Isniin-1st of March, 2021 (UK) qof baa la baadigoobayaa, lagu tuhunsan yahay in uu qabo xanuunka coronavirus noociisa “Brazilian Variant” ka dib markii lix qof oo kale laga helay noocaasi.
Brazilian Variant, ayaa ah nooc ka mid ah noocyada khatarta ah ee xanuunku u kala qeybsamay, ka dib markii uu si saf-mar ah u galaaftay dad badan oo dunida ku nool tan iyo sanadkii 2019-kii oo ah xilliga uu xanuunku ka bilowday dunida.
Lixda qof oo noocaan cusub laga helay ayaa ku kala nool, gobollada England iyo Scotland, sadexda case ee gobolka England ayaa laba ka mid ahi sidaan laba qof oo bartamihii Bishii Febraayo, ka soo laabtay, xiligaasoo ah ka hor intaan la soo rogin amarka ah, in dadka dhoofka ka soo laabanaya la dajiyo hoteello lagu karaantiilo.
Nadhim Zahawi, oo ah wasiirka talaalka ayaa u sheegay taleefishanka afka Ingriisiga ku hadla ee Sky News, in qofka sadexaad anuu card-ka la siiyey ku buuxinin macluumaadkiisa shaqsiyeed, sidaas darteedna aan la garaneynin halka loo raadiyo, waana qofka iminka la baadigoobayo.
Dadkaan ayaadhamaantood, lagu ogaaday in eey xanuunka nooca Brazillian Variant qabaan, ka dib markii laga baaray xanuunka bartamihii bishii Febraayo.
Coronavirus ayaa dunida ku dilay malaayiin qof, waana xanuun kolba la soo baxaya waji hor leh iyo noocyo cusub oo ka khatarsan noocyadiisii hore.
Source: Sky News.
AminaWehelie.Me
Birmingham, UK.
Categories: Uncategorized