Isniin, 31 Augoust, 2020-(War)-Abu Dubai- Waxaa lagu soo waramayaa in laba qarax oo mataano ah ay ku qarxeen caasimadda dalka Isutagga Imaaraadka ee Dubai.
Qaraxyadaan oo aaney waxba u dhaxeyn ayaa gilgilay dhismayaal ku yaala halkaasi iyo wixii ka agdhawaaba.
Sida ay warinayaan warbaahinta gudaha dalkaasi iyo tan dibada, waxaa lagu soo waramayaa in eey dhowr qof dhaawac ka soo gaaray halkaasi, hase yeeshee weli ma cadda in dhaawacyo halis ahi ka mid yihiin, waxyeelada soo gaadhay dadka dhaawacmay.
Qaraxa ayaa ka kacay halka ugu hooseeysa ee dhisme magaalada ku yaalla oo ahaydgoob laga cunteeyo ee maqaayadda caanka ah ee KFC.
Wararka qaar ayaa ku waramaya in qaraxu ka dhashay haan gaaska wax lagu karsada ah oo maqaayada loogu adeegayey, mase jiraan warar xaqiijinaya sugnaanta xogtaas.
Qaraxyadaan ayaa ku soo beegmay mar maanta gelinkii hore ay Dubai tagtay duulimaad kii ugu horeeyey ee nooceeda ah oo ay sameyso diyaarad laga leeyahay dalka Israa’eel, taasoo iyadana ku jiray heshiisyo dhowr ah oo dhowaantaan ay kala saxiixdeen, dalalka Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil oo ay ku caadiyeeynayaan xiriirka labada dal.
Hoos ka daawo sawirro dheeri ah.
Sources: Warbaahin kala duwan.
Sawirada: Baraha bulshada ee Twitter, facebook iyo Instagram.
Amina Mussa Wehelie
Heybad Media
Birmingham.
UK.