HOME

Yeey yihiin Muqdisho Principle?

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga sare ee Madasha qurbo-joogta mudullood ayaa lagu faahfaahiyey, maqaamka ay u taagan yihiin iyo howlaha ay qabtaan, madasha Qurbo-joogta Muddullood ee magacoodu yahay Muqdisho Principle, ka dib markeey muddo sanad ah wadeen howlo fara badan oo kala duwan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay, waxqabadka iyo ujeedooyinkii loo aasaasay madasha Muqdisho Principle.

wuxuuna u qornaa sidaan:

Ujeedo War-Saxaafadeed:          21/01/2021

Ujeedooyinka​ iyo wax qabadka madasha qurba joogta mudulood ee muqdisho principle.

Madasha waxaa la’aasaasay 25.Feb.2020 ka dib shirweynihii mudulood oo ka dhacay muqdisho bilowga bisha Febrauary halkaas uu qudbad xasaasi ah ka jeediyey Mudane Cali Mahdi oo meelo badan taabaneeysay .

Madasha waxaa loo aasaasay dhisida maamul usameynta gobolka Banaadir iyo horumarinta deegaanada mudulood.

Madasha waxay ka kooban tahay : Indheer garad,odayaal,haween,aqoon yahano,culumaaudiin iyo dhalinyaro isku baheysatay ka dhabeynta ujeedooyinka madasha Mudulood.

Madasha qurba joogta mudulood ee muqdisho principle ayaa tan iyo inteey dhisneed ku talaabsatay guul wax ku ool ah oo aan la’dafiri karin sida: shirweynihii beesha mudulood ee looga arrinsaday maamul usameynta gobolka banaadir iyo horumarinta deegaanada mudulood.  Madasha waxaa ka go’an iney ka dhabeyso hadafkeeda oo ah iney gaarsiiso horumar la’taaban karo dadkeeda oo ah canshuur bixiyayaasha ugu badan illaa markii la’aasaasay jumhuuriyada Soomaaliya.

Waxaan cadeyneynaa in Muqdisho Principle aanay marnabo shaqo ku laheyn la kala safashada qolyaha siyaasada isku haayo.

Madashu waxay ka digeysaa faafinta been abuur kasto oo ku wajahan ujeedooyinka loo abuuray madasha.

Madasha waxa gacmo furan ku soo dhaweyneysaa dhamaan walaalaha daneynaayo wax qabadka madasha muqdisho princile.

Nagala soo xiriir. E-Mail kan. moqadishoprinciple@gmail.com

Madasha Qurbojoogta ee Mogadisho Principle.

Amina Wehelie

Brimingham

UK.

Categories: HOME, NEWS

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.