HOME

Xaaladii ugu dambeeysay ee Muqdisho.

(Mogadishu) 12th of june, 2020 (aminawehelie.me)-Intabadan Golaha wasiirada ayaa ka hor-yimid codsi kaga yimid agaasimaha heyadda sirdoonka qaranka ee NISA, Fahad yaasiin Xaaji Daahir, codsigaas oo ahaa, inay is casilaan si culays siyaasadeed loo saaro Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre.


Wasiirada badankood ayaa taageersan siyaasada Rwasaaraha ee ah in dalka laga badbaadiyo fat-qalalo siyaasadeed lana qabto doorasho la isla ogol yahay., halka qaar badan oo wasiirada ka mid ahina ay ku daabban yihiin xisbiyada isku diyaarinaaya doorashooyinka.

fikrada Ra’iisulwasaaraha waxaa taageersan, beesha caalamka iyo maamul goboleedyada intabadan taasoo loo arko mid dalka u horseedaysa daganaansho siyaasadeed iyo horumar.


warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in saamilayda siyaasada iyo beesha caalamka ay taageerayaan, Ra’iisulwasaare Xasan Cali khayre haduu isu soo sharaxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Fahad Yaasiin, Agaasimaha heyadda sirdoonka Qaranka ee NISA, wuxuu doonayaa in xoog xilka loogu haayo madaxweyne Farmaajo oo uu garab iyo gaashaanba u yahay, iyadoo la adeegsanayo ciidamada Itoobiya iyo dhaqaalaha dawlada Qadar.


Ra’iisulwasaare Khayre, wuxuu ka soo horjeedaa in dadka Soomaaliyeed loogu hanjabo awood iyo ciidamo shisheeye iyo dhaqaale dawladocarbeed.


Fahad yaasiin, markuu ku hungoobay golaha wasiirada, ayuu caawa bilaabay inuu xildhibaano laxiriiro si mooshin looga diyaariyo Khayre.


wixii arimahan ku soo kordha waanu idinla soo socodsiin doonnaa, haddii Alle yiraahdo.

aminawehelie.me

Categories: HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.