Gabdha yar ee jisha filimada qosolka leh ee Mark Angel, Emmanuella Samuel, ayaa guri weyn oo qurux badan u dhistay hooyadeed.
Emmanuella Samuel, oo ku dhalatay 22-kii July ee sanadkii 2010-kii, magaalada Port Harcourt, ee dalka Nigeria, ayaa mar qur ah qabsatay indhaha caalamka ka dib markeey ka soo muuqatay, channelka Mark Angel ee youtubeka.
Emmanuella ayaa comedy-ga Mark Angel qaladihii ugu horeeyey oo ay wax ka dhigtay waxaa ka mid ah, WHO MESS? MY REAL FACE, waxeyna kaga soo biixtay riwaayadaha Mark Angel, dufacadda 34-aad.
Gabdhan caan baxday oo iminka 10-jir ah ayaa martiqaadyo ka heshay shariikado waaweyn oo filimada sameeya oo ku yaalla dunida dacaladeeda.
Hoos ka daawo guriga Emmanuella Samuel ay u dhistay kagana farxisay hooyadeed.https://www.facebook.com/watch/?v=2506929059607777
Source: BBC NEWS PIDGIN.
Amina Wehelie