HOME

Dufaano xoog leh oo looga baqayo in eey ku dhuftaan Mareykanka.

Arbaco: 26th of August, 2020- (USA)-Dufaanno xoog leh oo ka soo hiryaamay xeebaha gacanka Mexico ayaa ku sii jeeda gobollada Texas iyo Lauisiana ee dalka Mareykanka.

Dabeylahaan oo lagu saangooyey Category 3 ilaa iyo Category 4 ayaa la cabsi qabaa in eey ku beegmaan halkaasi gelinka dambe ee Abacada iyo horraanta Khamiista ee todobaadkan.

Dufaanta ka soo kicintay gacanka Mexico oo magac looga dhigay Laura ayaa lagu soo waramayaa in eey kiciyeen hanfida kulul iyo omosta dhulka oomanaha ah ee deegaanka, taasoo biyaha badda kuleyl ku kordhisay, halka markii horena ay wehlisay duufaan kale oo magac looga dhigay Marco.

Dhanka kale, waxaa la odorasayaa in roobab lixaad leh isku fidiyaan, xeebaha gacanka ee dhaca bartamaha Galbeed, ee ku dhow xudduuda Texas iyo Louisiana, laguna qiyaasayo in ey dhulka dhigaan biyo joogoodu yahay, ilamaa 15 inches, kuwaasoo horseedi kara daadad fatahma.

Duufaanta Laura ayaa Talaadadii lagu waday in eey ku bilaabato xowli dhan 120 mph, sidaasina ahaato 24-ka saac ee xiga.

Tiro ka badan nus malyuun qof ayaa lagu amray in eey ka baxaan guryahooda oo ku yaala Texas iyo Louisiana.

Duufaantaan ayaa laga baqdin qabaa in eey gaadho gobolka Arkansas laga bilaabo Arbacada gelinka dambe ilaa Khamiista.

Khubarada ayaa ka digaya in ey dhibaatooyin ba’an geysan karto duufaantu.

Source: The Washinton Post

aminawehelie.me

Categories: HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.