qadiin in muddo ah, waxaana lagu soo waramayaa in aanuu ka qeybgelin dabaaldegga ciidamada dalkiisa ee shalayto.

Warbaahinta Kuuriyada Koofureed iyo tan Shiinaha ayaa soo warinaya in caafimaadkiisa laga shaki qabo, halka qaar kalena ay sheegayaan in uu dhintay.

Kim Jong Un, ayaan cag dhigin, dabaaldegga sanadguuridii 88-naad ee ka soo wareegtay, aasaaska ciidamada qalabka sida ee kacaanka dadka Kuuriya oo magacooda loo soo gaabiyo KPRA.

Wakaallada wararka ee Kuuriyada Koofureed Yonghap, ayaa taleefishanka ka warisay, wararka ku aadan fagaare ku arag la’aanta Kim Jong Un.

Taleefishanka Hong Kong iyagu waxeeyba sheegeen in uu dhintay Kim, hase yeeshee wararkaan dambe ee geeridiisa werinaya, meelna lagama xaqiijin, xitaa dalka Mareykanka oo beryahaan ay xiriir lahaayeen.

Source: Wakaallado kala duwan.

aminawehelie.me

Categories: HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.